Dheefaha Caafimaadkaaga

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | Переглянути укр | عربى | មើលជាភាសាខ្មែរ | Soomaali | ਪੰਜਾਬੀ

 

Daryeelkaaga Wuxuu Ka Bilaabanayaa Caymiska Daryeelka Caafimaad

Waxaad heli kartaa caymiska daryeelka caafimaad oo la awoodi karo, tayo sarena leh, oo loo qaabeeyay daryeel bixiyeyaasha. Hoos ka eeg gujo-raacyada laga helo macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan qorshahaaga caymiska caafimaad. Wax badan ka baro sida loo caymis loo helo.

Dheefaha Caafimaadkaaga

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qorshahaaga caymiska gaarka ah ama si aad u isticmaasho Hagahaaga Dheefaha Caafimaad, ka dooro qorshahaaga caymiska caafimaad xaga hoose.

KPWA HMO
KPNW HMO
Aetna PPO KPWA POS

Hel macluumaadka KPWA HMO

Hel macluumaadka KPNW HMO

Hel macluumaad Aetna PPO

Hel macluumaadka KPWA POS

KPWA HMO = Kaiser Permanente Washington HMO, KPNW HMO = Kaiser Permanente Northwest HMO, KPWA POS = Kaiser Permanente of Washington POS

Qorshe noocee ah ayaan haystaa?

Qorshahaaga ceymiska caafimaad ee gaarka ah waxaa si toos ah laguugu diyaarinayaa iyada oo ku saleysan lambarka ZIP-kaada. Haddii aadan hubin qorshaha caymiska ee aad leedahay, isticmaal khariida hoose si aad u ogaato.

Haddii aadan aqoonin qorshaha caymiska ee aad leedahay oo aad u baahan tahay inaad ogaato gal Health: My Plan ama ka wac Adeegga Macaamiisha ee SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705.

Markaad diiwaangeliso carruurta kugu tiirsan, waxaad u baahan doontaa inaad caddayso xiriirka kaala dhaxeeya iyaga ka hor inta uusan caymiska bilaabanin. Si aad u samayso midaas, waa inaad dukumiinti ka soo gudbisaa cunug walbo oo aad diiwaangeliso. Waxaa lagu taliyaa inaad soo gudbiso dukumiintigaaga(yadaada) oo uu la socdo Codsigaaga Dheefaha Caafimaadka oo dhamaystiran.  Haddii aadan awoodin inaad sidaas samayso, waa inaad soo gudbisaa dukumiintigaaga(yadaada) Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan marki la gaaro ama ka hor Seteembar 30, 2023. Haddii aad u soo dirto Caddeynta Qofka Kugu Tiirsan si gaar ah, fadlan xaqiiji inaad ku soo qorto magacaaga koowaad iyo kan awoowgaa iyo afarta tiro ugu danbeeya ee lambarkaaga Sooshiyaal Sekuuritiga.  Wax badan ka ogoow dukumiintiyada caddeynta qofka kugu tiirsan ee la aqbalo.

Qorshahaaga ceymiska caafimaadka waxaa lagu diyaarinayaa iyada oo ku saleysan lambarka zip-kaada.

Haddii aad ku nooshahay Aagga Adeegga Kaiser Permanente (meel 30 mayl u jirto adeeg bixiye u shaqeeya Kaiser Permanente of Washington (KPWA) ama Kaiser Foundation of the Northwest (KPNW), waxaad ka diiwaangashan tahay midkood qorshaha caymiska KPWA ama KPNW, iyada oo ku saleysan lambarka zip-kaada. Haddii aad degan tahay meel ka baxsan Aagga Adeegga Kaiser Permanente (KPWA iyo KPNW), waxaad ka diiwaangashan tahay qorshaha caymiska Aetna.

OGOW: Haddii aad badesho cinwaanka meesha aad ku nooshahay, qorshahaaga caymiska caafimaad ayaa laga yaabaa inuu isbaddelo. Haddii loo baahdo in la baddelo qorshahaaga caymiska iyada oo ku salaysan cinwaanka deegaankaaga cusub, waxaa laguugu soo ogaysiin doonaa qoraal ahaan isbaddelka qorshaha caymiska.

Haddii aad carruurtaada kugu tiirsan u diiwaangeliso caymis, waxaa loo diiwaangelin doonaa isla qorshaha caymsika aad adiga haysato.

Ilmahaaga waxaa kaliya loo diiwaangelin karaa dheefaha daryeelka caafimaad ee laga helo SEIU 775 Benefits Group (sida rasmiga ah loo yaqaano SEIU Healthcare NW Health Benefits Trust) hal mar; haddii adiga iyo lammaanahaaga aad labadiinaba caymis ku heshaan daryeel bixiyeyaal ahaan, ilmahiina waxaa kaliya lagu diiwaangelin karaa hal waalid. Sikastaba ha ahaatee, haddii lammaanahaaga uu caymis ka haysto loo-shaqeeye kale, labada waalidba way diiwaangelin karaan ilmaha, kaas oo markaas caymis ka heli doona 2 nooc oo caymiska daryeelka caafimaad ah.

Saacadaha la shaqeeyay waxaa qasab ah inaad u gudbiso loo-shaqeeyahaaga 60 maalmood gudahooda ka dib marki la shaqeeyay si loogu adeegsado xisaabinta xaq u yeelashada dheefaha. Loo-shaqeeyahaaga ayaa saacadaha la shaqeeyay u gudbin doona SEIU 775 Benefits Group. Haddii saacadahaaga aad soo gudbiso wakhti danbe, saacadaha ayaa la diiwaangelin doonaa balse caymiska lama sii wadi doono.

Tusaale: saacadaha la shaqeeyay Janaayo waxaa qasab ah inaad u gudbiso loo-shaqeeyahaaga marki la gaaro ama ka hor Maarso 31, oo ay soo gaaraan SEIU 775 Benefits Group iyaga oo ka helaya loo-shaqeeyahaaga wakhti aan ka danbaynin Abriil 20 si loo xaqiijiyo caymiska Maarso.

Haddii qaybtaada lacag-wadaaga khidmada ceymiska billaha ah aan la awoodin in laga jaro mushaharkaaga, waxaad heli doontaa ogaysiiska kuu sheegaya inaad adiga shaqsi ahaan ugu bixiso PayPal adiga oo isticmaalaya Health: My Plan, ama jeeg ahaan ama money order. Haddii aanan la bixinin lacagta caymiska qofka kugu tiirsan, caymiska ayaa dhici doona.

Ku soo dir boostada jeegaaga ama money order oo uu la socdo rasiidhka lacagta aad iska bixisay cinwaanka:

SEIU 775 Benefits Group
PO BOX 5349
Carol Stream, IL 60197-5349

Haddii aadan rabin inaad iska diiwaangeliso caymiska daryeelka caafimaad ama aad jeclaan lahayd inaad joojiso caymiskaaga iyo/ama caymsikaq qofka kugu tiirsan (haddii adiga iyo/ama qofka kugu tiirsan aad horay isku diiwaangeliseen), waxaad buuxin kartaa foomka Ka Dhaafidda Ceymiska. Haddii aad doorato inaad iska dhaafto ceymiska, ma awoodi doontid inaa markale dib isku diiwaangeliso ilaa iyo laga gaaro Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) ee xigta (sanad walba Luuliyo 1-20), ama aad ka yeelato Dhacdo Nololeed Muteysi Leh (QLE).

Haddii aad gudbiso ka dhaafitaanka marki la gaaro ama ka hor 15-ka bisha, caymiskaaga iyo/ama caymiska qofka kugu tiirsan ayaa dhamaan doona 1-da bisha xigta. Haddii aad gudbiso ka dhaafitaanka inta u dhaxaysa 16-ka iyo 31-da bisha, caymiskaaga iyo/ama caymiska qofka kugu tiirsan ayaa dhamaan doona 1-da bisha labaad.

Tusaale: 

  • Haddii aad gudbiso ka dhaafitaanka inta u dhaxaysa Janaayo 1 iyo Janaayo 15, caymiskaaga wuxuu dhamaan doonaa Febraayo 1.
  • Haddii aad gudbiso ka dhaafitaanka inta u dhaxaysa Janaayo 16 iyo Janaayo 31, caymiskaaga wuxuu dhamaan doonaa Maarso 1.

Hufnaanta Qorshaha Ceymiska Caafimaadka

Laga bilaabo Luulyo 1, 2022, Sharciga Hufnaanta Caymiska wuxuu fari doonaa shirkadaada caymiska caafimaad inay keento macluumaadka qiimaha ee la xiriira adeegyada caafimaadka ee caymiska leh. Hufnaanta qiimaha qorshaha caymiska caafimaad waxay kaa caawin doontaa inaad fahanto qiimaha shayga ama adeegga caymiska leh ka hor intaadan helin daryeel. Wax badan ka ogoow Hufnaanta Qorshaha Ceymiska Caafimaadka.

Taageerada Dheefaha Caafimaadka

Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan dheefahaaga caafimaad ama aad u baahan tahay caawin xaga luuqadda ah, ka wac Adeegga Macaamiisha ee SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705 laga bilaabo Isniin ilaa Jimce laga bilaabo 8:00 a.m. ilaa 6 p.m Pacific time, marki laga reebo maalmahan fasaxa ee soo socda:

  • Maalinta Koowaad ee Sannadka Cusub
  • Memorial Day
  • Maalinta Xorriyada
  • Maalinta Shaqaalaha
  • Maalinta Mahadnaqa
  • Maalinta Kirismaska