Xeerka Anshaxa ee Tacliinta

Xeerarka iyo sharciyada fasalka

Fasalka laga filayo

Wakhtiga fasalkaagu waa mid qiimo leh. Siyaasadaha soo socdaa waxay xaqiijinayaan jawi waxbarasho oo togan kaas oo lagugu taageerayo oo aad fursad u leedahay inaad guulaysato.

SEIU 775 Benefits Group wuxuu ujeedkeedu yahay inay sare u qaado noolasha shaqaalaha daryeelka ee muddada dheer iyo macaamiishooda iyada oo siinaysa tabbabar iyo xirfad kobcin tayo sare leh. Waxaan ka fileynaa ardayda, macallimiinta iyo shaqaalaha anshax tacliin iyo daacadnimo heerar sare leh. 

 

Waa kuwan waxa aan ka rajeyneyno ardayda:

  • Daacadnimo. 
  • Aaminaad. 
  • Ixtiraam. 
  • Cadaalad. 
  • Mas’uuliyad.
  • Hab dhaqanka xirfadle.  

SEIU 775 Benefits Group waxaa ka go’an inay ka shaqeyso kala duwanaanshaha, sinnaanta, ka qaygelinta iyo cadaalada dadka ay u wada dhan yihiin. Waxaan taageero kula garab taagannahay bulshooyinkeena Madowga iyo koonfurta Aasiya dagaalka lagula jiro cunsuriyada nidaamsan, rabshadaha sii nooleenaya iyo madaxda raaliga ka ah. Nolosha dadka madow waa muhiim. Waxaad xaq u leedahay deegaan amni leh. Uma dulqaadan doono dhaqan kasta oo waxyeeleynaya xuquuqdan. SEIU 775 Benefits Group waxay garab taagan tahay wallaaladeena kamidka ah dadka aan caddaanka ahayn. Uma dulqaadan doono dhaqan kasta oo muujinaya cunsuriyad ama dulmi jinsiyeed, oo ay kujiraan takoorida iyo hadalada naceybka ah. Qof kasta oo ku xadgudba midan waxaa laga saari doonaa fasalka. Waa hawl inoo wada taala inaan la dagaalano cunsuriyada. Hadii aad aragto dhaqan muujinaya cunsurinimo, fadlan ka hadal oo wargeli macallinkaada isla markaaba.

Is Diyaari 

Fadlan:

  • Isticmaal My Benefits (Dheefaheyga) si aad iskuugu diiwaangeliso tabbabarka kahor maalinta koowaad ee fasalka. Marki aad horay isku diiwangeliso, waxaad heleysaa fursado fasal oo badan. La xiriir Xarunta Macluumaadka Xubnaha (MRC) ama loo shaqeeyaha hay’adaada hadii aad rabto in lagaa caawiyo jadwal sameynta.
  • Ogoow meesha fasaladaada ay ku yaalaan. 
  • Qorshe u sameyso sidi aad ku tagi lahayd oo aad kaga iman lahayd fasalka.
  • La imoow aqoonsi sawir leh si aad u xaadirto fasalka. Kani wuxuu noqon kaar aqoonsi gobalka leeyahay, laysanka darawalnimada ama baasaboor.
  • La imoow buuga wax lagu qorto, qalimaan iyo sahay. Waxaad heli doontaa agabyada waxbarashada maalinta koowaad ee fasalka.
  • Isku diyaari inaad isticmaasho qalab elektaronig ah, sida kumbuyuutar, taableet, ama taleefanka gacanta. Hadii aadan heysanin qalab elektaronig ah, waxaad mid ka soo amaahan kartaa SEIU 775 Benefits Group.
  • La xiriir MRC hadii aad u baahan tahay taageero luuqad, baahi daboolida loogu talagalay dadka naafada ah ama adeegyada kale ee taageerada ah.

 

Filashooyinka:

Ka qaybgalka

Fadlan:

  • Xaadir muddada cashirka oo dhan si aad u hesho dhibco.
  • Si xurma leh ula dhaqan macallimiinta, shaqaalaha taageerada iyo ardayda kale xilli walbo.
  • Ixtiraam dhismooyinka fasalada oo hagaaji waxa aad halleyso. Masax waxyaabaha aad halleysay oo tuur qashinkaada.
  • Si feejignaan leh u dhageyso oo iska ilaali mashquulka aan habbooneyn.
  • Dhameystir dhamaan shaqooyinka shaqsiyadeed iyo kuwa kooxeed. Hawlaha ku lug leh 2 qof iyo ka badan waxaa loo sameyn doonaa kooxo ahaan.
  • Dhameystir dhamaan qiimeynta onleenka ah iyo barashada xirfadaha.
  • Sug kolkaada oo dhageeyso marka ay dadka kale hadlayaan. 

Imaanshaha Waqtiga Saxda ah iyo Shuruudaha Kale ee Soo Xaadirida.

Fadlan:

  • Saxiix markaad galeyso iyo markaad ka soo baxeyso fasal walba si aad dhibco u hesho. Waxaad u baahan kartaa inaad saxiixdo markaad galeyso iyo markaad ka soo baxeyso fasal wax ka badan hal jeer maalinti.
  • Waqtiga saxda ah ku imoow oo kaga soo noqo bareega iyo xiliga qadada. Hadii aad ka soo daahdo fasalka wax ka badan 10 daqiiqo, laguuma oggolaan doono fasalka inaad gasho, dhibcana kama heli doontid fasalka.
  • Wargeli MRC ama hay’ada ku shaqaaleysiisay sida ugu dhaqsaha badan hadii aadan awoodin inaad xaadirto fasalka. MRC ama hay’ada ku shaqaaleysiisay ayaa kaa caawin kara inay dib kuugu qorsheeyaan fasalo kasta oo aad gaftay.
  • Hala imaanin booqdayaal, macaamiil, carruur ama xayawaannada rabaayada fasalka dhexdiisa (marka laga reebo xayawaanada adeega ee ka diiwaangashan Diiwaanka Xayawaanada ee Mareykanka — Foomka Codsiga ADA ayaa loo baahan yahay in horay loo sii qaato). Kaliya ardayda diiwaangashan, turjubaanada diiwaangashan, turjubaanada bulshada ee la ansixiyay iyo shaqaalaha ayaa loo oggolyahy fasalka guduihiisa.

Taleefonada Gacanta ee Shaqsiyadeed

Fadlan:

  • Codka ka xir taleefankaada gacanta marka lagu jiro fasalka. 
  • Ha sameynin wicitaan taleefon ama fariin qoraal marka lagu jiro fasalka.
  • U isticaal waqtiyada nasashada iyo qadada ee jadwalka ku jira inaad ku sameyso wicitaan ama arrimaha kale ee shaqsiyeed.

Anshaxa Labiska

Fadlan xiro: 

  • Dhar ku habboon oo raaxo u leh xirfadaha aad ku samayn doontid fasalka.
  • Kabo fidsan, aan lala sanbiraraxooneynin, afka ka xiran oo sigisaan wataan (ayaa lagu taliyaa).

Amniga Guud

Waxyaabahan waa mamnuuc: 

  • Rabashad.
  • Dhibaateyn. 
  • Takoor ku saleeysan: 
    • Isir. 
    • Da’ 
    • Midab. 
    • Qowmiyad. 
    • Jinsi. 
    • Dookha galmo ee qofka 
    • Muujin aqoonsi. 
    • Muujin jinsi. 
    • Diin. 
    • Asal qaran. 
    • Xaaladda Degenaansho. 
    • Naafonamida iyo awoodaha. 
    • Ku xirnaanshaha siyaasadeed. 
    • Xaalada halyeey. 
    • Taariikhda dhaqaalaha bulshada.

Fadlan hala imaanin waxyaabahan fasalka dhexdiisa:

  • Hub. 
  • Khamri. 
  • Daawooyin maandoooriye.

Fadlan isticmaal meelaha loo diyaariyay in lagu cabo sigaarka, oo ay ku jiraan sigaarka uumiga iyo ruugida tubaakada. In waxyaabahan lagu isticmaalo dhismaha ama meel 25 fuud u jirta iridaheeda lama oggola. 

Dhaqan kasta oo waxyeeleynaya badqabka iyo amniga looma dulqaadan doono. SEIU 775 Benefits Group waxay xaq u leedahay inay meesha ka saarto ka qaybgalayaasha carqalada abuura. Falan ogeysii macallinkaada hadii aad amni darro ku qabto fasalka dhexdiisa.

 

Codka ka xir taleefankaada gacanta marka lagu jiro fasalka. Fadlan:

  • Ha imaanin fasalka hadii aad jirran tahay ama laga yaabo inaad jirran tahay. Hadii aad leedahay mid kamid ah calaamadaha guud ee COVID-19, fadlan wargeli loo shaqeeyahaada iyo MRC si dib loogu qorsheeyo fasalkaada. 
  • U sheeg macallinkaada hadii macmiilkaada misa qof kasta oo kale oo aad ka ag dhawaatay uu la xannuunsan yahay COVID-19 ama jirro ama caabuq kale oo la is qaadsiiyo.
  • U sheeg macallinkaada haddii aad qabtid wax calaamado ah. Waxaa laguu diri doonaa guriga waxaana laguu sheegi doonaa inaad dib oola qorsheysato MRC. 
  • Ka fogoow ugu yaraan 6 fuud qof kasta oo ku jira fasalka xilli walbo.
  • Xiro daboolada wejiga, sida gafuur-xiryada, xilli walbo fasalka dhexdiisa. Waxaad u baahan kartaa inaad u xirato qalabyada kale ee difaaaca shaqsiga, sida galoofiska, ookiyaalaha difaaca ama gaashaanada wejiga hawlaha qaar.
  • Ka qaybqaado baaritaanada caafimaadka ee loo baahan yahay, oo ay ku jiraan cabbirada heerkulka.
  • Raac shuruudaha kale amniga ee SEIU 775 Benefits Group iyo sharciyada ama xeerarka gobalka ama deegaanka.

Marka ay Tahay In La Joogo Guriga oo Laga Joogo Iskuulka. 

Fadlan ha imaanin fasalka hadii aad jirran tahay ama aad leedahay calaamadaha hargabka oo kale. Ha imaanin fasalka hadii aad ka ag dhawaatay qof qaba calaamadaha hargabka oo kale ama lagu sheegay cudur faafa oo daran.

Is Diyaari 

Fadlan:

  • Horay u sii qorsheyso.
  • Hagaajiso goob waxbarasho oo aan laguugu mashquulineynin. 
  • U sheeg dadka kale ee jooga gurigiina inaad u baahan tahay waqti jawi degan inta aad ku jirto fasalka.
  • Hubso in qalabkaaga iyo intarnetkaada ay ku shaqeenayaan fasalka. 
  • Hakuu diyaarsanaado aqoonsi sawir leh oo ay dawlada bixisay markaad fasalka xaadirto. Aqoonsiga wuxuu noqon karaa aqoonsi gobalka leeyahay, laysanka darawalnimada ama baasaboor.
  • Ha hagaajinin makarafoonka markaad gasho fasalka. Si ootamatig ah ayuu u xirnaan doonaa. Waad furan kartaa makarafoonka marka aad weydiineyso ama ka jawaabeyso su’aal, balse xasuuso inaad iska xirto marka aadan la hadleynin fasalka.
  • Furo kamaradaada si fududeeyaha uu wejigaada si caadi ah ugu arko, oo ha furnaato kamaradaadaa inta uu fasalka socdo oo dhan. Si aad u ilaaliso qarsoodiga dadka kale, hubso inaad tahay qofka kaliya ee daawanaya kamarada (qoys, saaxiibo, macaamiil ama carruur ka yar da’da 17 sanno waa inaysan daawanin kamarada.
  • La xiriir MRC hadii aad u baahan tahay taageero luuqad, baahi daboolida loogu talagalay dadka naafada ah ama taaro kale.
  • Cidna hala wadaagin nmacluumadka lagu galo akoonka shaqsiyeed.

Filashooyinka Tabbabarka Onleenka ah:

Ka qaybgalka

Fadlan:

  • Xaadir muddada cashirka oo dhan si aad u hesho dhibco. 
  • Furo kamaradaada, ka qaybqaado doodaha wada sheekeysiga ama kooxaha, oo ka jawaab su’aalaha marki loo baahdo. Waxaad ku waayi kartaa dhibco hadii aadan raacin filashooyinka ka qaybgalka.
  • Ugu sheeg macallinka/fududeeyaha wadashekeysi gaar ah hadii aad u baahan tahay inaad damiso kamaradaada. Fadlan sii wad inaad fasalka si firfircooni leh kaga qaybqaadato adiga oo isticmaalaya qaybta wadashekeysiga.   
  • U jawaab marka fududeeyaha uu codsado macluumaadka soogalida iyo sii bixida.
  • Ka warqab agagaarkaada oo feejignoow. Ardayda sida muuqata hurda, gaari wada ama dibadda socda waa la eryi doona waxaana loo sheegi doona inay la xiriiraan MRC si dib loogu qorsheeyo.
  • Doodaha ku ekee mawduuca. Hadii aad ka hadasho mawduuc aan la xiriirin cashirka oo aad sii wado kadib iyada oo laguu sheegay inaad joojiso, waxaad u baahan doontaa inaad iskaga baxdo fasalka oo aad la xiriirto MRC si dib laguugu qorsheeyo.
  • Si xurma leh ula dhaqan macallimiinta, shaqaalaha taageerada iyo ardayda kale xilli walbo.
  • Sug kolkaada oo dhageeyso marka ay dadka kale hadlayaan.
  • Filo inaad ku bixiso koorsooyinka onleenka ah waqti lamid ah inti aad ku bixin jirtay koorsooyinka qof ahaan loogu xaadiro. Koorsooyinka onleenka ah waxay u baahan yihiin ka qaybgal lamid ah sida koorsooyinka aad qof ahaan u xaadirto. 

Imaanshaha Waqtiga Saxda ah iyo Shuruudaha Kale ee Soo Xaadirida.

Fadlan:

  • Waqtiga saxda ah gal oo waqtiga saxda ah kasoo noqo bareega iyo xiliga qadada. Hadii aad ka soo daahdo fasalka wax ka badan 10 daqiiqo, laguuma oggolaan doono fasalka onleenka ah inaad gasho, dhibcana kama heli doontid fasalka.
  • Is xaadiri fasalka kahor iyo kadib si dhibco aad u hesho. Fududeeyaha wuxuu qaadi doonaa liiska soo xaadirayaasha kahor inta uusan fasalka bilaaban iyo dhamaadka fasalka. 
  • Wargeli MRC ama hay’ada ku shaqaaleysiisay sida ugu dhaqsaha badan hadii aadan awoodin inaad xaadirto fasalka. MRC ama hay’ada ku shaqaaleysiisay ayaa kaa caawin kara inay dib kuugu qorsheeyaan fasalo kasta oo laga yaabo inaad seegtay.

Taleefonada Gacanta ee Shaqsiyadeed

Fadlan:

  • Codka ka xir taleefankaada gacanta marka lagu jiro fasalka. 
  • Ha sameynin wicitaan taleefon ama fariin qoraal marka lagu jiro fasalka.
  • U isticaal waqtiyada nasashada iyo qadada ee jadwalka ku jira inaad ku sameysato wicitaanada shaqsiyadeed ama arrimaha kale ee shaqsiyeed.

Is Diyaarinta 

Fadlan:

  • Hagaajiso goob waxbarasho oo aan laguugu mashquulineynin. 
  • U sheeg dadka kale ee jooga gurigiina inaad u baahan tahay waqti jawi degan inta aad aad dhameystireyso koorsada..
  • Hubso in qalabkaaga iyo intarnetkaada ay ku shaqeyni doonaan koorsada. 
  • Qorsheyso inaad isticmaasho waqtiga lagu taliyay in lagu dhameystiro koorsada. 
  • La xiriir MRC hadii aad u baahan tahay taageero luuqad, baahi daboolida loogu talagalay dadka naafada ah ama adeegyada taageerada ardayga ee kale.

Filashooyinka Tabbabarka Onleenka ah ee Qofka uu Iswado

Ka qaybgalka

  • Waxaad sameyni kartaa koorsooyinka onleenka ah ee qofka uu iswado xilli walba, iyo meel walba. Koorsooyinka onleenka ah waqti looma cayimin, waxaadna qaadan kartaa waqti inta ugu badan ee aad u baahan tahay si aad u dhameystirto koorsada. Waqtigaaga qaado oo hais dedejinin. 
  • Inaad iska ilaaliso inaad hawlo badan halmar isla qabato waxay kaa caawin doontaa inaad diirada saarto koorsada.
  • Ku dhameystir koorsada hal fadhi. hadii ay suuragal tahay. Hadii ay qasab tahay inaad joojiso koorsada oo hadhoow dib ugu laabato, iskuday inaad doorato inaad ku joojiso meel joogsi leh (sida dhamaadka qaybta).
  • Koorsooyinka onleenka ah waxay u baahan karaan sameynta imtixaan waqti leh oo lagu daawanayo. “Proctored” waxay ka dhigan tahay in imtixaanka uu ka shaqeenayo oo uu daawanayo qof qiimeyn doona natiijadaada, xaqiijin doona aqoonsigaaga oo ka bixin doona jawaab-celin isla markaas waxbarashadaada. 

Waa maxay Anshax xumada tacliinta?
Anshax xumada tacliinta waa ficil kasta ama ficil laisku dayay oo ku siin kara adiga ama qof kale faa’iido xaqdarro ah ama ku sababi kara qof kale khasaaro xaqdarro ah. Anshax xumada tacliinta ayaa si adag u mamnuucan. 

Anshax xumada tacliinta ayaa si adag u mamnuucan:

Khiyaano

  • In loo adeegsado khiyaano ama aamindarro hawlaha tacliinta ee laisku diro. 
  • Isticmaalka (ama iskudayga in la isticmaalo) alaabada la mamnuucay. 
  • Ka caawinta dadka kale inay isticmaalaan alaabada la mamnuucay. 
  • Bixinta macluumaad been ah ama marin habaabis ah. 

Tusaalooyin: 

  • Inaad u oggolaato qof kale inuu kuu qabto hawl ama uu imtixaan kuu galo. 
  • Inaad guuriso ama iskudaydo inaad guuriso shaqada qof kale. 
  • In la wadaago su’aalaha ama jawaabaha imtixaanka. 
  • Inaad soo galiso onleenka imtixaan waqti leh oo la daawanayo.

 

Qishka iyo Xatooyada Curinta Maskaxda

Isticmaalka wax qof kale uu curiyay iyada oo aan la xuseeynin qofka iskaleh.

Tusaalooyin: 

  • Inaad guuriso shaqa qof kale uu leeyahay aadna u isticmaasho inaad adiga leedahay camal. 
  • Inaad ku isticmaasho shaqo qof kale uu leeyahay shaqadaada guriga ama imtixaanada. 
  • Xadida shaqada ama qoraalada qof kale. 
  • Helidda nuqulka imtixaan ama shaqo laisku dirayo kahor inta uusan bixinin macallinka.

 

Wax Ka Baddelida Dukumiintiyada Tabbabarka

Wax ka baddelida alaabada tabbabarka, shaqooyinka laisku diro iyo imtixaanada.

Tusaalooyin: 

  • Inaad magacaada ku qorto imtixaan ama shaqo uu qof kale leeyahay. 
  • Inaad xoog ku dalbato saxiixa macallin.

 

Xatooyo ama Burburin Hanti

Xatooyada ama burburinta ulakaca ah ee hantida SEIU 775 Benefits Group ama ardeyda kale.

Tusaalooyin: 

  • Ka saarida sahayda fasalka. 
  • Xatooyada ama burburinta hantida arday kale. 
  • Xatooyada ama burburinta kumbuyuutarada, taableet-yada, taleefanada ama qalabyada adag ee kale.

In lagu guuldareyso in la soo celiyo qalabyada laga amaahday SEIU 775 Benefits Group waa xatooyo waxayna horseedi kartaa in dhibco lagu lumiyo ama edbin kale.

 

Xadgudubyada Teknolojiyada

Si xun u adeegsiga qalabyada isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Tusaalooyin: 

  • Dirida fariima aan khuseynin loo diro dad badan. 
  • Jabsashada leysanada barnaamijyada iskuulka ee la wadaago, ama xadgudubyada kale ee heshiiska adeegsadaha ee SEIU 775 Benefits Group ee qalabyada tiknoolajiyada la amaahday.

 

Dembi la wadaagida dadka kale

Inaad dadka kale kula lug yeelato anshax xumada tacliinta.

Tusaalooyin: 

  • Inaad u fasaxdo arday kale inuu khayaano u adeegsado shaqadaada. 
  • Inaad soo wargelinin anshax xumada tacliinta ee arday kale adiga oo ka warqabo.

Rabshadaha Fasalka

Carqaladeynta koorsooyinka iyo mashquulinta ardayda kale.

Tusaalooyin: 

  • Inaad 10 daqiiqo wax ka badan ka soo daahdo fasalka. 
  • Inaad baxdo fasalka oo socdo ama kahor inta aan fasalka lakala dirin. 
  • Inaad wadashekeysi shaqsiyadeed ama gaar ah sameyso inta fasalka lagu jiro. 
  • Inaadan raacin tilmaamaha macallinka.

Rabshadaha, Dhibaateynta iyo Takoorka

Rabshado, dhibaateyn iyo takoor toos ah ama dadban oo ku saleysan: 

  • Isir. 
  • Da’ 
  • Midab. 
  • Qowmiyad. 
  • Jinsi. 
  • Dookha galmo ee qofka 
  • Muujin aqoonsi. 
  • Muujin jinsi. 
  • Diin. 
  • Asal qaran. 
  • Xaaladda Degenaansho. 
  • Naafonamida iyo awoodaha. 
  • Ku xirnaanshaha siyaasadeed. 
  • Xaalada halyeey.
  • Taariikhda dhaqaalaha bulshada.

Tusaalooyin: 

  • Cabsi gelin ama u xoogsheegasho gacan qaad leh ama aan lahayn. 
  • Adeegsiga luuqad, ereyo ama naanayso cunsuriyad leh. 
  • Wadaagida sawirro ama muuqaalo aan habboneyn.
  • In faalooyin xun laga sameeyo aaminaada diineed ama dookha galmo ee shaqsi. 

 

Xadgudubyada iyo Xadgudubyada Laga Shakisan Yahay.

Haddii aad haysato sabab macquul ah oo lagu aamini karo in arday uu ku xadgudbay siyaasaddan, waxaad soo wargelin kartaa midan macallinka. 

Waa lagu soo ogaysiin doonaa hadii la arko inaad ku xadgudubtay siyaasadan. Iyada oo ku saleysan asalka xadgudubka, waxaa laguugu casuumi karaa kulan ka baxsan xilliga fasalka si lagaala hadlo dacwadaha lagaa keenay kahor inta aan go’aan la gaarin. 

Si aad u wargeliso xadgudub ama ama xadgudub laga shakisan yahay: 

  • Ogeeysii macallinkaada. 
  • Ka buuxi warbixinta dhacdada onleenka.
  • La xiriir MRC.

Racfaannada

Waad dirsan kartaa rafcaan haddii si khaldan lagugu eedeeyay inaad ku xadgudubtay Xeerkan Anshaxa ee Tacliinta. La xiriir MRC si aad u gudbiso racfaan. 

Ganaaxyada Edbinta ah 

Hadii lagu arko inaad ku xadgudubtay Xeerkan Anshaxa ee Tacliinta waxaa laga yaabaa:

  • In lagaa saaro fasalka dhibco la’aan.
  • In lagu faro: 
    • Inaad dib u soo gudbiso hawsha.
    • Inaad dib u sameyso imtixaan, qiimeyn ama koorso.

SEIU 775 Benefits Group ayaa laga yaabaa inay wargeliso loo shaqeeyahaada xadgudubka. Hadii anshax xumada tacliinta ay tahay mid ula kac ah oo daran labaduba, waxaa laga yaabaa inaad ku lumiso dhibcaha koorsada ay ka dhacday.

Heerarka Tababarka

Heerarka tababarku way ku kala duwan yihiin shaqaalaha kala duwan. Waxaan haynaa hage kaa caawinaya inaad go’aansato koorsooyinka kugu habboon.

Wax Badan Ka Ogow