Bogga Dheefaha Caafimaadka

Si fudud ugu maareey dheefahaaga onleen ahaan!

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | Переглянути укр | عربى | មើលជាភាសាខ្មែរ | Soomaali | ਪੰਜਾਬੀ

Akoonka onleenka ah wuxuu kuu sahlayaa inaad isticmaasho dheefaha caafimaadka iyo fayoqabka ee wanaagsan ee aad hesho daryeel bixiye ahaan. Tani waxaa kamid ah ceymiska daryeelka caafimaad oo tayo sare leh, oo la awoodi karo, kabaha simbirixada reeba oo bilaash ah (oo loo yaqaano Caregiver Kicks) iyo gacan qabashada caafimaadka shucuureed ee laga helo app-ka Daryeelka ee Headspace  Dhammaan daryeel bixiyeyaasha hadda shaqeeya ayaa furan kara akoon onleen ah. Waa habka ugu fudud ee:  

  • Lagu eego saacadaha iyo xaq u yeelashada ee dheefahaaga caafimaadka iyo fayo-qabka.  
  • Lagu codsado caymiska daryeelka caafimaadka, ama wax looga baddelo caymis horay u jiray.
  • Lagu gudbiyo Dhacdo Nololeed Muteysi Leh (QLE) wakhti walbo. 
  • Loogu darsado carruur caymiskaaga. 
  • Lagu helo dukumiintiyada iyo foomamka qorshaha ceymiska. 
  • Lagu bixiyo qaan-sheegtada lacag-wadaaga khidmada ceymiska billaha ah oo lagu eego lacag bixinta. 
  • Lagu furto wada-xiriirada iimaylka ee ku saabsan caymiskaaga.  

Samaynta akoon onleen ah waxay qaadataa 5 daqiiqo ama ka yar, waxaadna isticmaali kartaa sanadka oo dhan si aad si fudud ugu isticmaasho dheefahaaga.

Samee Akoon Cusub  Gal

Samayso Akoon Onleen ah

Tag myseiu.be/enroll waxaana laguugu hagi doonaa tallaabooyinkan.

1. Dooro REGISTER AS A NEW USER (ISKU DIIWAANGELI ADEEGSADE CUSUB AHAAN).

2. Geli Lambarkaaga Sooshiyaal Sekuuritiga ama Aqoonsigaaga Xubinta ee Qorshaha Ceymiska Caafimaadka iyo macluumaadkaaga gaarka ah.

3. Dib U Eeg oo aqbal Qodobadda iyo Shuruudaha.

4. Sameyso magacaaga adeegsadaha, lambar sireedkaaga iyo su’aashaada ammaanka.

5. Geli macluumaadka meesha lagaala xidhiidho oo dooro doorbiditaanadaada.

6. Keydi qiritaanada wadaxiriirka.

Markaad gudaha u gasho, waxaad arki doontaa dashboard-kaaga oo aad:

  • Ka eegi karto saacadaha aad shaqeysay kana xaqiijin karto xaq u yeelashada.
  • Iska diiwaangelin karto ama ka arki karto macluumaadka caymiska ee hadda jira.
  • Ka eegi karto warbixinada iyo fariimada sanduuqaaga.
  • Taageero ka heli karto qaybta Live Help Chat (Sheekeysiga Caawinta ee Tooska ah).

Su'aalo miyaad qabtaa?

Ma u Baahan Tahay Caawin?  

Haddii aad akoon samaynayso marki ugu koowaad, baro sida loo sameeyo akoon. 

Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan lacagahaaga, caymiskaaga ama wax kasta oo kale oo qorshaha caymiska caafimaadka la xiriira, fadlan ka wac Adeegga Macaamiisha lambarka 1-877-606-6705, 8 a.m. ilaa iyo 6 p.m. Pacific Time, Isniin- Jimce. Markaad samaysato akoonka onleenka ah, waxaad isticmaali kartaa qaybta wadashekeysiga si aad u hesho taageero degdeg ah, ama iimayl u dir SEIU775BG-caregiver@magnacare.com wakhti walbo. 

Wakhti xaadirkaan, waxaad kaliya akoon ku furan kartaa luuqadda Ingiriisiga. Si aad u hesho taageerada akoonka ee luuqadda, kala xidhiidha Adegga Macaamiisha lambarka 1-877-606-6705 si laguugu xidho qof wakiil ka ah luuqadaada.


Akoonada onleenka ah waxay qayb ka yihiin bogga CREATE ee Magnacare. Magnacare waa maamulaha caymiska daryeelka caafimaadka ee daryeel bixiyaha.