Kula Kulan Dhakhtarkaaga Si Bilaash ah Adiga oo Isticmaalaya KPNW HMO

Ka qabso ballan bilaash ah dhakhtarka daryeelka assaasiga ah!

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | Переглянути укр | عربى | មើលជាភាសាខ្មែរ | ਪੰਜਾਬੀ

 

 

Daryeel bixiye haysta caymiska daryeelka caafimaad ee Kaiser Permanente Northwest (KPNW) ee laga helo SEIU 775 Benefits Group ahaan, waxaad leedahay dheefaha caafimaadka iyo ilkaha oo aad u fiican.

Meesha ugu wanaagsan ee laga bilaabo qorshahaaga caymiska caafimaad waa inaad la kulanto dhakhtar (oo sidoo kale loogu waco Dhakhtarka Daryeelka Assaasiga ah, ama PCP). Dhakhtarkaaga ayaa kaa caawin kara baahiyaha guud ee caafimaadka, ogaanshaha halisaha caafimaadka iyo inuu kuu gudbiyo takhasusle haddii loo baahdo.

Waxaad ka heli kartaa dhakhtar websaydhka KPNW, ama inaad taleefonka ka wacdo Adeegyada Xubnaha ee KPNW.

Hel Dhakhtar oo Ballan Qabso

Akoonka onleenka ah ayaa fududeeya in la helo oo lala xiriiro dhakhtar, in la maareeyo kharashyada, in la arko natiijooyinka baaritaanka ama in la isku dayo barnaamij caafimaad oo cusub.

Waxaad ku furan kartaa akoon onleen ah oo aad ku heli kartaa dhakhtar inaad booqato websaydhka KPNW. Markaad gudaha u gasho, booqo Diiwaanka Adeeg Bixiyaha si aad u doorato dhakhtar la shaqeeya shirkadda.

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo furashada akoonka onleenka ah, ka wac Adeegyada Xubnaha ee KPNW lambarka 1-800-813-2000.

Markaad dhakhtar doorato, waxaad ballan ka qabsan kartaa akoonkaaga onleenka ah ee KPNW ama waxaad si toos ah u wici kartaa xafiiska dhakhtarkaaga.

Daryeelka Caafimaad oo Lagu Helo Meel Walbo

Waxaad sidoo kale daryeel caafimaad ku heli kartaa qaab fogaan-arag ah adiga oo isticmaalaya taleefankaaga casriga ah, kumbiyuutarkaaga, ama tablet-kaaga. KPNW waxay bixisaa noocyadan soo socda ee daryeelka fogaan-aragga ah:

  • Booqashooyinka muuqaalka iyo wicitaanka taleefanka ah: Waxaad kula kulmi kartaa dhakhtarkaaga ama kalkaaliyaha la talinta ee xafiiska dhakhtarkaaga jooga adiga oo muuqaal u galaya ama taleefanka ka wacaya. Waxay kuu siin karaan la-talin cudur ogaansho iyo daawayn, waxayna kuu qori karaan daawooyin.
  • Booqashada Onleenka ah: Isticmaal xog-uruurinta onleenka ah ee Kaiser Permanente si aad u hesho talo daryeel. Waxaad midkood heli doontaa soo jeedin ku saabsan is daawaynta shaqsiyadeed ama dhakhtar ayaa kugula soo xiriiri doona dhawr daqiiqo gudahooda si uu kuu siiyo talo kuu gaar ah. Waxaad ka heli kartaa xog-uruurinta akoonkaaga onleenka ah ee KPNW.
  • Iimaylka: Wixii ah su’aalaha daryeelka caafimaad ee aan degdegga ahayn, gal akoonkaaga onleenka ah ee KPNW si aad fariin ugu dirto xafiiska dhakhtarkaaga. Jawaabaha waxay qaadan dhawr maalmood.

Waxaad sidoo kale la soo degi kartaa app-ka Kaiser Permanente si aad si sugan ugu isticmaasho akoonkaaga onleenka ah oo aad ugala xiriirrto xafiiska dhakhtarkaaga taleefankaaga casriga ah.

Wax Ka Ogoow Qorshahaaga Ceymiska Caafimaad ee KPNW

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan caymiskaaga daryeelka caafimaad, oo uu ku jiro Dukumiintigaaga Soo Koobida Dheefaha, eeg Hagaha Dheefaha Caafimaad ee KPNW ee 2023.

 

Hel Macluumaadka KPNW HMO

Ma u Baahan Tahay Caawin?

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo doorashada daryeelka kugu habboon, kala xiriir KPNW 24/7 lambarka 1-800-813-2000 ama 503-813-2000 (TTY 711).

Adeegyada luuqadda iyo turjumaada ayaa lagu heli karaa luuqado badan. Haddii aad u baahan tahay adeegyadan, fadlan wac 1-800-324-8010 (TTY 711).