Tababarka Aasaasiga ah 70

Noqoshada Kaaliyaha Daryeelka Guriga ee Shahaada haysta (HCA)

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | አማርኛ | عربى

Tababarka aasaasiga ah ee 70 wuxuu kugu diyaarinayaa macluumaadka iyo xirfadaha aad u baahan tahay si aad si guul leh ugu gudubto imtixaanka shahaadiga ah oo aad noqoto Kaaliyaha Daryeelka Guriga. Waxaad isku diwaangelin kartaa inaad ka wacdo Xarunta Macluumaadka Xubnaha (MRC) lambarka 1-866-371-3200. Waxaa la heli karaa 8 a.m. ilaa iyo 4:30 p.m., Isniin ilaa iyo Jimce. Wax badan ka baro:

Waddada aad ku gaadhayso Xirfadda Guusha ee Daryeelka Guriga

Sida La isku diwaageliyi

Isdiiwaangeli adiga oo ka wacaya MRC lambarka 1-866-371-3200, Isniin ilaa iyo Jimce laga bilaabo 8 a.m. ilaa iyo 4:30 p.m. Pacific Time.

Ka Qaado Tababarka shaqada & Badbaadada Onlaynka ah

Qaadashada Tababarka shaqada & Badbaadada ayaa looga baahan yahay qof walba ka hor intaysan bilaabin shaqada. Wax badan ka baro.

Soo gudbi codsiga Kaaliyaha Daryeelka Guriga (HCA)

Waxaad u baahan tahay inaad soo celiso codsigaaga HCA isla markaaba. La’aanteed, ma heli doontid taariikh tijaabada waxaana laga yaabaa inaad la kulanto dib u dhac ku yimaada inaad hesho shaqada daryeel bixiye mishahaarka leh.

Waxa laga filayo Koorsooyinka Tababarka Aasaasiga ah

Tababarka aasaasiga ahi waxa uu ku barayaa daryeelka ugu wanaagsan ee dhaqamada iyo ku dhaqanka xirfadaha gacmaha lagu qabto si aad ugu gudubto imtixaankaaga Kaaliyaha Daryeelka Guriga.

Intaad tababarka kujirto, waxaad fursad u heli doontaa:

  • Macallin leh waayo-aragnimo daryeel toos ah oo u heellan inuu kaa taageero korriinka xirfaddaada.
  • Jawi waxbarasho oo leh tabobar gacmaha lagu qabto, muuqaalo iyo hawlqabadyo si loo horumariyo hibadaada qoraal iyo xalinta mushkiladaha.
  • Hagaha arday ee macluumaadka leh si loogu isticmaalo fasalka oo loo ilaaliyo dhigaalada mustaqbalka.
  • Bulsho daryeelayaal kale ah iyo fursad aad isku taageertaan markaad bilaabayso xirfadaada.

U-qalmitaanka Tababarka Aasaasiga ah

Tababarka Aasaasiga ah ee 70 ayaa diyaar u ah Kaaliyayaasha Daryeelka Guriga ee dhawaan la shaqaaleysiiyay kuwaas oo haysta shuruudaha tababarka (guji halkan si aad u aragto shaxda shuruudaha tababarka)).

Waad ku mahadsan tahay heshiiska gorgortan wadareed cusub oo lala galay Gobolka Washington, dhammaan Bixiyeyaasha Shakhsi ahaaneed waxay leeyihiin ikhtiyaarka ah inay isku qoraan Hanuuninta & Badbaadada iyo Tababarka Aasaasiga ah 70. Tan waxa ku jira bixiyayaasha laga yaabo in markii hore laga dhaafay qaadashada Tababarka Aasaasiga ah. Marka la dhammeeyo Tababarka shaqada & Badbaadada iyo Tababbarka Aasaasiga ah oo ay si guul leh ugu gudbaan Imtixaanka Waaxda Caafimaadka ee Gobolka, Kaaliyeyaasha Daryeelka Guriga ee doorta inay qaataan tababarkan waxay heli doonaan kor u qaadis shahaado ah. Si aad u aragto faahfaahinta buuxda ee heshiiskat, fadlan halkan guji. Haddii aad qabtid su’aalo dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijkan fadlan kala xiriir Xarunta Kheyraadka Xubinta taleefanka bilaash ah 1 (866) 371-3200 ama iimayl u dir mrc@seiu775.org.