Noqoshada Kaaliyaha Daryeelka Guriga ee Shahaada haysta (HCA)

Talaabooyinka lagu noqdo qof shahaado haysto

Hambalyo bilaabidaada shaqada daryeel bixiye ahaan!

Kahor intaadan bilaabin tababarkaaga ama aad uga shaqaynayso daryeel bixiye lacag leh, waxaad u baahan doontaa inaad dhamaystirto Tabbabarka & Badqabka (O&S).

Wax badan ka baro sida loo dhamaystiro O&S. 

 

 

Soo gudbi Codsiga Shahaadada DOH - Maalmaha 1-14

Si aad u noqoto qof shahaado u haysta Kaaliyaha Daryeelka Guriga, waxaad u baahan tahay inaad buuxiso oo aad soo gudbiso Codsiga Shahaado Kaaliyaha Daryeelka Guriga (HCA) (sidoo kale loo yaqaan “Codsiga DOH”) 14 maalmood gudahooda marka lagu shaqaaleysiiyo. Codsigan waxa la soo gudbin karaa ka hor inta aanu tababarka bilaabmin.

Lagaagama baahna inaad bixiso kharashka codsiga. Iyada oo qayb ka ah dheefahaaga SEIU 775, codsiga iyo khidmadaha imtixaanka wakhtiga ugu horreeya waa la daboolay.

Haddi xirfadahaaga Ingiriisigu ay xadidan yihiin, waxa laga yaabaa in laguu ogolaado ilaa 60 maalmood oo dheeraad ah si aad u noqoto HCA shahaado haysta. Si aad u codsato shahaado ku meel gaadh ah, waa inaad saxdaa sanduuqa “Waxaan codsanayaa shahaado ku meel gaadh ah” oo ku qoran bogga 1 ee Codsiga Shahaadada HCA.

Codsigaaga waxaad ku soo gudbin kartaa onlayn, ama boosto.

ONLAYN

Ka daawo muuqaalka YouTube ee 3-daqiiqo soconaya ee Waaxda Caafimaadka (DOH). Waxay kugu hagi doontaa galitaanka, xaqiijinta aqoonsigaaga, iyo ku buuxinta codsiga onlayn. Waxyaabaha ay tahay inaad ogaato ka hor intaadan onlayn ku codsanin:
  • Hubi inaad saxdo “Mushaharka Gobolka”.
  • Su’aalaha codsiga onlaynka ah waxaa lagu hagaajin karaa DOH iimaylka hmccreview@doh.wa.gov ama taleefoonka 360-236-2700.
  • Hubi galka spam-kaaga si aad u hubiso inaadan wax iimayl ah oo ka yimid DOH aadan waayin.

BOOSTO

Tallaabada1 – Dhamaystir CODSIGA DOH (OGSOONOOW: wax lacag ah looma baahna).
Tallaabada 2 – Dhamaystir FOOMKA XAQIIJINTA SHAQAALAYNTA DARYEELKA MUDDADA-DHEER.

Ku dir:
Department of Health
Home Care Aide Credentialing
PO Box 1099
Olympia, WA 98507-1099

Iska Diiwaangeli Tabbabarka Aasaasiga Ah

Adeeg bixiyaha shaqsigaha ah

Waxaad u baahan tahay inaad dhammaystirto waxa lagaaga baahan yahay Tababarkaaga Aasaasiga ah wakhtiga kama dambaysta ah. Waxaad heli doontaa iimayl ama qoraal wata macluumaadka ku saabsan diiwaangelinta Tababarka Aasaasiga ah iyo buuxinta shuruudaha tababarkaaga.

Bixiyayaashada Hay’ada 

Ka hubi cidda aad u shaqayso habka ugu fiican ee aad iskaga diwaangelin karto.

Tababarka aasaasiga ah oo Dhameystiran - Maalmaha 30-60

Qaado tababarkaaga sida ugu dhakhsaha badan si aad u hubiso helida xiisadaha ugu wanaagsan aaggaaga iyo luqadda aad doorbidayso.

Isku diyaari Imtixaankaaga - Maalmaha 60-90

Prometric waxay iimayl kuu soo diri doontaa taariikhda imtixaankaaga ka dib markaad dhameysid Tababarka Aasaasiga ah. Haddii aadan helin iimayl, hubi galalkaaga junk iyo spam ama kala xidhiidh Prometric 1-800-324-4689.

Sida loo diyaariyo:

  • Dib u eeg Agabka Diyaarinta Imtixaanka, Prometric, oo lagu heli karo 13 luqadood.
  • Ku xidhnow hage asaagaa ah.
    • Hagaha asaagaa ah waa Kaaliyayaasha Daryeelka Guriga ee shahaado haysta kuwaas oo caawiya daryeelayaasha cusub sida adiga oo kale si aad shahaado u hesho. Booqo bogga Hagaha Aasaagaa ah si aad wax badan uga ogaato dhigaalada wax barista bilaashka ah ee ay bixiyaan.
  • Jadwal u sameeyso koorsada tababarka xirfadaha oo bilaash ah*.
    • 2 saac, koorsada qof ahaaneed ayaa kuu diyaarinaysa imtixaankaaga shahaadada ah ee Prometric aiyada oo kuu ogolaanaysa inaad ku tababarto xirfad kasta oo aad doorato gudaha fasalka adoo kaashanaya macalin. Hagaha asaagaa ah ayaa kaa caawin kara jadwalka tabbabarka koorsada. Wac 855–803–2095 ama iimayl udir peer.mentorship@myseiubenefits.org.
*Tabbabarka Koorsooyinka looma baahna, lacagna laguma siinayo si aad u xaadirto.

Imtixaan qaado - Maalmaha 90-120

Maalinta imtixaankaaga:

  • Imow ugu yaraan 30 daqiiqo kahor imtixaankaaga la qorsheeyay. Kuwa soo daahaa looma ogolaan doono inay galaan imtixaanka waxayna u baahan doonaan inay bixiyaan kharashka imtixaanka taariikhda dib loo dhigay.
  • Keen warqaddaada “Ogolaanshaha Imtixaanka” (ATT) iyo 2 nooc oo aqoonsi oo sax ah.

Joogteynta Shahaadadaada

Natiijooyinkaaga waxaa lagu wargeliyay DOH, waxayna kuu soo diri doonaan warqad xaqiijinaya inaad si rasmi ah shahaado u heshay.

Ka dib markaad noqoto HCA shahaado haysta, waxaad u baahan doontaa inaad dhammaystirto 12 saacadood oo Waxbarashada Dadka waaweyn ah (CE) sannad kasta wakhtiga kama dambaysta ah ee tababarkaaga, oo badanaa ah maalintaada dhalashada. Aad Xarunta Waxbarashada Daryeel bixiyaha si aad u xaqiijiso taariikhda.


FAQ (Su'aalaha Badanaa La Isweydiiyo)

Waa inaad u soo gudbisaa arjiga Shahaada Kaaliyaha Daryeelka Guriga Waaxda Caafimaadka (DOH) 14 maalmood gudahooda marka lagu shaqaaleysiiyo.

Haddii aadan ku helin ogeysiinta taariikhda imtixaanka laba toddobaad gudahood laga bilaabo taariikhda dhammaystirka tababarka, waxaad u baahan tahay inaad kala xiriirto Prometric 1-800-324-4689.

 

Maya. Kahor Meey 1, 2016, waxaad u baahneed inaad buuxiso codsiga una dirto DOH si aad u hesho shahaado iyo waliba Prometric ee imtixaanka. Si kastaba ha ahaatee, laga bilaabo Meey 1, 2016, codsiyadaas waa la isku daray.

Codsiyada la dhammaystiray hadda waxaa loo gudbiyay DOH. Prometric ayaa sii wadi doonta siinta imtixaanka. Marka codsaduhu buuxiyo dhammaan shuruudaha si uu u qaato imtixaanka, DOH waxa ay ogaysiinaysaa Prometric in ay ballan imtixaan kuu samayso.

Ogow in Prometric aanu kuu samayn doonin ballantaada imtixaanka shahaadada adigoo lahayn ciwaanka iimaylka. Codsadayaashu waa inay si joogto ah u eegaan iimaylkooda, oo ay ku jiraan galka junk iyo spam, xidhiidhka DOH iyo/ama Prometric. Codsadayaasha aan lahayn ciwaanka iimaylka waa in ay qoraan ciwaanka iimaylka qof si joogta ah u eegi doona iimaylkooda una gudbin doona macluumaadka.

Haddii aad wax su’aalo ah qabtid, kala xiriir Waaxda Caafimaadka (360) 236-2700.