Muddo Sanadeedka Tabbabarka

Fasalada tabbabarka ayaa hadda laga heli karaa guud ahaan gobalka Washington.

Si aad u aragto taariikhaha bilowga iyo dhamaadka ee koorsooyinka kuu dhaw, doooro tabbabarkaaga hoose oo guji goobta.

Adeeg Bixiyeyaasha Shaqsiyadeed (IP-yada) waxay isku diiwaangelin karaan inay ka wacaan Xarunta Macluumaadka Xubnaha lambarka 1-866-371-3200 Isniin ilaa iyo Jimce, 8 a.m. ilaa iyo 4:30 p.m. Markaad wacdo waxaad fariin ku dhaafi doontaa:

  • Magaca kowaad iyo kan danbe.
  • Lambarka taleefonka.
  • Wakhtiga ugu fiican ee dib laguu soo wici karo.
  • Tabbabarka aad jeceshahay inaad isku diiwaangeliso iyo goobtiisa.

Xubin ka tirsan kooxda diiwaangelinta ayaa dib kuu soo wici doona oo kaa caawin doona inaad isdiiwaangeliso sida ugu dhakhsaha badan.

Adeeg Bixiyeyaasha Hay’ada (AP-yada) ayaa isku diiwangelin kara inay wacaan loo-shaqeeyahooda.

Tababarka Aasaasiga ah 70 waa tabbabar looga baahan yahay inay sameeyaan Caawiyeyaasha Daryeelka Guriga ee Caadiga ah (HCA) ee daryeelka siiya macaamiisha nis iyo wakhti dhamaystiran labaduba.

Guji aagga si aad u aragto taariikhaha bilowga iyo dhamaadka ee koorsooyinka la heli karo. 

Aagga Magaalooyinka
Eastern Washington Clarkston, Colville, Ellensburg, Richland, Spokane, Walla Walla
Puget Sound Arlington, Bellevue, Bellingham, Des Moines, Everett, Kent, Lakewood, Lynnwood, Mount Vernon, Puyallup, Seattle, Tukwila
Central Washington Moses Lake, Omak, Wenatchee, Yakima
Southwest Washington Aberdeen, Bremerton, Chehalis, Lacey, Longview, Oak Harbor, Olympia, Port Angeles, Raymond, Shelton, Tumwater, Vancouver

Tababarka Aasaasiga ah 30 waa tabbabar looga baahan yahay inay sameeyaan Adeeg Bixiyaha Shaqsiyadeed ee Waalidka ah, Daryeel Bixiyeyaasha Adeegga Xaddidan iyo Kuwa Ilmaha Qaangaarka ah. Dhammaan 30-ka saacadood waxaa lagu dhamaystiraa onleen ahaan.

Haddii aad u baahan tahay inaad bilowdo Tababarka Aasaasiga ah 30, waxaa laguu soo diri doonaa iimayl wata tilmaamo aad isku diiwaangeliso.

Haddii aad bogtay wax ka mid ah Tababarka Aasaasiga ah 30 ka hor 2/15/22, balse wali ay kuu dhiman yihiin qaybo kale, waxaa laguu soo diri doonaa iimayl wato tilmaamo ku saabsan sida loo dhamaystiro tabbabarkaaga.

Wax badan ka ogoow dhamaystirka Tabbabarka Aasaasiga ah 30.

Tababarka aasaasiga ah ee 7 waa tababbar 7-saacadood ee loo baahan yahay Bixiyaha Shaqsiga ah ee Waalidka (DDA).

Guji aagga si aad u aragto taariikhaha bilowga iyo dhamaadka ee koorsooyinka la heli karo. 

Aagga Magaalooyinka
Eastern Washington Richland, Spokane
Puget Sound Bellingham, Everett, Kent, Lakewood, Seattle
Central Washington Goobtan ma lahan fasalo wakhti xaadirkan.
Southwest Washington Bremerton, Vancouver
Aqoon kororsiyada onleenka ah Fasalada tooska ah, macallinka uu bixiyo ee tooska ah.

Koorsooyinka Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE) waxay ku siinayaan fursad aad ku balaadhiso xirfadahaaga xirfadeed oo aad ku sahamido mawduucyada sida aadka ah ugu habboon baahiyaha macaamiisha.

Waxaad hadda iska diiwaangelin kartaa CE-yada cusub. Koorsooyinka waxaa ka mid ah: