Kula Kulan Dhakhtarkaaga Bilaash ah

Ka qabso ballan bilaash ah dhakhtarka daryeelka assaasiga ah maanta. Way sahlan tahay!

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | Переглянути укр | عربى | មើលជាភាសាខ្មែរ | ਪੰਜਾਬੀ

Markaad ceymiska daryeelka caafimaadka ka haysato SEIU 775 Benefits Group, waxaad heli kartaa caymiska dheefaha caafimaadka, ilkaha, aragga iyo caafimaadka dareenka oo la awoodi karo, taya sarena leh.

Meesha ugu wanaagsan ee laga bilaabo qorshahaaga caymiska caafimaad waa inaad la kulanto dhakhtar. Waxay:

  • Bixin karaan daryeelka ka hortagga ah, sida hubinta joogtada ah iyo baaritaanada caafimaadka.
  • Qori karaan daawooyin.
  • Daawayn karaan xanuunada iyo dhaawacyada sahlan.
  • Kaa caawin karaan inaad maarayso xanuunada daba dheeraado.
  • Kuu gudbin karaan takhasusleyaal iyo barnaamijyada daryeelka xaalaado gooni u gaar ah.

Kuu raadin karaan dhakhtar oo waxay kuu qaban karaan ballan

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo helo dakhtar iyo sida loo qabsado ballan, ka dooro qorshahaaga caymiska caafimaad xaga hoose.

KPWA HMO
KPNW HMO
Aetna PPO

Hel macluumaadka KPWA HMO

Hel macluumaadka KPNW HMO

Hel macluumaad Aetna PPO

KPWA HMO = Kaiser Permanente Washington HMO, KPNW HMO = Kaiser Permanente Northwest HMO

Haddii aadan hubin nooca qorshaha caymiska caafimaad ee aad haysato, halkaan ka ogoow.

Daryeelka degdegga ah

Haddii aad u baahan tahay daryeel degdeg ah*, waxaa laga yaabaa inaad sugi waydo inaad la kulanto dhakhtarkaaga. Xaaladan oo kale, tag xarunta daryeelka degdegga ah ee Kaiser Permanente ama Aetna ee kuu dhaw.

*Daryeelka degdegga ah lamid ma ahan daryeelka gurmadka degdegga ah. Haddii aad la dhibaatooneyso xaalad naf-gooyo ah, sida wadna istaaga ama qabsinka, waa inaad aado qolka gurmadka degdegga ah ama wac 911.

Su'aalo miyaad qabtaa?

Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan caymiska daryeelka caafimaadka ama aad u baahan tahay in lagaa caawiyo luuqadda, ka wac Adeegga Macmiisha SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705. Si aad u hesho adeegyada turjumaada ee qorshaha caymiska u gaarka ah, ka dooro qorshahaaga caymiska xaga kore kadibna waxaa laguugu hagi doonaa bog intarnet oo wata macluumaad dheeraada ah.