Faa'iidooyinka Is-daryeelka
Caafimaadka shucuurtaada wuxuu muhiim u yahay si la mid ah caafimaadkaaga jidhka.
Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | Переглянути українською | عربى | មើលជាភាសាខ្មែរ | Ku Eeg Af-soomaali | ਪੰਜਾਬੀ ਵਿੱਚ ਦੇਖੋ
Daryeel-bixiyayaashu waxay inta badan hormariyaan baahiyaha macaamiishooda, laakiin waa muhiim inaad sidoo kale daryeesho naftaada. Waxaa jira faa’iidooyin badan oo bilaash ah iyo kuwo ku kaca kharash jaban oo loogu talagalay daryeel-bixiyeyaasha kuwaas oo gacan ka geysan kara wax ka qabashada walbahaarka, walaaca iyo niyad-jabka.
Agabyada Is-daryeelida
Headspace Care
Ku xidho tababare khabiirka ah adigoo adeegsanaya app-ka Headspace Care si aad u hesho talo iyo hagitaan ku saabsan dhimista walbahaarka, la socodka yoolasha nolosha iyo jimicsiga iyo helida dhiirigelin – dhammaan iyada oo loo marayo fariin-diritaano qoraal ah oo sugan.
Xubnaha qoyska ee ka weyn da’da 18 waxay sidoo kale ku heli karaan Headspace Care si bilaash ah.
Qalabka Dajinta
Baro siyaabo aad uga gudbi karto walbahaarka iyo caqabadaha kale ee nolosha adigoo la baranaayo daryeelayaasha kale. Kaliya 1 saac toddobaadkiiba 6 todobaad, gal casharka ku baxaya muuqaalka tooska ah ee uu hogaamiyo macalin oona qaad tillaabooyin aad ku wanaajineyso fayoobi-qabidaada shucuureed adigoo adeegsanaya farsamooyinka maskaxda ay ku dheehan tahay.
Baro Wax Badan Oo ku saabsan Agabyada loogu talagalay Xassiloonida
Calm
App-ka Calm ee loogu talagalay miyir-qabka iyo si qotoda-dheer jawi u qaadashada ayaa kugu xiraysaa jawi qaadashada qotoda-dheer ee la hago, laylisyo aasaasi ah, sheekooyin hurdo iyo qalabyo badan oo diiradda saaraya inay kaa caawiyaan inaad nasato oo aadna soo kabsato. Haddii aad rabto in aad si fiican u seexato, aad rabto inaad dareento nasasho badan ama aad wanaajiso wax diirad saarka iyo wax soo saarkaaga, Calm ayaa wax kuu haysa.
Calm waa u bilaash daryeel bixiyayaasha leh caynsanaanta Kaiser Permanente.
Taageerada Xirfadlaha
Waxaad haysataa ikhtiyaaro badan oo wanaagsan oo laga heli karo caymiskaaga caafimaadka, oo ay ku jiraan la-talin fool-ka-fool ah iyo la-talin fogaan arag ah, maareynta daawada iyo macluumaadka onlaynka. Faahfaahin dib uga eeg qoraalka kooban ee qorshahaaga.
Adigoo isticmaalaya caymiskaaga Kaiser Permanente, waxaad helaysaa:
- App-yada Caafimaadka Shucuureed iyo Is-daryeelka: Marin u hel app-ka Calm si aad u hesho hurdo wanaagsan iyo qaadashada jawi wanaagsan, iyo MyStrength si aad u hesho taageerada caafimaadka shucuureed ee gaarka ah.
- Tababarida ku aadan Fayoobi-qabida: La saaxiib tababare fayoobi-qabitaaneed kaas oo kaa caawin kara dhimista walaaca, dejisashada yoolalka caafimaadka oo kadibna arag natiijooyinka.
- Taageerada Taleefonka Lagu Bixiyo Caawinadu waxa ay uun kuu jirtaa hal telefoon wicitaan oo keliya, haddii aad raadinayso gargaar degdeg ah, daryeelka caafimaadka maskaxda ee takhasus u baahan ama ka soo kabashada balwadda.
Baro wax badan oo ku saabsan dheefahaada Kaiser Permanente:
Kaiser Permanente of Washington (KPWA) | Kaiser Permanente Northwest (KPNW) |
Adigoo adeegsanaya caymiskaaga Aetna, waxaad helaysaa:
- Alma: Ka hel la-talin waji-ka-waji ah ama mid fogaan arag ah dabiibayaal tababaran. Adigoo adeegsanaya Alma, waxaad si degdeg ah u heli kartaa bixiye ku habboon daboolida baahiyahaaga, aqoonsigaaga iyo luqaddaada.
- Headway: Ka raadso bixiye ka caawin kara mawduucyada laga bilaabo walaaca ilaa caqabadaha qoyska ilaa la’aanta dhiirigelin, iyo sidoo kale doorbiditaanada ku aadan luqadda iyo aqoonsiga
- AbleTo: Ka hel taageero iyo tababar caafimaad barnaamij 8-todobaad soconaya oo la gaar yeelay oo ay hogaaminayaan kooxdaada daryeelka si aad u dhinto niyad-jabka, walbahaarka iyo welwelka.
Ka Maqal Daryeel-bixiyayaasha
Alyssa E., Dora P., Amy L. iyo Sonja T. ayaa ka hadlaya qaababka ay ugu jecel yihiin inay ku dhaqangeliyaan is-daryeelidda iyagoo ah daryeel bixiyeyaal aad u mashquul badan.
Daryeel-bixisada Alyssa E., waxay wadaageysaa sida caynsanaanta daryeelkeeda caafimaad ugu ogolaato inay diiradda saarto caafimaadkeeda shucuureed iyada oo aan ka walwaleynin kharashka.
Wixii ah muuqaalo dheeraad ah oo kan oo kale ah, booqo Kanaalka Youtube-ka ee SEIU 775 Benefits Group.