Kula Kulan Dhakhtarkaaga Si Bilaash ah Adiga oo Isticmaalaya Aetna PPO

Ka qabso ballan bilaash ah dhakhtarkaaga daryeelka assaasiga ah!

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | Переглянути укр | عربى | មើលជាភាសាខ្មែរ | ਪੰਜਾਬੀ

 

 

 

Daryeel bixiye haysta caymiska daryeelka caafimaad ee Aetna ee laga helo SEIU 775 Benefits Group ahaan, waxaad leedahay dheefaha caafimaadka iyo ilkaha oo aad u fiican.

Meesha ugu wanaagsan ee laga bilaabo qorshahaaga caymiska caafimaad waa inaad la kulanto dhakhtar (oo sidoo kale loogu waco Dhakhtarka Daryeelka Assaasiga ah, ama PCP). Dhakhtarkaaga ayaa kaa caawin kara baahiyaha guud ee caafimaadka, ogaanshaha halisaha caafimaadka iyo inuu kuu gudbiyo takhasusle haddii loo baahdo.

Waxaad ka heli kartaa dhakhtar websaydhka Aetna, ama inaad taleefonka ka wacdo Adeegyada Xubnaha ee Aetna.

Hel Dhakhtar oo Ballan Qabso

Akoonka onleenka ah wuxuu kuu baajinayaa wakhti isaga oo kuu fududeynaya inaad hesho kaarkaaga Aqoonsiga markasta oo aad u baahato, inaad hesho adeeg bixiyeyaasha shirkadda la shaqeeya ee kuu dhaw, inaad la socoto kharash garayanta iyo horusocodka lagu gaarayo inaad ka soo baxdo lacagta lagaa jaro iyo wax kale oo badan.

Si aad u hesho dhakhtar, akoon furo ama gal. Markaad gudaha u gasho, tag “Find Care” (“Daryeel Hel”) si aad u hesho adeeg bixiyeyaasha, rugaha caafimaadka iyo isbitaalada kuu dhaw iyo wax kale oo badan. Waxaad sidoo kale wici kartaa 1-888-982-3862 si aad dhakhtar u hesho.

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo furashada akoonka onleenka ah, ka wac Adeegyada Xubnaha ee Aetna lambarka 1-855-736-9469.

Markaad dhakhtar doorato, waxaad ballan ku qabsan kartaa onleen ahaan ama waxaad si toos ah u wici kartaa xafiiska dhakhtarkaaga.

Daryeelka Caafimaad oo Lagu Helo Meel Walbo

Waxaad sidoo kale daryeel caafimaad ku heli kartaa qaab fogaan-arag ah adiga oo isticmaalaya taleefankaaga casriga ah, kumbiyuutarkaaga, ama tablet-kaaga. Aetna waxay bixisaa noocyadan soo socda ee daryeelka fogaan-aragga ah:

  • Daryeelka Fogaan-aragga ah: Waxaad daryeelka fogaan-aragga ah ka heli kartaa Teladoc Health ama MinuteClinic Virtual Care. Gal akoonkaaga onleenka ah ee Aetna si aad u xaqiijiso xaq u yeelashadaada.
  • Khadka Kalkaaliyaha 24-saac: Kala hadal kaalkaaliye diiwaangashan wixii ku saabsan xaaladaha caafimaad marwalbo oo aad u baahato adiga oo fariin u diraya ama qoraal kula shekeysanaya. Ka bilow inaad gasho akoonkaaga Aetna ama inaad wacdo 1-888-434-9473 (TTY 711).
  • Daryeelka fogaan-aragga ah ee caafimaadka dareenka: U hel la-talin, caawin daawo, iyo taageero walbahaarka, walaaca iyo wax kale oo badan adiga oo gurigaa jooga. Gal akoonkaaga onleenka ah ee Aetna si aad u aragto dhammaan adeegyada iyo barnaamijyada caafimaadka dareenka.

Waxaad sidoo kale soo dejisan kartaa app-ka Caafimaadka ee Aatna si aad ugu maarayso qorshahaaga caymiska caafimaad si degdeg ah oo sugan taleefankaaga casriga ah.

Wax Ka Ogoow Qorshahaaga Ceymiska Caafimaad ee Aetna

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan caymiskaaga daryeelka caafimaad, oo uu ku jiro Dukumiintigaaga Soo Koobida Dheefaha, eeg Hagaha Dheefaha Caafimaad ee Aetna ee 2023.

 

Hel Macluumaad Aetna PPO

Ma u Baahan Tahay Caawin?

Waxaad wici kartaa lambarka Adeegyada Xubinta ee ku qoran kaarkaaga Aqoonsiga si aad u hesho adeeg gaar ah. Ama gal akoonkaaga onleenka ah ee Aetna oo dooro “Help” (“Caawin”) si aad u aragto noocyada taleefanka, iimaylka iyo sheekaysiga.

Adeegyada luuqadda iyo turjumaada ayaa lagu heli karaa luuqado badan. Haddii aad u baahan tahay adeegyada turjumaada, fadlan la xiriir 1-866-353-9802 (TTY 711). Waxaad sidoo kale booqan kartaa websaydhka Aetna si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kaalmada luuqadda.