Waxbarashadda Dadka Wawayn
Dhammaan daryeel bixiyeyaasha leh shuruudaha CE ayaa hadda gali kara My Benefits oo tagi kara Caregiver Learning Center (Xarunta Waxbarashada Daryeel Bixiyaha) si ay iskuugu diiwaangeliyaan CE-yada onleenka ah, fasalada qof ahaanta loo xaadiro ama aqoon kororsiyada onleenka ah. Baro sida loo galo oo la iskuugu diiwaangeliyo CE-yada.
Haddii aad jeclaan lahayd inaad ku qaadato CE-yada luuqadda aad doorbidayso, wax badan ka ogoow noocyada CE ee la heli karo ama sida aad ku codsan karto turjubaan.
Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | አማርኛ | عربى
Koorsooyinka Waxbarashadda Dadka Wawayn Ayaa Hadda La Heli Karaa
Koorsooyinka Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE) waxay ku siinayaan fursad aad ku balaadhiso xirfadahaaga xirfadeed oo aad sahamiso mawduucyada sida aadka ah ugu habboon baahiyaha macaamiisha.
Waxaad hadda iska diiwaangelin kartaa CE-yada cusub. Koorsooyinka waxaa ka mid ah:
Warbixinta Wakgtiga Kama Danbaysta ah ee CE
Dhammaan daryeel bixiyeyaasha leh shuruudaha CE ee wali taagan ee 2019, 2020, 2021 ama 2022 waa inay dhamaystiraan marki la gaadhi ama ka hor Agoosto 31, 2023. Wixi ka danbeeya taariikhdan, taariikhdaada kama danbaysta ah ee CE ee sanadlaha ah waxay noqon doontaa taariikhdaada dhalashada.
Haddii aadan ku bogin tabbabarka lagaaga baahan yahay wakhtigaaga kama danbayska ah, ma awoodi doontid inaad u sii shaqayso daryeel bixiye mushahar qaato ahaan.
Haddii taariikhda dhalashadaada ay u dhaxayso Janaayo 1 iyo Agoosto 31, 2023, waxaad sidoo kale haysataa ilaa iyo Agoosto 31, 2023 si aad u bogto shuruudaada CE ee 2023.