Cadeynta Qofka Kugu Tiirsan

Sida loogu daro qof kugu tiirsan ceymiskaaga.

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng Việt | አማርኛ | عربى

Haddii aad tahay Hay'ad Daryeel Bixisa (AP) ama Adeeg Bixiyaha Shaqsiyadeed (IP) ee CDWA oo aad leedahay ceymiska daryeelka caafimaad ee laga helo SEIU 775 Benefits Group (ama aad xaq u leedahay), waxaad ilmaha kugu tiirsan u diiwaangelin kartaa (ee ka yar da'da 26) ceymiska caafimaadka iyo ilkaha iyada oo ku kaceyso kharashka dhameystiran ee khidmada adeegga. Kharashka wuxuu u dhaxeeyaa $686-$766 bishiiba iyada oo ku xiran ceymiskaaga caafimaadka, waana isku mid wadarta guud ee kharashka hadii uu kuu diiwaangashan yahay 1 qof oo kugu tiirsan ama ka badan. 

Si aad ugu darsato qofka (dadka) kugu tiirsan, waa inaad:

  1. Buuxiso oo aad gudbiso qaybta ku tiirsanaha ee Codsiga Dheefaha Caafimaadka. 
  2. Keento dukumiinti caddeyneysa xiriirka kaala dhaxeeyo qofka (dadka) kugu tiirsan 60 maalmood gudahooda. Waxaad ku bixin kartaa midan boostada ama adiga oo isticmaalaya My Plan.
  3. Bilowdo inaad bixiso khidmada ceymiska oo dhameystiran oo aad ku bixiso lacag jarista mushaharka tooska ah. 

Khidmada boostada ayaa loo baahan yahay markaad boostada ku dirto, balse gudbinta Codsigaaga Dheefaha Caafimaadka way fududahay.

Nooc onlayn ah oo aad ka sameneyso My Plan Booosto
Waxbadan Ka Baro My Plan. SEIU 775 Benefits Group
PO Box 24811
Seattle, WA 98124

Faahfaahin Dheeraad ah

  • Waxaa lagu siin doonaa 60 maalmood ka dib marki la helo codsigaaga si aad ugu dirto dukumiinti caddeynaya xiriirka kaala dhaxeeyo qofka (dadka) kugu tiirsan. Waxaad dukumiintigaaga Cadeynta Qofka Kugu Tiirsan la diri kartaa codsigaaga ama waxaad u diri kartaa si gaar ah adiga oo ku diraya cinwaanka ku qoran Codsiga Dheefaha Caafimaadka. Haddii aad dukumiintigaaga si gaar ah u soo celineyso, fadlan soo raaci magacaaga, afarta lambar ugu danbeysa ee lambarkaaga Sooshiyaal Sekuuritiga iyo taleefan lambarka si markaas loogu beego codsigaaga.
  • Haddii aad go'aansato inaad dirto dukumiintigaaga ka dib markaad gudbiso Codsigaaga Dheefaha Caafimaadka, xaqiiji inaad raaciso magacaaga ama taariikhda dhalshada.
  • Xaqiiji inaad dirto nuqul oo aadan dirin dukumiintiga asalka ah. 
  • Ka dib markaad gudbiso Codsigaaga iyo dukumiintigaaga caddeynaya xiriirka aad leedihiin, waxaa laguu soo diri doonaa iimayl (haddii uu jiro cinwaan iimayl oo kuu keydsan) ama warqad boostada laguugu soo diro oo ku saabsan xaalada codsigaaga. 

Noocyada Dadka Kugu Tiirsan

Hoos waxaa ku qoran liiska carruurta kugu tiisan ee xaqa leh. Guji “+” si aad u aragto dukumiintiyada aad u isticmaali karto caddeyn ahaan ee nooc kasta oo ku tiirsane ah. Haddii aad su'aalo qabto ama aad u baahan tahay in lagaa caawiyo diiwaangelinta ilmo kugu tiirsan, ka wac adeegga macaamiisha lambarka 1-877-606-6705.

 

Waxaad ilmaha aad dhashay u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Warqadda dhalashada dawlada ay bixiso oo ay ku qoran yihiin dhammaan magacyada waaldiiinta. 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof (dad) kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga. Xaqiiji inaad qariso macluumaadka maaliyadeed. 
  • Warqadda isbitaalka oo ay ku yaalaan raadka cagaha ilmaha. Waa inay muujiso magaca waalidka ceymiska leh, seeyga/xaaska waalidka ceymiska leh ama lamaanaha qoyska ka diiwaangashan gobalka ee waalidka ceymiska leh. 
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso dawlada Mareykanka oo ansax ah.

Waxaad ilmaha aad korsanayso u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Warqadda dhalashada ama warqadda korsashada. 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga. Xaqiiji inaad qariso macluumaadkaaga maaliyadeed. 
  • Warqadda ama Digreetada Korsashada. Waa inay muujiso magaca waalidka ceymiska leh, seeyga/xaaska waalidka ceymiska leh ama lamaanaha qoyska ka diiwaangashan gobalka ee waalidka ceymiska leh. 
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah. 

Waxaad ilmaha aad adeerka/eedada u tahay u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Warqadda Dhalashada iyo sidoo kale warqadda meherka ee dawlada ay bixiso iyo canshuur celinta federaalka ee 2-di sano ee u danbeeyay gudahooda oo ay ku qoran tahay ama ku qoran yahay xaaskaaga/seeygaaga iyo caddaynta wax wada-lahaanshaha (bayaanada amaahda, bayaanada bangiga, bayaanada kiridhit kaadhka, heshiisyada ijaarka/kirada). 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga (Xaqiiji inaad qariso macluumaadkaaga maaliyadeed). 
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.

Waxaad ilmaha aad wakiilka sharciyeed ka tahay u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Dukumiintiyada sharciyeed ee dawlada gobalka ama federaalka oo muujinaya xaalada wakiilnimada sharciyeed. 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga. Xaqiiji inaad qariso macluumaadkaaga maaliyadeed.
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah. 

Waxaad ilmaha aad barbaarinayso u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Warqadda cadeynta barbaarinta ilamaha ee asalka ah iyo nuqulka dukumiintiyada taageerada joogtada ah ee la taaban karo ee ilmaha. 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga. Xaqiiji inaad qariso macluumaadkaaga maaliyadeed. 
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.

Waxaad ilmaha lamaanaha qoyska u diiwaangelin kartaa qof kugu tiirsan ahaan. Waa kan liiska dukumiintiyada la aqbali karo:

  • Warqadda dhalashada dawlada ay bixiso; waxaa ku jiro magaca lamaanaha qoyska. 
  • Amarada maxkamadda oo u magacaabayo lamaanaha qoyska inuu yahay wakiilka sharciyeed. 
  • Canshuur celinta federaalka ee sanadki u danbeeyay oo ay ku jiraan ilamaha (carruurta) sida qof kugu tiirsan ahaan una qoran yihiin gabadhaada ama wiilkaaga. Xaqiiji inaad qariso macluumaadkaaga maaliyadeed. 
  • Warqadda barbaarinta ee maxkamadda ay amartay. 
  • Amarka Taageerada Caafimaad ee Ilmaha. 
  • Diiwaangelinta Kayd-xogeedka Dadka Xaqa u Leh Dheefaha Militariga (DEERS). 
  • Fiisaha J-2 ee ay bixiso Dawlada Mareykanka oo ansax ah.

*Haddii aad diiwaangelineyso ilmo aad adeer/eedo u tahay ama ilmaha lamaanahaaga qoyska, waa qasab sidoo kale inaad la timaado dukumiinti caddeynaya xiriirka aad la leedahay xaaskaaga/seeygaaga ama lamaanaha qoyska.