IP-yada: U Wareegidaada CDWA

Waxa La Filan Karo

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng Việt | አማርኛ | عربى

Loo-shaqeeyahaaga wuxuu ka wareegayaa Department of Social and Health Services (DSHS) (Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka ee Gobolka Washington) wuxuuna u wareegayaa Consumer Direct Care Network Washington (CDWA) (Shabakadda Daryeelka Tooska ah ee Macmiilka ee Washington). Haddii aad tahay daryeel bixiye oo ay kuu soo ogeysiiyeen midkood DSHS ama CDWA inaad wareegeysid, waxaad u baahan doontaa inaad gasho bogga intarnetka CDWA ee DirectMyCare oo aad dhameystirto dhammaan hawlahaaga shaqaaleysiinta si loo hubiyo in kala wareegaaga uu si sahlan u dhaco.

Hoos waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan waxaad u baahan tahay inaad samayso iyo waxaad ka filan karto dheefahaaga inta lagu jiro kala wareega.

Wax dheeri ah kabaro:

 

Waxa aad u baahan tahay inaad samayso si aad ugu wareegto CDWA

Si aad u xaqiijiso inaad si sahlan ugu wareegto loo-shaqeeyahaaga cusub, waxaad u baahan doontaa:

  • Waxaad u baahan doontaa inaad gasho bogga intarnetka CDWA ee DirectMyCare oo aad dhameystirto dhammaan hawlahaaga shaqaaleysiinta. Waxaad iimayl ka heli doontaa cinwaanka InfoCDWA@ConsumerDirectCare.com kaas oo wata xiriiriiye ay tahay inaad u isticmaasho inaad ku baddesho lambar sireedka (akoon ayaa kolhoreba laguu furay), oo ay weheliyaan tilmaamo isdaba yaala.
  • Inaad si joogta ah uga hubiso iimaylkaaga wixii warbixin cusub ah ee ku saabsan CDWA iyo hannaanka kala wareegida. Inaad eegto qeybaha spam iyo junk ee iimaylkaaga si aad u hubiso inaadan seegin wax iimayl ah.

Wareegidaada ma dhameystirna ilaad aad xaqiijin ka hesho CDWA oo shegeysa inaad "Diyaar u Tahay Inaad Daryeel Bixiso" shaqaalaha CDWA ahaan. Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo hannaankaaga kala wareegida, wac 866-214-9899, iimayl u dir InfoCDWA@ConsumerDirectCare.com ama booqo www.ConsumerDirectWA.com.

 

Waxa aad ka filan karto dheefahaaga inta lagu jiro kala wareegidan

Waxbarashada

Inta aad u wareegeyso CDWA, tabbabarkaaga ayaa sii socon doona iyada oo aan wax sameyn ah aysan ku yeelaneynin jadwalkaaga tabbabarka ama wax isbaddel ah shuruudahaaga. Tani waa run haddii aad tahay daryeel bixiye cusub oo leh shuruuda Tababarka Aasaska ah ama haddii lagaaga baahan yahay inaad sameyso Waxbarashadda Dadka Wawayn. Waxaad wali u baahan doontaa inaad kala shaqeyso loo-shaqeeyahaaaga, oo hadda CWDA ah, inaad ceymis u diyaariso macmiilkaaga (ama wakiil ruqsad heysto) inta lagu jiro tabbabarkaaga. 

Fadlan sii wad inaad iimaylkaaga ka sii eegto wixii ogeysiis ah ee ku saabsan tabbabarka lagaaga baahan yahay. Inaad eegto qeybaha spam iyo junk ee iimaylkaaga si aad u hubiso inaadan seegin wax iimayl ah.

Waxbadan ka baro dheefahaaga waxbarashada.

Caafimaadka

Haddii aad ceymiska caafimaadka ka heysato SEIU 775 Benefits Group oo aad wali xaq u leedahay ceymiska, ceymiskaaga ayaa kuu sii socon doonaa iyada oo aan kala go’ lahayn. Haddii aad xaq u leedahay oo aad jeclaan lahayd inaad codsato ceymiska daryeelka caafimaadka ama inaad wax ka baddel ikhtiyaari ah ku sameyso ceymis aad horay u heysatay, waxaa jiri doonaa muddo diiwaangelin khaas ah oo la mid ah Open Enrollment (Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka) (taas oo la qabto sanad walba bisha Luuliyo). 

Muddadan diiwaangelinta waxaa la dhahaa Change of Employer Enrollment (COEE) (Diiwaangelinta Baddelida Loo-shaqeeyaha) waxaana loo qabanayaa inaad u wareegeyso inaad u shaqeyso CDWA aawadeed. Waxaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan COEE laguugu soo diri doonaa iimaylka iyo boostada.

Si aad ceymis u hesho (haddii aad xaq u leedahay oo aad codsaneyso) ama aad wax ka baddel ikhtiyaari ah ugu sameyso ceymiskaaga, waxaad u baahan doontaa:

✓ Inaad dhameystirto u wareegidaada CDWA (adiga oo adeegsanaya bogga intarnetka ee DirectMyCare) waqtiga saxda ah.

✓ Inaad soo waregliso saacadahaaga waqtiga saxada ah.

✓ Inaad buuxiso oo aad gudbiso Codsiga Dheefaha Caafimaadka (haddii aad codsaneyso ama wax ka baddeleyso).

Waxbadan ka baro Diiwaangelinta Baddelida Loo-shaqeeyaha.

Hawlgabka

Qorshaha Howlgabnimada Sugan ee SEIU 775 waa midki ugu horeeyay noociisa oo kale wadanka oo dhan oo loogu talagalay daryeel bixiyeyaasha. Daryeel bixiyeyaasha ayaa si toos ah loogu diiwaangelinayaa qorshaha ka dib markay buuxiyaan shuraada ka qaybqaadashada ee 6-da bilood ah. Markaad hawlgab noqoto ama aad gaarto da'da hawlgabka, waxaad bilaabi kartaa inaad hesho dheefta hawlgabnimada. 

Ka wareegida DSHS/IPOne ee aad u wareegeyso CDWA wax saameyn ah kuma yeelan doonto saacadahaaga mustaqbalka ama wax ku darsashada hawgabnimadaada. Waxaad heli doontaa isla dheefaha hawlgabka muhiimka ah ka dib markaad u wareegto CDWA.

Haddii aadan haysanin akoonka onlaynka ee My Plan sameyso mid maanta! Waxaad ka arki kartaa haraagaaga waxaadna ka cusbooneysiin kartaa macluumaadka xiriirkaaga iyo ka-faa'iideystayaashaada. 

Waxbadan ka baro dheefahaaga hawlgabka.

Shaqa Ku Beegida 

Waxaad ka heli doontaa dheefaha shaqa ku beegida Carina ka dib markaad u wareegto CDWA. Carina waa websaydh ku beega daryeel bixiyeyaasha macaamiisha oo aad isticmaali karto haddii aad u baahan saacado shaqo oo dheeraad ah. Carina waxay sidoo kale kaa caawin kartaa inaad daryeel kab ah ka hesho deegaankaaga. 

Waxbadan ka baro Carina. 

 

Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo ee Ku Saabsan CDWA

Arag jawaabaha su'aalaha inta badan la isweydiiyo ee ku saabsan CDWA.

 

Su'aalo miyaad qabtaa?

Wixii su'aalo ah ee ku saabsan u wareegida CDWA ama haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta warqadaha, wac 866–214–9899, iimayl u dir InfoCDWA@ConsumerDirectCare.com ama booqo www.ConsumerDirectWA.com.

Wixii su'aalo ah ee ku saabsan Diiwaangelinta Baddelida Loo-shaqeeyaha, ka wac Adeegga Macaamiisha ee SEIU 775 Benefits Group lambarka 1–877–606–6705.

Wixii su'aalo ah ee ku saabsan dheefahaaga inta lagu jiro kala wareega, ka wac Xarunta Macluumaadka Xubnaha (MRC) lambarka 1-877-371-3200.