Dheefaha Caafimaad ee KPNW HMO

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | Переглянути укр | عربى | មើលជាភាសាខ្មែរ | Soomaali | ਪੰਜਾਬੀ

 

 

Waxaad ka heli kartaa caymiska daryeelka caafimaad oo la awoodi karo, taya sarena leh oo laga helo SEIU 775 Healthcare NW Health Benefits Trust. Qorshahaaga ceymiska caafimaad ee gaarka ah waxaa si toos ah laguugu diyaarinayaa iyada oo ku saleysan lambarka ZIP-kaada. Waxaad kala dooran kartaa 2 qorshe oo caymiska ilkaha ah: Delta Dental ama Willamette Dental.

Haddii aadan hubin nooca qorshaha caymiska caafimaad ee aad haysato, halkaan ka ogoow xog dheeraad ah.

Hagaha Dheefaha Caafimaad ee KPNW HMO

Haddii aad xaq u leedahay dheefaha caafimaad ee laga helo qorshaha caymiska KPNW HMO, fadlan eeg Hagaha Dheefaha Caafimaad ee KPNW HMO ee hoose. Waxaa ku jira macluumaad muhiim ah oo ku saabsan qorshahaaga caymiska caafimaad iyo sida la isku diiwaangeliyo. Waxaad isdiiwaangelin kartaa inta lagu jiro Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) (Luulyo 1-20 sanad walbo) ama marka aad yeelato Dhacdo Nololeed Muteysi Leh*.

Hagaha Dheefaha Caafimaad ee KPNW HMO waxaa ku jira: 

  • Macluumaad ku saabsan sida la isku diiwaangeliyo marka ugu koowaad, ama wax looga baddelo caymis horay u jiray.
  • Qoddobada kooban ee ceymiska caafimaadka iyo dheefaha ka cusub qorshe sanadeedka 2023-2024.
  • Macluumaadka dheefaha daawada dhakhtarka uu qoro.
  • Soo koobida qorshaha ceymiska caafimaadka iyo ilkaha.
  • Erayada guud ee ceymiska.
  • Macluumaadka COBRA (haddii aad lumiso caymiska).
  • Macluumaad lagala soo xiriiro ee muhiimka ah.

 

Eeg Hagaha Dheefaha Caafimaad ee KPNW HMO

Macluumaadka Diiwaangelinta oo Dheeraad ah

Ku saabsan Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) Hel Caymis
Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Caymiska Caafimaadka) (Luulyo 1-20) ayaa ah fursadaada sanadlaha ah ee aad haysato si aad u codsato caymiska daryeelka caafimaad, aad u hesho Coverage for Kids (Caymiska Ilmaha) iyo/ama aad wax ka baddel ikhtiyaari ah ugu samayso caymiskaaga (haddii aad horay u diiwaangashanayd). Wax badan ka ogoow Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka). Haddii aad codsanayso wakhti ka baxsan Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) (Luulyo 1-20) iyada oo ay ugu wacan tahay Dhacdo Nololeed Muteysi Leh*, ka hel macluumaad dheeraad ah halkaan.

Su'aalo miyaad qabtaa?

Haddii aad su’aalo qabto ama aad u baahan tahay in lagaa caawiyo luuqadda, ka wac Adeegga Macmiisha SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705.

 

*Dhacdo Nololeed Muteysi Leh waa isbaddel ku yimaada xaaladaada noolaleed – sida inaad lumiso caymis kale ama uu ilmo kuu dhasho – taas oo aad xaq ugu yeelan karto inaad hesho Muddo Diiwaangelin Gaarka ah oo 30 maalmood ah, oo kuu oggolaanaysa inaad iska diiwaangeliso caymiska caafimaadka wakhti ka baxsan Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka). Muddada 30-ka maalmood waxay bilaabanaysaa wakhtiga ay ku qabsatay dhacdada waana inaad dhamaystirto oo aad gudbiso codsigaaga waqti xaddidan oo 30 maalmood gudahooda ah. Si aad u hesho liiska dhamaystiran ee Dhacdo Nololeedyada Muteysiga Leh, booqo Hel Caymis.