Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) waa Luuliyo 1-20
Iskudiiwaangeli ama wax ka baddel ceymiskaaga!
Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | Переглянути укр | عربى | មើលជាភាសាខ្មែរ | Soomaali | ਪੰਜਾਬੀ
Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) waa Luuliyo 1-20! Waxaa haddadan la joogaa xilligi aad u codsan lahayd nafsadaada iyo carruurtaada caymiska daryeelka caafimaad, ama aad wax uga baddeli lahayd caymis horay u jiray.
Waxa Aad Heleyso
Kaliya $25 oo aad bixiso bishiiba, ayaad ku heleysaa dheefahan soo socda:
Dheefo Dheeraad ah Ayaa Hadda La Heli Karaa
Laga bilaabo Agoosto 1, caymiska daryeelka caafimaad ee daryeel bixiyeyaasha waxaa sidoo kale ku jiri doona:
- $0 khidmada adeegga ceymiska ee insuliinta shirkadaha gaarka ah ee la doorbidayo ama insuliinta baddelka u ah kuwa kale ee la doorbidayo.
- Daryeelka baddelka ah ee la kordhiyay (sida daawaynta jir duridda iyo daryeelka u jimcinta) oo la dabaro ilaa iyo 20 booqosho sanad walbo.
- Daryeelka daawaynta dabiiciga ah oo aan xad lahayn.
- Dheefta dhalmo la’aanta oo sare loo qaaday, oo ay ku jirto dheefta farmsiga oo cusub oo loogu talagalay baahiyaha dhalmada.
Macluumaadka Qorshaha Ceymiska Caafimaadka
Waxaad heli kartaa caymiska daryeelka caafimaad oo la awoodi karo, tayo sarena leh, oo loogu talagalay daryeel bixiyeyaasha. Qorshahaaga ceymiska caafimaad ee gaarka ah waxaa si toos ah laguugu diyaarinayaa iyada oo ku saleysan lambarka ZIP-kaada. Waxaad kala dooran kartaa 2 qorshe oo caymiska ilkaha ah: Delta Dental ama Willamette Dental.
Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qorshahaaga caymiska gaarka ah ama si aad u isticmaasho Hagahaaga Dheefaha Caafimaad, ka dooro qorshahaaga caymiska caafimaad xaga hoose.
KPWA HMO = Kaiser Permanente Washington HMO, KPNW HMO = Kaiser Permanente Northwest HMO, KPWA POS = Kaiser Permanente of Washington POS
Haddii aadan hubin nooca qorshaha caymiska caafimaad ee aad haysato, halkaan ka ogoow xog dheeraad ah.
Ku saabsan Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka)
Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Caymiska Caafimaadka) ayaa ah fursadaada sanadlaha ah ee aad haysato* si aad u codsato caymiska daryeelka caafimaad, aad u hesho Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) iyo/ama aad wax ka baddel ikhtiyaari ah ugu samayso caymiskaaga (haddii aad diiwaangashan tahay).
Xaq u yeelashada:
- Haddii aad haddadan xaq u leedahay oo aad codsato caymiska, caymiskaaga wuxuu bilaaban doonaa Agosto 1.
- Haddii aadan xaq u lahayn wakhti xaadirkan balse aad xiisaynayso caymiska, waxaad wali soo diri kartaa Codsiga Dheefaha Caafimaadka oo dhamaystiran marki la gaaro ama ka hor Luuliyo 20. Caymiskaaga wuxuu bilaaban doonaa markaad xaq u yeelato.
- Haddii aad horay u diiwaangashanayd, uma baahnid inaad wax ficil ah sameyso marka laga reebo haddii aad rabto inaad hesho Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) ama aad wax ka baddesho qorshahaaga ceymiska ilkaha.
Caymiska Laguugu Talagalay
Waxaad xaq u leedahay ceymiska daryeelka caafimaadka ee shaqsiyadeed markaad shaqeyso 80 saacadood ama ka badan bishiiba 2 bilood oo isku xiga. Gal Health: My Plan si aad u eegto macluumaadkaaga xaq u yeelashada.
Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)
Haddii aad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bil walbo, waxaad hadda u hel kartaa isla caymiska caafimaadka iyo ilkaha ee tayada sare leh ee aad heli karto adiga, carruurtaada (ilaa dhalashadooda 26aad)! Waxaad kala dooran kartaa labo nooc:
- Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) ee caafimaadka iyo ilkaha ee ah $100 bishi, lagu sii daray $25 oo ah caymiskaaga.
- Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) ee ilkaha kaliya ee ah $10 bishi, lagu sii daray $25 oo ah caymiskaaga.
Haddii aad doorato Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waxaad u baahan doontaa inaad soo gudbiso nuqulka dukumiinti caddaynaya xiriirka kaala dhaxeeyo carruurta kugu tiirsan (Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan). Taariikhdda billowga caymiska carruurtaada way kala duwanaan doontaa iyada oo ku xiran xilliga la helay Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan.
Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan xaq u yeelashada, ama aad u baahan tahay caawin xaga luuqadda ah, ka wac Adeegga Macaamiisha ee SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705, 8 a.m. ilaa iyo 6 p.m. Pacific time, Isniin ilaa iyo Jimce.
Sida La Isku Diiwaangeliyo ama Wax Ka Baddel Loo Sameeyo
Waxaad haysataa 2 nooc oo aad ku codsan karto ama wax kaga baddeli karto ceymiskaaga inta lagu jiro Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka). Codsigaaga waa in la helo marki la gaadho ama ka hor Luulyo 20 si markaas looga shaqeeyo.
Onleen ahaan barta Health: My Plan | Booosto Ahaan |
Habka ugu fudud ee loo codsado wax ka baddelna loogu sameeyo caymiska caafimaad!
|
Waxaa boostada laguugu soo diray Hagaha Dheefaha Caafimaad iyo Dheefaha iyo Codsiga Dheefaha Caafimaadka si aad u buuxiso oo aad u soo gudbiso (la soo diro Juun). Khidmada boostada ayaa la iska rabaa. Ku dir boostada bashqad uu ku qoran yahay cinwaankaaga kuna dir:
SEIU 775 Benefits Group Haddii aadan ku helin xaqiijinta diiwaangelinta ama isbeddelada qorshaha 45 maalmood gudahooda, ka wac Adeegga Macaamiisha SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705. |
Dheefo Dheeraad ah oo Adiga Laguu Diyaariyay
Waxaad heli kartaa dheefo dheeraad ah oo bilaash ah oo loo qaabeeyay inay kaa caawiyaan inaad caafimaad-qab ahaato, walbahaarka kaa yaraado, aad badqab ku dareento goobta shaqada iyo inay sare u qaadaan tayada noolashaada. Dhammaan daryeel bixiyeyaasha waxay awood u leeyihiin inay helaan dheefahan, iyada oo aan loo eegaynin haddii ay haystaan caymiska daryeelka caafimaadka (sharciyada xaq u yeelashada ayaa shaqaynaya).
Su'aalo miyaad qabtaa?
Haddii aadan ku helin xaqiijinta diiwaangelinta ama isbeddelada qorshaha 45 maalmood gudahooda, ka wac Adeegga Macaamiisha SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705.
*Dhacdo Nololeed Muteysi Leh waa isbaddel ku yimaada xaaladaada noolaleed – sida inaad lumiso caymis kale ama uu ilmo kuu dhasho – taas oo aad xaq ugu yeelan karto inaad hesho Muddo Diiwaangelin Gaarka ah oo 30 maalmood ah, oo kuu oggolaanaysa inaad iska diiwaangeliso caymiska caafimaadka wakhti ka baxsan Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka). Muddada 30-ka maalmood waxay bilaabanaysaa wakhtiga ay ku qabsatay dhacdada waana inaad dhamaystirto oo aad gudbiso codsigaaga waqti xaddidan oo 30 maalmood gudahooda ah. Si aad u hesho liiska dhamaystiran ee Dhacdo Nololeedyada Muteysiga Leh, booqo Hel Caymis.