Hel Caymis

Hel ceymiska daryeelka caafimaad oo tayo sare leh oo ka bilaabanaya $25 bishiiba!

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | Переглянути укр | عربى | មើលជាភាសាខ្មែរ | Soomaali | ਪੰਜਾਬੀ

Daryeelkaaga Wuxuu Ka Bilaabanayaa Caymiska Daryeelka Caafimaad

Waxaad heli kartaa caymiska daryeelka caafimaad oo la awoodi karo, tayo sarena leh oo loogu talagalay daryeel bixiyeyaasha. Qorshayaasha caymiska caafimaad waxaa si toos ah loogu diyaarinayaa iyada oo ku saleysan lambarka ZIP-kaada. Waxaad kala dooran kartaa 2 qorshe oo caymiska ilkaha ah: Delta Dental ama Willamette Dental.

Kaliya $25 oo aad bixiso bishiiba, ayaad ku heleysaa dheefahan soo socda:

  • Booqashooyinka Dhakhtarka Daryeelka Assaasiga ah oo bilaash ah
  • Caafimaadka
  • Ilkaha
  • Toosinta Ilkaha
  • Aragga
  • Maqalka
  • Dhalmo la’aanta
  • Daryeel ku habboon jinsiga uu qofka doorto
  • Daawada Dhakhtarku Qoro
  • Daryeelka Baddelka ah
  • Daryeelka U Jimcinta
  • Caafimaadka Dareenka

Ma ku cusub tahay caymiska?

Haddii aad xaq u leedahay caymiska daryeelka caafimaadka ee daryeel bixiyeyaasha markii ugu horraysay, waa kan waxa aad u baahan tahay inaad ogaato:

Caafimaadka, ilkaha, toosinta Ilkaha, aragga, maqalka, fayo-qabka dareenka, dheefaha daawada dhakhtarka uu qoro iyo kuwa kale oo badan ayaa dhamaantood ku jira qorshahaaga caymiska caafimaad ee qiimaha jaban ee ah $25 bishi.

 

Wax Badan Ka Ogow

 

Haddii aad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bil walbo, carruurtaada waxay isla caymiska wanaagsan ee aad hesho ka heli karaan Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)! Wax badan ka ogow.

 

Goormee ayaan codsan karaa?

Waxaad codsan kartaa caymiskaaga:

  • Markaad xaq u yeelato caymiska marki ugu koowaad.
  • Haddii aad leedahay Dhacdo Nololeed Muteysi Leh.
  • Inta lagu jiray Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka), Luulyo 1-20 sanad walbo. Wax badan ka ogow.

Waxaad heysataa 2 qaab oo aad ku codsan karto ceymiska:

Onleen ahaan barta Health: My Plan Booosto Ahaan
Habka ugu fudud ee loo codsado wax ka baddelna loogu sameeyo caymiska caafimaad!

Waxaad u baahan kartaa inaad akoon furato haddii aadan weli isticmaalin Health: My Plan.

Waxaad u isticmaali kartaa Health: My Plan inaad:

  • Isku diiwaangeliso dheefo, aad hesho Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) iyo/ama inaad wax ka baddesho ceymiskaaga hadda jira.
  • Ku soo gudbiso dukumiintiyada Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan.
  • Ka eegto saacadahaaga iyo xaq u yeelashadaada.
  • Ka hesho macluumaad ku saabsan ceymiskaaga iyo dheefahaaga.
Warqadda codsiga ayaa la soo raaciyay Hagahaaga Dheefaha Caafimaadka. Ku dir boostada bashqad leh khidmada boostada oo uu ku qoran yahay cinwaankaaga kuna dir:

 

SEIU 775 Benefits Group
PO Box 24811
Seattle, WA 98124

Haddii aadan ku helin xaqiijinta diiwaangelinta ama isbeddelada qorshaha 45 maalmood gudahooda, ka wac Adeegga Macaamiisha SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705.

Waxaad xaq u leedahay ceymiska daryeelka caafimaadka markaad shaqayso 80 saacadood ama ka badan bishi, 2 bilood oo isku xiga oo aad sii wado inaad shaqayso 80 saacadood ama ka badan bishi si aad xaq ugu sii lahaato.

Si aad u hesho Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waxaa qasab ah inaad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bishi oo aad sii wado inaad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bishi si aad u sii haysato. Haddii aadan haddadan shaqaynin 120 saacadood ama ka badan balse aad jeceshahay inaad hesho Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), buuxi Codsiga Dheefaha Caafimaadka marki la gaaro ama ka hor taariikhdaada kama danbaysta ah ee codsiga. Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) wuxuu bilaabmi doono markaad biilowdo inaad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bishi.

Waxaad ka diiwaangelin kartaa carruurta xaqa u leh (ilaa dhalashadooda 26aad) Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha). Xaq u yeelashadaada waxay ku xiran tahay tirada saacadaha ee aad shaqayso bil walbo. Markaad isdiiwaangelinayso, waxaad dooran kartaa:

  • Caymiska caafimaadka iyo ilkaha oo dhamaystiran oo ah $100 bishi.
  • Caymiska ilkaha kaliya oo ah $10 bishi.

Haddii aad doorato inaad diiwaangeliso ilmahaaga(carruurtaada), waxaad u baahan doontaa inaad codsato dheefaha inta lagu jiro muddada diiwaangelinta ee la oggolyahay iyada oo ay la socdaan dukumiintiyada caddaynta ah.

Wax badan ka ogoow Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha). 

Taariikhda uu caymiskaaga bilaabanayo ayaa kala duwanaan doonto iyada oo ku xiran markaad soo gudbiso Codsigaaga Dheefaha Caafimaadka oo dhamaystiran iyo markaad buuxiso shuruudaha xaq u yeelashada.

Goorta la helo codsiga dheefaha caafimaadka oo dhamaystiran ayaa saamayn ku yeelan doonto goorta uu bilaanan doono caymiskaaga. Codsigaaga waxaad ku soo gudbin kartaa onleen ahaan adiga oo isticmaalaya Health: My Plan ama boostada ama fakis.

Tusaale:

  • Haddii aad shaqayso 80 saacadood bisha Janaayo, waxaad heli doontaa codsi dhamaadka Febraayo ama bilowga Maarso.
  • Haddii codsigaaga dheefaha ee dhamaystiran la helo marki la gaaro ama ka hor Maarso 15, caymiska wuxuu bilaanan doono Abriil.
  • Haddii codsigaaga dheefaha ee dhamaystiran la helo inta u dhaxeysa Maarso 16 iyo Maarso 31, caymiska
    wuxuu bilaanan doono Maajo.

Haddii aad codsanayso marki kuugu kowaad: 

Haddii aad buuxiso shuruudaha xaq u yeelashada oo codsigaaga dheefaha ee dhamaystiran la helo marki la gaaro ama ka hor 15-ka bisha, caymiskaaga wuxuu bilaaban doonaa 1-da bisha soo socoto. Haddii codsigaaga la helo inta u dhaxaysa 16-ka iyo 31-ga bisha, caymiskaaga wuxuu bilaaban doonaa 1-da bisha ku xigta bisha soo socoto.

Tusaale: 

  • Haddii codsi la helo inta u dhaxeysa Janaayo 1 iyo Janaayo 15, caymiska wuxuu bilaanan doono 1-da Febraayo.
  • Haddii codsi la helo inta u dhaxeysa Janaayo 16 iyo Janaayo 31, caymiska wuxuu bilaanan doono 1-da Maarso.

Inta lagu jiro Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) (Luulyo 1 – 20 sanad walbo): 

Codsigaaga iyo isbaddelada waxaa qasab ah in la helo marki la gaaro ama ka hor Luulyo 20 si looga shaqeeyo caymiska bilaabanaya Agoosto 1.   Haddii aad leedahay Dhacdo Nololeed Muteysi Leh: Si aad isku diiwaanegliso ama wax ka baddel u samayso iyada oo ay ugu wacan tahay Dhacdo Nololeed Muteysi Leh, kula xiriir SEIU 775 Benefits Group 30 maalmood gudahooda.

  • Tusaale:  Haddii uu ilmo ku dhasho Janaayo 1, waxaad haysataa ilaa iyo Janaayo 31 si aad ugala hadasho SEIU 775 Benefits Group in la diiwaangeliyo adiga iyo/ama carruurtaada.

Caymiska ilmahaaga wuxuu bilaaban doonaa ka dib:

  • Markaad ku soo gudbiso codsigaaga oo dhamaystiran iyo dukumiintiga caddeynta qofka kugu tiirsan inta lagu jiro muddada diiwaangelinta ee la oggolyahay.
  • Markaad shaqayso tirada saacadaha ee ku aadan caymiska aad dooratay.
  • Marki la helo qaybtaada lacag-wadaaga khidmada ceymiska billaha ah.

Haddii aad hoos uga dhacdo saacadaha looga baahan yahay nooca caymiska ee ilmahaaga ama haddii aadan bixinin qaybtaada lacag-wadaaga khidmada ceymiska billaha ah, caymiska ilmahaaga ayaa la joojin doonaa.

Wax badan ka ogoow Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha).

Haddii aad ka diiwaangeashan tahay caymiska daryeelka caafimaad, balse aad ka hoos marto 80 saacadood hal bil, waxaad lumin doontaa caymiskaaga daryeelka caafimaad.

  • Tusaale: Haddii aadan shaqaynin 80 saacadood Janaayo, caymiska daryeelka caafimaad wuxuu dhamaan doonaa Maarso (marka laga reebo inaad go’aansato inaad iska bixiso caymiska COBRA).

Haddii aad caymiska ku lumisid inaadan 80 saacadood shaqaynin aawadeed, balse aad shaqaysid 80 saacadood ama ka badan bisha soo socota, waxaa si toos ah dib laguugu diiwaangelin doonaa caymiska daryeelka caafimaad bisha soo socota. Haddii aad caymiska hakad galiso wax ka badan 12 bilood, waxaad u baahan doontaa inaad dib soo dhistid xaq u yeelashada koowaad oo aad buuxisid codsi cusub si aad dib ugu laabatid qorshaha caymiska caafimaad.

Haddii aad hoos uga dhacdo saacadaha looga baahan yahay nooca caymiska ee ilmahaaga hal bil, caymiska ilmahaaga ayaa joogsan doona ilaa iyo saacadaha ay dib u soo kacaan.

  • Tusaale: Haddii ilmahaaga uu ka diiwaangashan yahay Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) oo aadan shaqaynin ugu yaraan 120 saacadood Janaayo, caymiska ilmahaaga ayaa dhamaan doona Maarso 1.

Fadlan ogoow saacadaha la shaqeeyay waxaa qasab ah inaad u gudbiso loo-shaqeeyahaaga 60 maalmood gudahooda ka dib marki la shaqeeyay si loogu adeegsado xisaabinta xaq u yeelashada dheefaha caafimaadka. Loo-shaqeeyahaaga ayaa saacadaha la shaqeeyay u gudbin doona SEIU 775 Benefits Group. Haddii saacadahaaga aad soo gudbiso wakhti danbe, saacadaha ayaa la diiwaangelin doonaa balse caymiska waxaa laga yaabaa inaan la sii wadin.

Tusaale: Saacadaha la shaqeeyay Janaayo waxaa qasab ah inaad u gudbiso loo-shaqeeyahaaga marki la gaaro ama ka hor Maarso 31, oo ay soo gaaraan SEIU 775 Benefits Group iyaga oo ka helaya loo-shaqeeyahaaga wakhti aan ka danbaynin Abriil 20 si loo xaqiijiyo caymiska Maarso.

Dhacdo Nololeed Muteysi Leh waa isbaddel ku yimaada xaaladaada noolaleed taas oo aad xaq ugu yeelan karto inaad hesho Muddo Diiwaangelin Gaarka ah oo 30 maalmood ah, oo kuu oggolaanaysa inaad iska diiwaangeliso caafimaadka wakhti ka baxsan Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka). Muddada 30-ka maalmood waxay bilaabanaysaa wakhtiga ay ku qabsatay dhacdada waana inaad dhamaystirto oo aad gudbiso codsigaaga waqti xaddidan oo 30 maalmood gudahooda ah.

Dhacdooyinka noolaleed ee aad ku mutaysan karto Muddada Diiwaangelinta Gaarka ah ee QLE:

  • Kala taga sharciga ah.
  • Furiinka.
  • Dhimashada.
  • Joojinta shaqada (luminta shaqadaada).
  • Luminta saacadaha, markaas oo aadan xaq u sii yeelan doonin caymiska.
  • Inaadan ku sii noolayn aagga caymiska; ama
  • Joojinta xaalada ku tiirsanaanta.
  • Inuusan qorshaha caymiska dheefo sii siinin dadka isku xaalada ah dhinac walbo.
  • Heeminta COBRA; ama
  • Ku guuldaraysiga in la buuxiyo shuuraha xaq u yeelashada ee CHIP ama Medicaid.
  • Joojinta wax kuu biirinta loo-shaqeeyaha ee caymiska kale ee shaqaalaha ama ku tiirsanaha (haddii caymiska la lumiyo iyo haddii kale).
  • Inay shaqaalaha ama ku tiirsanayaasha xaq u yeeshaan inay helaan kaalmada khidmada caymiska bil’laha ah ee laga helo barnaamijyada CHIP ama Medicaid.
  • Haddii aad guursato xaas/seey cusub ama aad hesho qof cusub oo kugu tiirsan (ilmo), oo aad ku hesho:
    • Guur.
    • Dhalmo.
    • Korsasho ama ku meelaynta korrinta.

Haddii aadan shaqayn karin 80 saacadood ama ka badan bishan si aad xaq ugu yeelato caymiska daryeelka caafimaad ee daryeel bixiyeyaasha, waxaa laga yaabaa inaad arabto inaad hesho caymiska caafimaad ee kale.

Iyada oo la adeegsanayo bogga intarnetka ee Washington Health Plan Finder, waxaad isku diiwaangelin kartaa caymiska bilaashka ah ama qiimaha jaban ee Washington Apple Health (Medicaid), ama waxaad iibsan kartaa qorshaha caymiska ee qualified health ama dental.

Haddii aad tahay Adeeg Bixiye Shaqsiyadeed (IP) oo aad u baahan tahay inaad saacado dheeraad ah ka hesho macmiil kale si aad u sii haysato caymiska, tijaabi Carina, websaydhka shaqa ku beegida oo bilaash ah oo kaa caawin kara inaad hesho macaamiil dheeraad ah.

Su'aalo miyaad qabtaa?

Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaq u yeelashada, ama aad u baahan tahay caawin xaga luuqadda ah, ka wac Adeegga Macaamiisha ee SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705, 8 a.m. ilaa iyo 6 p.m. Pacific time, Isniin ilaa iyo Jimce.