Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | Переглянути укр | عربى | មើលជាភាសាខ្មែរ | Soomaali | ਪੰਜਾਬੀ

 

Haddii aad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bishi, waxaad hadda u heli kartaa caymiska caafimaad carruurtaada ilaa iyo taariikhdooda dhalashada ee 26aad!

Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waxay ku heli karaan ilmahaaga caymiska caafimaadka iyo ilkaha oo ku kacaya $100 bishi ama caymiska ilkaha kaliya oo ku kacaya $10 oo kaliya bishi. Ilmahaaga waxay helayaan dhammaan dheefooyinka wanaagsan ee aad hesho, oo ay ku jiraan fayo-qabka dareenka, toosinta Ilkaha, booqashooyinka fayo-qabka iyo wax kale oo badan.

Kharash intee dhan ayuu ku kacayaa?

Haddii aad codsato Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waxaad u baahan doontaa inaad kala doorato labo nooc oo caymiska ah:

  • Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) ee caafimaadka iyo ilkaha ee ah $100 (bishi lagu sii daray $25 oo ah caymiskaaga).
  • Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) ee ilkaha kaliya ee ah $10 bishi (lagu sii daray $25 oo ah caymiskaaga).

Lacagta aad bil walbo bixinayso ee Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) waa isku mid, iyada oo aan loo eegin inta caruur ah oo aad leedahay!

Sideen Ku Helaa Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)?

Si aad u hesho Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waxaa qasab ah inaad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bishi oo aad sii wado inaad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bishi si aad u sii haysato caymiska. Haddii aad haddadan shaqaynin 120 saacadood ama ka badan balse aad jeceshahay inaad hesho Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waxaad wali soo gudbin kartaa Codsiga Dheefaha Caafimaadka oo dhamaystiran inta lagu jiro Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka). Caymiska wuxuu bilaabmi doono markaad biilowdo inaad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bishi.

Sideen ugu darsadaa Ilmo?

Waxaa jira dhowr tillaabo oo la qaado markaad carruurtaada ka diiwaangelinayso caymiskaaga oo aad caddeynayso xariirka kaala dhaxeeya iyaga.

Waxaad ku codsan kartaa caymiska:

Onleen ahaan barta Health: My Plan
Habka ugu fudud ee lagu codsado Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)! 
Booosto Ahaan
  • Buuxi qaybta Ku Tiirsanaha ee Codsiga Dheefaha Caafimaadka, oo soo gudbi adiga oo isticmaalaya Health: My Plan.
  • Ku soo gudbi dukumiinti caddeynaya xiriirka kaala dhaxeeyo qofka (dadka) kugu tiirsan 60 maalmood gudahooda ka dib marka aad dirto Codsigaaga adiga oo isticmaalaya Health: My Plan.
  • Waxaa warqad xaqiijin ah laguugu soo diri doonaa 30 maalmood gudahooda, boosto ama iimayl ahaan.
  • Buuxi qaybta Ku Tiirsanaha ee Codsiga Dheefaha Caafimaadka , oo ku dir cinwaanka ku qoran Codsiga Dheefaha Caafimaadka marki la gaadho ama ka hor Luuliyo 20.
  • Soo raaci nuqulka Dukumiintiga Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan ee ilmo walbo.
  • Bilow inaad khidmada ku bixiso in mushaharkaaga laga jaro.

Macluumaadka Diiwaangelinta oo Dheeraad ah

Ku saabsan Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka)

Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Caymiska Caafimaadka) (Luulyo 1-20) ayaa ah fursadaada sanadlaha ah ee aad haysato* si aad u codsato caymiska daryeelka caafimaad, aad u hesho Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) iyo/ama aad wax ka baddel ikhtiyaari ah ugu samayso caymiskaaga (haddii aad horay u diiwaangashanayd). Wax badan ka ogoow Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka).

Hel Caymis

Haddii aad codsanayso wakhti ka baxsan Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) (Luulyo 1-20) iyada oo ay ugu wacan tahay Dhacdo Nololeed Muteysi Leh*, ka hel macluumaad dheeraad ah halkaan.

Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan

Markaad doorato inaad ilmo ku darsato caymiskaaga, waxaad u baahan doontaa inaad soo gudbiso dukumiintiga Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan oo caddaynaya xiriirka kaala dhaxeeyo. Dukumiinti ayaa looga baahan yahay cunug walbo oo aad diiwaangeliso.

Macluumaad Dheeraad ah oo Ku Saabsan Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan:

  • Waxaaa lagu taliyaa inaad dukumiintiga(yada) Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan la soo gudbiso codsigaaga, balse waxaad haysataa 60 maalmood ka dib marka la helo codsigaaga inaad ku soo gudbiso. Codsigaagu ma dhamaystirmayo ilaa iyo aad ka soo dirto Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan. 
    • Haddii aad u soo dirto Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan si gaar ah, fadlan xaqiiji inaad ku soo qorto magacyadaada koowaad iyo kan awoowgaa iyo afarta tiro ugu danbeeya ee lambarkaaga Sooshiyaal Sekuuritiga.
  • Xaqiiji inaad dirto nuqul oo aadan dirin dukumiintiga asalka ah.

Yaan Ku Dari Karaa Caymiskayga?

Waxaad ku dari kartaa carruurta xaqa u leh (ilaa dhalashadooda 26aad) Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha). Hoos waxaa ku qoran liiska carruurta xaqa leh. Guji “+” si aad u aragto dukumiintiyada aad u isticmaali karto caddeyn ahaan ee nooc kasta oo ku tiirsane ah.

Waxaad ilmaha aad dhashay u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Warqadda dhalashada dawlada ay bixiso oo ay ku qoran yihiin dhammaan magacyada waaldiiinta. 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof (dad) kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga. Xaqiiji inaad qariso macluumaadka maaliyadeed. 
  • Warqadda isbitaalka oo ay ku yaalaan raadka cagaha ilmaha. Waa inay muujiso magaca waalidka ceymiska leh, seeyga/xaaska waalidka ceymiska leh ama lamaanaha qoyska ka diiwaangashan gobalka ee waalidka ceymiska leh. 
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso dawlada Mareykanka oo ansax ah.

Waxaad ilmaha aad korsanayso u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Warqadda dhalashada ama warqadda korsashada. 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga. Xaqiiji inaad qariso macluumaadkaaga maaliyadeed. 
  • Warqadda ama Digreetada Korsashada. Waa inay muujiso magaca waalidka ceymiska leh, seeyga/xaaska waalidka ceymiska leh ama lamaanaha qoyska ka diiwaangashan gobalka ee waalidka ceymiska leh. 
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah. 

Waxaad ilmaha aad adeerka/eedada u tahay u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Warqadda Dhalashada iyo sidoo kale warqadda meherka ee dawlada ay bixiso iyo canshuur celinta federaalka ee 2-di sano ee u danbeeyay gudahooda oo ay ku qoran tahay ama ku qoran yahay xaaskaaga/seeygaaga iyo caddaynta wax wada-lahaanshaha (bayaanada amaahda, bayaanada bangiga, bayaanada kiridhit kaadhka, heshiisyada ijaarka/kirada). 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga (Xaqiiji inaad qariso macluumaadkaaga maaliyadeed). 
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.

Waxaad ilmaha aad wakiilka sharciyeed ka tahay u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Dukumiintiyada sharciyeed ee dawlada gobalka ama federaalka oo muujinaya xaalada wakiilnimada sharciyeed. 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga. Xaqiiji inaad qariso macluumaadkaaga maaliyadeed.
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah. 

Waxaad ilmaha aad barbaarinayso u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Warqadda cadeynta barbaarinta ilamaha ee asalka ah iyo nuqulka dukumiintiyada taageerada joogtada ah ee la taaban karo ee ilmaha. 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga. Xaqiiji inaad qariso macluumaadkaaga maaliyadeed. 
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.

Waxaad ilmaha lamaanaha qoyska u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Warqadda dhalashada dawlada ay bixiso; waxaa ku jiro magaca lamaanaha qoyska. 
  • Amarada maxkamadda oo u magacaabayo lamaanaha qoyska inuu yahay wakiilka sharciyeed. 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga. Xaqiiji inaad qariso macluumaadkaaga maaliyadeed. 
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.

**Haddii aad diiwaangelineyso ilmo aad adeer/eedo u tahay ama ilmaha lamaanahaaga qoyska, waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso warqado dheeraad ah. Ka wac Adeegga Macaamiisha ee SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705 si laguu caawiyo laga bilaabo 8 a.m. ilaa iyo 6 p.m., Isniin ilaa iyo Jimce.

Sideen u Ilaashadaa Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha)?

Si aad u sii haysato Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) waxaa qasab ah inaad:

  • Sii wado inaad shaqayso 120 saacadood ama ka badan bil walbo.
  • Sii wado inaad bixiso lacagta aad bil walbo ka bixiso (lacag-wadaaga khidmada ceymiska billaha ah) adiga iyo carruurtaada oo dhamaystiran.

Haddii aad lumiso Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha), waxaad heli doontaa macluumaad ku saabsan caymiska sii wadida ee laga helo COBRA. Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) ayaa si toos dib ugu bilaaban doona markaad bilowdo inaad markale shaqayso ugu yaraan 120 saacadood bishi. Ilaa iyo inta aad shaqaynayso ugu yaraan 80 saacadood bishi, caymiskaaga shaqsiyeed ayaa sii socon doonaa.

Su'aalo miyaad qabtaa?

Haddii aad su’aalo qabto ama aad u baahan tahay in lagaa caawiyo diiwaangelinta ilmo kugu tiirsan, ka wac Adeegga Macaamiisha ee SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705 laga bilaabo 8 a.m. ilaa iyo 6 p.m., Isniin ilaa iyo Jimce.