Maaraynta Xanuunada Daba Dheeraado

Xanuunada daba dheeraado waa xaaladaha caafimaad ee raaga ee saameeya tayada noolashaada inta badanna u baahan daawayn gaar ah. Sida laga soo xigtay Centers for Disease Control (Hay’adda Xakameynta Xanuunada)(CDC), 6 ka mid 10-ki qofood oo Maraynkan ah ayaa la nool ugu yaraan hal xanuun oo daba dheeraado sida sonkorowga, riixda, ama niyad-jabka.

Warka farxada leh ayaa ah in xanuunada daba dheeraado laga hortagi karo ama si waxtar leh loogu xakamayn karo hab-noolaleed caafimaadqab ah, daryeelka ka hortagga iyo maarayn joogta ah. Markaad haysato caymiska daryeelka caafimaad ee laga helo SEIU 775 Benefits Group, waxaad awooddi doontaa inaad hesho daryeel caafimaad oo la awoodi karo, tayo sare leh, oo ay ku jiraan:

  • Booqashooyinka dhakhtarka oo bilaasha ah: Booqashooyinka daryeelka ka hortagga ah waa bilaash. Dhakhtarkaaga (oo sidoo kale loogu waco Adeeg Bixiyeyaasha Daryeelka Assaasiga ah, ama PCP) ayaa sidoo kale kuu gudbin kara takhasusleyaal iyo barnaamijyada xaaladaha gaarka ah.
  • Tabbabarka fayoqabka: Macallinka fayoqabka oo bilaash ah ayaa bixin kara hagid fool-ka-fool ah si loo yeesho caadooyin caafimaadqab ah sida wax cunida wanaagsan, yaraynta walbahaarka iyo dhaqdhaqaaqa jirka.
  • Barnaamijyada maaraynta xanuunada daba dheeraado: Barnaamijyo gaar ah ayaa la heli karaa markuu dhakhtarkaaga kuu soo gudbiyo. Barnaamijyadan, koox daryeel laguu gaar yeelay ayaa kaa caawin doona inaad maarayso xaaladaada.

Ku Hel Caawin Luuqadaada

Haddii aad ku hadasho luuqad aan Ingiriisi ahayn, waxaad heli kartaa caawinta fasiraada iyo turjumaadda. Haddii aad adeegyadan u baahan tahay, fadlan wac: 

  • KPWA: 1-888-901-4636 (TTY: 711) 
  • KPNW: 1-800-813-2000 (TTY: 711) 
  • Aetna: 1-866-353-9802 (TTY: 711) 

Maaraynta Xanuunada Daba Dheeraado

Sonkorowga waa xaalad caafimaad daba dheeraato oo caan ah oo u baahan daawayn gaar ah, sidoo kale sonkorta dhiigga ee korraysa ayaa ka sii caansan. Haddii aad leedahay sonkorta dhiigga ee korraysa ama lagaa helay sonkorow, qorshahaaga caymiska caafimaad ayaa kuu haya khayraad dheeraad ah. Kuwani waxaa kamid ah barnaamijyada maaraynta sonkorowga ee khaaska ah, tabbabarka fayoqabka ee hab-noolaleedka caafimaadqabka ah, iyo daawooyin iyo saad aad u qiimo jaban amaba bilaasha ah.  

Barnaamijyada Maaraynta Sonkorowga

Xubnayaasha KPWA iyo KPNW, dhakhtarkiina ayaa idiin gudbin karo barnaamijyada maaraynta sonkorowga oo la idiin gaar yeelay.

  • Barnaamijka Bilawida Qaadashada Insuliinta: Barnaamij 12 toddobaad ah oo loogu talagalay kuwa qaadanaya insuliinta marki ugu koowaad, oo uu hago kalkaaliyaha sonkorowga.
  • Qorshaha Daryeelka ee Gaarka ah: Barnaamij 12-24 toddobaad ah oo uu hago kalkaaliyaha sonkorowga heegaan ah kaas oo ku bari doona xirfadaha aad iskaaga ugu maarayn karto sonkorowgaaga.
  • Maaraynta Kiisaska Sonkorowga ee Socota* Barnaamij loogu talagalay hagida iyo taageerada sonkorowga ee guud ee uu bixiyo maamulaha kiiska.

Haddii uu xiiso geliyo mid kamid ah barnaamijyadan, ka bilow inaad la hadasho dhakhtarkaaga.

*Xubnaha KPWA oo kaliya: Haddii aad haysato app-ka taleefonka casriga ah ee Kaiser Permanente, waxaad ku heli taageerada maaraynta kiiska sonkorowga taleefonkaaga. Kani waa adeeg uu qofku doorto (Ingiriisi oo kaliya).

Looma baahna gudbinta dhakhtarka barnaamijyada maaraynta sonkorowga ee Aetna.

Haddii aad qabto sonkorow ama aad leedahay sonkorta dhiigga ee korraysa, ka wac Adeegyada Xubnaha ee Aetna lambarka 1.855-736- 9469 oo dalbo maamulaha kiiska. Waxay:

  • Ku siin karaan taageero iyo tabbabarid.
  • Ogaan karaan daldaloolada daryeelka.
  • Kula wadaagi karaan macluumaad ku saabsan dheefaha.
  • Eegi karaan faahaafinta daawooyinka.
  • Kuu gudbin karaan takhasusle.
  • Daryeel kugu siin karaan luuqadda aad doorbidayso ama waxay kuu keeni karaan turjubaan.

Soo dejiso App-ka Caafimaadka ee Aatna si aad ugu hesho barnaamijyada maaraynta sonkorowga Ingiriisi iyo Isbaanish.

Tabbabarka Fayoqabka

Xubnayaasha KPWA iyo KPNW, tabbabarka fayoqabka waxay ku heli karaan lacag la’aan wuxuuna u wanaagsan yahay dadka qaba sonkorowga, sonkorta dhiigga ee korraysa iyo qof walbo oo rabo inuu horumariyo caafimaadkiisa. Looma baahna inuu dhakhtarkaaga ku soo gudbiyo, waxaadna heli kartaa tabbabarka adiga gurigaaga iska raaxaysanaya. Macallinka fayoqabka ayaa kaa caawin kara:

  • Inaad hadafyo degsato oo aad raacdo.
  • Inaad si caafimaadqab ah wax u cunto.
  • Inaad yareyso walbahaarka.
  • Inaad iska daydo sigaar cabista.
  • Inaad badiso waxqabadka jirka.
  • Inaad maareyso dheefahaaga.

Wac 1-866-862-4295, Isniin ilaa Jimce laga bilaabo 7 a.m. ilaa 7 p.m. si aad balllan uga qabsato macallinka fayoqabka ama wax badan ka ogoow barta Kaiser Permanente – Tabbabarka Fayoqabka. Adeegyada turjumaada ayaa loo heli karaa dheeftan.

Xubnaha Aetna waxay si bilaash ah ku isticmaali karaan AbleTo.

AbleTo waxay bixisaa taageero fogaan-arag oo gaar ah si loo maareeyo xanuunka joogtada ah oo loo horumariyo caafimaadka jirkaaga iyo dareenkaaga. Iyada oo la isticmaalayo
daawayn iyo tabbabarid isku dhafan, waxaad dejisan kartaa hadafyo oo waxaad baran kartaa sida loo fuliyo muddo 8 toddobaad ah.

Wac 1-866-287-1802, Isniin ilaa Jimce laga bilaabo 9 a.m. ilaa 8 p.m EST. ama booqo AbleTo.com/Aetna si aad u bilowdo.

AbleTo waxaa lagu heli karaa Ingiriisi iyo Isbaanish, iyada oo adeegyada fasiraada loo heli karo luuqadaha kale.

Daawada

Insuliin: $0 insuliinta baddelka u ah kuwa kale ee la doorbidayo ama insuliinta shirkadaha gaarka ah ee la doorbidayo. Eeg Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha (oo ku hoos jira ‘Prescription Drugs’ (‘Daawada dhakhtarku qoro’)) si aad u hesho faahfaahin. 

Saadka Sonkorowga

Saadka sida cirbadaha, sirinjiyadaha iyo mindida yar farta lagu duro iyo qalabyada sida bamamka insulinta iyo mashiinta cabirta sonkorta dhiiga ayaa lagu heli karaa sicirro qiima dhimis leh. Eeg Dukumiintiga Soo Koobida Dheefaha (oo ku hoos jira ‘‘Durable Medical Equipment’ (‘Qalabka Caafimaadka ee Raaga’)) si aad u hesho faahfaahin. 

Xanuunka daba-dheeraada wuxuu si toos ah u saameeyaa muruqyada, kala-goysyada, lafaha, seedaha, carjawyada ama neerfaha. Waxaa laga yaabaa inaad xanuun ka dareento hal meel oo la beegsaday, ama jirkaaga oo dhan (sida riixda). Xanuunku wuxuu u dhexeeyaa mid fudud ilaa mid daran oo ku filan inuu waxyeelleeyo nolol maalmeedkaaga. Xanuunada daba-dheeraada badankooda waxaa lagu daweyn karaa oo lagaga hortagi karaa mustaqbalka in la helo daryeel iyo taageero habboon! Haddii aad dareemayso xanuun daba-dheeraada, qorshahaaga caymiska caafimaad wuxuu leeyahay khayraad badan oo adiga laguugu talagalay. 

Daryeelka Xifadlayaasha Badan & Barnaamijka Tabbabarka Jireed

MedBridge (ay heli karaan xubnaha KPWA iyo KPNW):

MedBridge waa app-ka daaweynta jirka ee aad ku heli karto si lacag la’aan ah. Ka dib markaad booqatid dhaqtarkaaga jirka, waxaad heli doontaa gujo-raac si aad si sahlan ugu gasho barnaamijka jimicsiga iyo iskala-bixinta ee loo gaar yeelay baahiyahaaga, yoolalkaaga iyo awoodaada.

Waxaa laga heli karaa kombiyuutarkaaga, tablet-kaaga, ama taleefankaaga casriga ah, markaad isticmaalayso MedBridge waxaad: 

  • Eegi kartaa jadwalka barnaamijkaaga.  
  • Daawan kartaa oo aad la socon kartaa muuqaalo ku tusaya sida loo sameeyo jimicsi kasta. 
  • La socon kartaa horusucodkaaga.

Sida Loo Helo Dhaqtarka Jirka 

Tag Akoonkaaga Xubinta ee Kaiser Permanente oo gudaha u gal. Halkaas dhexdeeda, waxaad ka heli kartaa dhaqtarka jirka oo shirkadda la shaqeeya iyadoo uu ku soo gudbinayo dhakhtarkaaga daryeelka assaasiga ah.   

  • Habka ugu fudud ee lagu bilaabo daaweynta jirka waa booqashada onleenka ah. Buuxi xog-uruurinta ku saabsan xanuunkaaga daba-dheeraaday oo ha laguugu hago daryeelka saxda ah.  
  • Waxaad sidoo kale qabsan kartaa ballanta la xaadiro ee daaweynta jirka adigoo isticmaalaya aalada ‘Find a doctor’ (‘Hel dhakhtar’). 
Hinge Health: 

Hinge Health waa app-ka daaweynta jirka ee aad ku heli karto si lacag la’aan ah. Barnaamijku wuxuu ku siinayaa dhammaan qalabka aad u baahan tahay si aad xanuunka nafis uga hesho adigoo gurigaaga raaxo ku jooga.

Maanta furo si aad: 

  • U hesho barnaamijka jimicsiga iyo iskala-bixinta ee loo gaar yeelay baahiyahaaga, yoolalkaaga iyo awoodaada (oo ay ku jiraan qalabka lagama maarmaanka ah). 
  • U hesho koox daryeel oo ay ku jiraan tababaraha caafimaadka iyo dhakhtarka jirka oo taageera gaar ah kugu siinaya qoraal, iimayl, wicitaanka taleefanka ama fogaan-arag. 

Markaad haysato Aetna, uma baahnid in laguu soo gudbiyo Hinge Health. Ku bilow inaad akoon samaysato oo aad soo dejisato app-ka Hinge Health. Kadib markaad buuxiso xog-uruurinta ku saabsan xanuunkaaga daba-dheeraaday, waxaa laguugu qori doonaa dhaqtarka jirka kaas oo diyaarin doona hagi doonana barnaamijkaaga. 

Bilow! 

Wakhti xaadirkan, Hinge Health waxaa lagu heli karaa oo kaliya Ingiriis iyo Isbaanish.  

Daaweynta Jirka

  • $15 khidmada adeegga ceymiska (booqashooyinka xad ayay leeyihiin – ka eeg dukumiintigaaga soo koobida qorshaha ceymiska wixii faahfaahin ah). 
  • Soo gudbin ayaa loo baahan yahay. 
  • $15 khidmada adeegga ceymiska (booqashooyinka xad ayay leeyihiin – ka eeg dukumiintigaaga soo koobida qorshaha ceymiska wixii faahfaahin ah). 
  • Soo gudbin looma baahna. 

Daryeelka Baddelka ah

KPWA

Booqashooyinka daawaynta jir duridda, daaweynta daliiga, daawaynta dabiiciga ah iyo xirfadlaha duugis-yaqaanka ah:

  • $0 khidmada adeegga ceymiska (booqashooyinka xad ayay leeyihiin – ka eeg dukumiintigaaga soo koobida qorshaha ceymiska wixii faahfaahin ah).
  • Soo gudbinta ayaa loo baahan yahay daaweynta daliiga oo keliya.
KPNW

Booqashooyinka daawaynta jir duridda, daawaynta dabiiciga ah iyo xirfadlaha duugis-yaqaanka ah:

  • $0 khidmada adeegga ceymiska (booqashooyinka xad ayay leeyihiin — ka eeg dukumiintigaaga soo koobida qorshaha ceymiska wixii faahfaahin ah).

Daaweynta daliiga:

  • $25 khidmada adeegga ceymiska ilaa iyo 12 booqasho oo uu qofka is-geeyo sanadkiiba.
  • Soo gudbin ayaa loo baahan yahay.
Aetna

Booqashooyinka daawaynta jir duridda, daawaynta dabiiciga ah iyo xirfadlaha duugis-yaqaanka ah:

  • $0 khidmada adeegga ceymiska (booqashooyinka xad ayay leeyihiin — ka eeg dukumiintigaaga soo koobida qorshaha ceymiska wixii faahfaahin ah).

Daaweynta daliiga:

  • $15 khidmada adeegga ceymiska ilaa iyo 20 booqasho oo uu qofka is-geeyo sanadkiiba.

Wax Ka Ogoow Qorshahaaga Ceymiska Caafimaad

Sida Loo Furto

Qorshahaaga caymiska caafimaad (KPWA, KPNW ama Aetna) waxaa go’aamiya zip koodhkaaga. Haddii aadan hubin nooca qorshaha caymiska caafimaad ee aad haysato, halkaan ka ogoow.

Waxaa jira 3 tallaabo muhiim ah oo aad ku furan karto adiga oo isticmaalaya qorshahaaga caymiska caafimaad:

  1. Akoon onleen ah ka furo websaydha qorshahaaga caymiska caafimaad.
  2. Raadi dhakhtarka daryeelka assaasiga ah oo ballan ka qabso.
  3. Soo dejiso app-ka taleefonka casriga ah ee qorshaaga caymiska caafimaad.

Ka baro sida tallaabooyinka loo qaado qorshahaaga caymiska caafimaad:

KPWA HMO = Kaiser Permanente Washington HMO, KPNW HMO = Kaiser Permanente Northwest HMO