Tabbabarka Aasaasiga ah 30

[vc_row][vc_column][vc_column_text]Tababarka Aasaasiga ah 30 waa tabbabar looga baahan yahay inay sameeyaan Adeeg Bixiyaha Waalidka ah ee Aanaan- DDA ahayn, Adeeg Bixiyaha Adeegga Xaddidan iyo Kuwa Ilmaha Qaangaarka ah.

Waxaad ku bogi kartaa dhammaan 30-ka saacadood ee tabbabarkaaga onleen ahaan. Halkan hoose ka baro sida la iskuugu diiwaangeliyo iyo sida loo dhamaystiro tababarkaaga.

Daryeel bixiyeyaasha la shaqaalaysiiyay inta u dhaxaysay 8/17/2019 iyo 9/30/2020 ee u baahan inay dhamaystiraan Tababarka Aasaasiga ah 30 waxaa la filayaa inay heleen iimayl wata macluumaad ku saabsan tirada saacadaha ay u baahan yihiin inay qaataan iyo taariikhdooda kama danbayska ah. Haddii aadan helin iimaylkan oo aad u baahan tahay inaad bogto tabbabarkaaga, fadlan ka wac Xarunta Macluumaadka Xubnaha (MRC) lambarka 1-866-371-3200 ama iimayl ugu dir mrc@myseiubenefits.org. Waxaa la heli karaa laga bilaabo 8 a.m. ilaa iyo 4:30 p.m., Isniin ilaa iyo Jimce.

Wakhtiga Kama Danbayska ah ee Tabbabarkaaga

Gobalka Washington ayaa kordhiyay wakhtiga kama danbayska ah ee shuruudaha tabbabarka daryeel bixiyaha iyada oo ay ugu wacan tahay saamaynta COVID-19. Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka (DSHS) ayaa dejisay wakhti cusub oo kama danbays ah iyada oo ku salaysan taariikhda lagu shaqaaleysiiyay.

Haddii aadan ku bogin tabbabarka lagaaga baahan yahay wakhtigaaga kama danbayska ah, ma awoodi doontid inaad u sii shaqayso daryeel bixiye mushahar qaato ahaan.

Taariikhda lagu shaqaaleysiiyay ama dib laguu shaqaaleysiiyay Waa inaad dhammaystirtaa Tababarka Aasaasiga ah
8/17/2019 ilaa iyo 9/30/2020 10/31/2022
10/1/2020 ilaa iyo 4/30/2021 1/31/2023
5/1/2021 ilaa iyo 3/31/2022 4/30/2023
4/1/2022 ilaa iyo 9/30/2022 8/31/2023
[/vc_column_text][/vc_column][/vc_row][vc_row][vc_column][vc_tta_tabs active_section=”1″ css=”.vc_custom_1473378809096{margin-top: 0px !important;margin-right: 0px !important;margin-bottom: 0px !important;margin-left: 0px !important;border-top-width: 0px !important;border-right-width: 0px !important;border-bottom-width: 0px !important;border-left-width: 0px !important;padding-top: 0px !important;padding-right: 0px !important;padding-bottom: 0px !important;padding-left: 0px !important;}”][vc_tta_section title=”Is diwaangelinta” tab_id=”Journey”][vc_column_text]

Sida Loo Isticmaalo Akoonkaaga Onleenka ah 

  1. Gal myseiu.be/online22. Uma baahnid inaad akoon furato.
  2. Marka koowaad ee aad gasho, isticmaal macluumaadkan:
    • Iimaylkaaga ahaan, isticmaal cinwaanka iimayl ee aad gudbisay marki lagu soo shaqaalaysiiyay.
    • Lambar sireed ahaan, qor Summer2022.
  3. Isla markaad gasho, waxaad baddeli doontaa lambar sireedkaaga waxaadna xaqiijin doontaa macluumaadka meesha lagaala soo xiriirayo.
  4. Riix “Start” “Bilow” si aad u bilowdo tabbabarkaaga onleenka ah.

Haddii aad caawin u baahan tahay, ka eeg hagaha Tababarka Aasaasiga ah 30 wixii faahfaahin dheeraad ah.[/vc_column_text][/vc_tta_section][vc_tta_section title=”Dhamaystirka Tababarkaaga” tab_id=”Learn-More”][vc_row_inner][vc_column_inner][vc_column_text]Tababarka Aasaasiga 30 waa koorso 30 saacadood oo onleen kaliya ah, oo uu qofku iswado. Waxaa ka mid ah:

  • Horudhaca onleenka ah ee koorsada.
  • 11 qaybood cashiro ah oo leh aqoon hubin dhamaadka qayb walbo.
  • Imtixaanka ugu danbeeya.

Haddii aad bilowday tabbabarka ka hor Febraayo 22, 2022, waxaad dhaashboorkaaga ku arki doontaa koorsooyinka aad u baahan tahay inaad bogto. Guud ahaan, waa inaad samayso kuwan soo socda si aad u bogto Tababarka Aasaasiga 30:

  • 5 koorso oo ah kuwa muhiimka ah.
  • 13 saacadood oo ah koorsooyonka la doorto.
[/vc_column_text][/vc_column_inner][/vc_row_inner][/vc_tta_section][vc_tta_section title=”Taageerada Luuqadda” tab_id=”1662488838475-ab4d9479-9778″][vc_column_text]

Koorsadan waxaa haddadaan lagu bixiyaa Ingiriis oo kaliya. Haddii aad rabi lahayd in lagaa caawiyo inaad kaga qaybqaadato luuqad kale, waxaad isticmaali kartaa turjumaanka bulshada.

Turjumaanka bulshada waa saaxiib ama qaraabo ka wayn da’da 18 oo aanan ahayn macmiilkaaga.

[/vc_column_text][/vc_tta_section][vc_tta_section title=”Su’aalo miyaad qabtaa?” tab_id=”Questions”][vc_column_text]

Su’aalo miyaad qabtaa?

Haddii aad u baahan in lagaa caawiyo inaad isku diiwaangeliso oo aad dhamaystirto tabbabarkaaga, eeg hagaha Tababarka Aasaasiga ah 30.

Wixii taageero dheeraad ah, la xidhiidh Xarunta Macluumaadka Xubnaha (MRC).

  • Taleefonka: 1-866-371-3200, Isniin–Jimce, 8 a.m.–4:30 p.m.
  • Iimayl: mrc@myseiubenefits.org
  • Haddii luuqadaada koowaad aysan Ingiriis ahayn, wakiilada MRC ayaa kugula hadli karaan luqadaada.
[/vc_column_text][/vc_tta_section][/vc_tta_tabs][/vc_column][/vc_row]