Tallaalada COVID-19 ee loogu talagalay Daryeel Bixiyeyaasha

针对看护人的 COVID-19 疫苗接种 |Tiêm Vắc-Xin COVID-19 cho Chăm Sóc Viên | Tallaalada COVID-19 ee loogu talagalay Daryeel Bixiyeyaasha |Вакцинация от COVID-19 для помощников| 간병인을 위한 COVID-19 백신 접종 | لقاحات كوفيد-19 لمزودي الرعاية |የኮቪድ-19 ክትባት ለጤና ክብካቤ ሰጪዎች |Vacunas contra el COVID-19 para los cuidadores

Jawaab u hel su’aalahaaga ku saabsan tallaalka iyo tallaal xoojiyeha.

Dhammaan Daryeel Bixiyeyaasha ayaa Xaq U Leh Tallaalada Iyo Tallaal Xoojiyeyaasha COVID-19 oo badqab ah.

Dhammaan daryeel bixiyeyaasha waxay xaq u leeyihiin inay helaan tallaalka tallaal xoojiyeha COVID-19, isla haddeertaan.

Tallaalka waa badqab oo Washington State Department of Health, (DOH) (Waaxda Caafimaadka Gobalka Washington) waxay ku talisaa inaad qaadato mid sida ugu dhakhsaha badan ee aad u awoodo. Waxaad ka mid noqon doontaa malaayiin qof oo jooga Mareykanka kaliya kuwaas oo mar hore la tallaalay.

Si aad tallaalka u qaadato, waxaad u baahan tahay inaad raadsato goob kuu dhaw oo aad iska qorto.

Is Qor

Si aad u hesho tallaalkaaga tallaal xoojiyehaaga, samee mid ka mid ah kuwan soo socda:

Ma qabtaa wax su'aalo ah oo ku saabsan tallaalka?

Jawaabo u hel su’aalahaaga ku saabsan tallaalka ee heeso.

Eeg Tilmaamaha CDC ee ku jra mowduucan. Xaaladaha badankood, iyada oo ku xiran tirada dadka iyo haddii dadka aad la joogto ay tallaalka si buuxdo u qaateen iyo haddii kalaba, waxaad wali u sii baahan tahay inaad xirato PPE oo aad dadka ka fogaato.

Waxaa jiro meelo badan oo laga helo tallaalka. Eeg macluumaadka goobta tallaalka.

Macmiilkaaga wuxuu heli karaa tallaalka haddadan. Macaamiisha badankood waxay xaq u yeesheen tallaalka markay ahayd Maarso 17 oo markay tahay Abriil 15 dhammaan dadka ka wayn da’da 16 sano jirka ah ayaa xaq u leh.

Ka ee booga intarnetka ee dhameystiran ee Washington State Department of Health (DOH) (Waaxda Caafimaadka Gobalka Washington) su’aalaha inta badan la isweeydiiyo, oo ay ku jiraan sida labada nooc ee tallaalada u shaqeeyaan, xaq u yeelashada dadka kala duwan ee inta lagu jiro wajiyada kala duwan iyo wax kale oo badan

Waxaad sidoo kale arki kartaa jawaabo badan oo laga bixinayo su’aalaha inta badan la isweeydiiyo ee Centers for Disease Control and Prevention (CDC) (Hay’ada Xakameynta Xanuunada iyo Kahortagga)

Dadka qaar ee qaata tallaalka ayaa la kulma waxyeellooyin sida daal iyo qandho. Waxyeellooyinka tallaalka sida caadiga ah way iska fudud yihiin waxayna ku baxaan 1-2 maalmood. Waxay astaan u yihiin in tallaalka uu shaqeenayo.

Booqoshadada waxay aad ula mid noqon kartaa booqashada dhakhtarka ee caadiga ah, waxay noqon kartaa rug tallaal oo ballaaran oo ku taala goob fagaaro, ama xittaa waxay noqon kartaa rug gaari oo aad ku jiri karto gaarigaaga, iyada oo ku xiran halka aad ballanta ku leedahay. Waxaa laga yaabaa nooc aqoonsi ah in lagu weydiiyo. Qaadashada tallaalka COVID-19 waxay la mid tahay tallaalada ama cirbadaha kale, iyada oo lagaa durayo qeybta kore ee gacantaada. Waxaa lagu fari doonaa inaad sugto ugu yaraan 15 daqiiqo ka dib marki lagu duro si loo xaqiijiyo inaadan yeelanin falcelin xasaasiyadeed.

Haa. Centers for Disease Control and Prevention (CDC) (Hay’ada Xakameynta Xanuunada iyo Kahortaga) waxay ku talisaa inaad tallaalka qaadato xittaa haddii uu horay COVID-19 kuugu dhacay sababta oo ah khuburada wali ma aysan ogaanin muddada aad difaac u lahaan karto inaadan dib u xanuunsanin kadib markaad ka kacdo.

Haa, tallaalada COVID-19 ee dadka la siinayo waa kuwa badqab ah oo waxtarna leh. Sida tallaalada kaleba, waxaa lagu soo saaray iyada oo la adeegsanayo isla tijaabooyin caafimaad iyo hab maamuusyo badqab oo adag. Isticmaalka tallaalka waxaa sidoo kale la sii wadaa in si dhaw loola socdo. Wax badan ka ogoow badqabka tallaalka.

Fadlan la xiriir shirkadaada caafimaad si aad u hesho xog dheeraad ah.

In ka badan 200 milyan oo kuure ayaa lagu bixiyay Mareynka kaliya. Tani waxaa ka mid ah kumanaan daryeel bixiye. Waxaad eegi kartaa Johns Hopkins University Vaccine Tracker (Raadraacaha Tallaalka ee Jaamcada Johns Hopkins) si aad u aragto xogta laga hayo haddadan dhammaan dadka ku nool Mareykanka, iyo dunida.

Dhigaalada Tallaalka

Su'aalo miyaad qabtaa?

Haddii aad qabtid wax su’aalo ah oo ku saabsan tallaalada, fadlan soo wac, 1-877-606-6705. Fadlan ha wicin Member Resource Center (MRC) (Xarunta Macluumaadka Xubnaha), maadaama ay helayaan wicitaano tiro badan oo aysan awood u lahayn inay ku caawiyaan.