Taageerada Luuqadda
Koorsoyin sida dhamaystiran loo turjumay waxay awood kuu siinayaan inaad hesho khibrado waxbarasho oo tayo sare leh.
Xitaa haddii aad si fiican ugu hadasho Ingiriisiga ama aad rabto inaad barato Ingiriisiga, koorsada aad ku qaadato luuqaddaada koowaad ayaa ku habboon karta inay kuu diyaariso inaad guulaysato oo aad si dhakhso leh ugu shaqeyso daryeel bixiye ahaan.
Xarunta Macluumaadka Xubnaha (MRC) ayaa kaa caawin karta inaad hesho koorsoooyinka Tababarka Aasaasiga Ah ama Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE) ee kuu dhaw oo aad ku hesho luuqadda aad jeceshahay markaad soo wacdo si aad isku diiwaangeliso. Ka wac MRC lambarka 1-866-371-3200, 8 a.m. ilaa 4:30 p.m., Isniin ilaa iyo Jimce. Ama, iimayl ugu dir mrc@myseiubenefits.org.
Wax badan ka ogoow taageerada luqadda ee:
[/vc_column_text][vc_column_text]Koorsooyinka Tabbabarka Aasaasiga ah
Koorsooyinka Tababarka Aasaasiga Ah oo si dhamaystiran loo fasiray ayaa lagu heli karaa ilaa iyo 9 luuqadood oo kala duwan iyo Ingiriis. Waxaad codsan kartaa turjubaan xirfadle ah haddii aysan jirin wax koorsooyin ah oo kuu dhaw.
Luuqadaha waxaa ka mid ah:[/vc_column_text][/vc_column][/vc_row][vc_row][vc_column width=”1/4″][/vc_column][vc_column width=”1/4″][vc_column_text]
- Isbaanish
- Ruush
- Cantonese
- Carabi
- Amxaar
- Kuuriyaan
- Fiyatnaamiis
- Cambodian
- Somali
- Amxaar
- Nepali
- Samoan
- Tagalog
- Ukrainian
- Laotian
- Farsi
- Punjabi
Adiga misa loo-shaqeeyahaaga waa inuu diro codsiga turjubaanka 3-4 toddobaad ka hor taariikhda uu bilaabanayo Tabbabarkaaga Aasaasiga Ah.[/vc_cta][/vc_column][/vc_row][vc_row][vc_column][vc_column_text]
Koorsooyinka CE
Dhammaan Caawiyeyaasha Daryeelka Guriga ee Caadiga ah (HCA-yada) iyo Adeeg Bixiyeyaasha Ilmaha Qaangaarka ah waxaa qasab ah inay bogaan 12 dhibcood oo CE ah sanad walbo ka hor taariikhdooda dhalashada.
Haddii aad bogaysid CE-yada, waxaad jira 2 nooc oo turjubaan oo kala duwan oo aad kala heli karto:
- Turjubaanada Xirfada Leh.
- Turjubaanada Bulshada.
Koorsooyinka qaar ee CE ee aqoon kororsiga onleenka ah iyo kuwa loo xaadirido qof ahaanta ee macalinka uu daadihiyo ayaa lagu bixin karaa luuqada aad doorbideyso. Waxaad wici kartaa MRC si aad u hesho oo aad iskuugu diiwaangeliso koorsooyinkan. Waxay kuu sheegi karaan fasalada la heli karo.
Haddii aysan jirin CE-yada qof ahaanta loo xaadiro ama aqoon kororsiyo onleen ah oo lagu heli karo luuqadda aad doorbideyso, MRC ayaa kaa caawin karta inaad codsato turjubaan xirfadle oo bilaash ah.[/vc_column_text][vc_cta h2=”” h4=”Codsashada Turjubaanka Xirfadlaha Ah ee Koorsooyinka Qof Ahaanta Loo Xaadiro”]Codsiyada turjubaanka xirfada leh waa in loo gudbiyaa MRC. Ka wac MRC lambarka 1-866-371-3200 ama iimayl ugu dir mrc@myseiubenefits.org si aad isku diiwaangeliso oo aad u codsato taageerada luuqadda. Waxaa la heli karaa laga bilaabo 8 a.m. ilaa iyo 4:30 p.m., Isniin ilaa iyo Jimce.[/vc_cta][/vc_column][/vc_row][vc_row][vc_column][vc_column_text]
Turjubaanka Bulshada
Waxaad u isticmaali kartaa turjubaanka bulshada aqoon kororsiyada onleenka ah iyo CE-yada onleenka ah. Turjumaanka bulshada waa saaxiib ama qaraabo ka wayn da’da 18 oo aanan ahayn macmiilkaaga.
Marki laga hadlo CE-yada onleenka ah, uma baahnid inaad ogaysiiso MRC inaad isticmaali doontid turjubaanka bulshada. Baro sida la iskuugu diiwaangeliyo CE-yada onleenka ah.[/vc_column_text][vc_cta h2=”” h4=”Codsiyada Turjubaanada Bulshada ee Aqoon Kororsiyada Onleenka Ah”]Marki laga hadlo aqoon kororsiga onleenka ah, ee tooska ah ee uu daadihiyo macalinka, waa inaad ogaysiiso MRC inuu jiro turjubaanka bulshada oo ku caawin doona inta lagu jiro koorsada. Waxaad mas’uul ka tahay inaad u sheegto turjubaanka xilliga fasalka la qaban doono.
Waxaad u sheegi kartaa MRC markaad isdiiwaangelinayso ama ka dib markaad isku diiwaangeliso aqoon kororsiga onleenka ah. Ka wac MRC lambarka 1-866-371-3200, 8 a.m. ilaa 4:30 p.m., Isniin ilaa iyo Jimce. Ama, iimayl ugu dir mrc@myseiubenefits.org.[/vc_cta][/vc_column][/vc_row]