Koorsooyinka CE Qof Ahaanta Loo Xaadiro iyo Kuwa Aqoon Kororsiga Onleenka ah

Waxaad hadda isku diiwaangelin kartaa koorssoyinka aqoon kororsiga onleenka ah iyo kuwa qof ahaanta loo xaadiro ee Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE)

Koorsooyinka CE ee la heli karo:

Fadlan isku diiwaangeli koorsooyinka aadan horay u qaadanin maadaaama aadan dhibco ku heli karin koorso CE oo aad horay u soo bogtay.

Koorsooyinka CE ayaa lagu heli karaa luqado badan. Xarunta Kheyraadka Xubinta (MRC) ayaa hubin karta luqadda la heli karo.

Macluumaadka muhiim ah oo ku saabsan Taariikhaha Kama Danbaysta ah ee CE

Wakhtiyada Kama Danbayska ah ee CE ayaa hadda la kordhiyay ilaa iyo 120 maalmood ka dib dhamaadka Xaalada Gargaarka Dhacdada Masiibada ah ee COVID-19, taas oo hadda lagu wado inay dhamaato Abriil 16, 2022. Tani waxay ka dhigan tahay wakhtiga kama danbayska ah ee CE ee ugu dhaw waa Agosto 14, 2022.

Inta aad ka shaqaynayso inaad bogto CE-yadaada, waxaad sii wadi kartaa inaad u sii shaqayso daryeel bixiye ahaan oo aad mushahar qaadato.

Sida La isku diiwaangeliyo

Adeeg Bixiyeyaasha Shaqsiyadeed (IP-yada) ayaa isku diwaangelin kara inay ka wacaan Xarunta Macluumaadka Xubnaha lambarka 1 (866) 371-3200 laga bilaabo 8 a.m. ilaa iyo 4:30 p.m. Pacific time, Isniin-Jimce.

Adeeg Bixiyeyaasha Hay’ada (AP-yada) ayaa isku diiwangelin kara inay la xiriiraan loo-shaqeeyahooda.

 

Koorsooyinka CE

Wax-cunidda loo Fikiro

  • Dhibcaha CE:
    • 2 saacadood.
  • Qaabka koorsada:
    • Aqoon kororsiga onleenka ah iyo xaadirida qof ahaanta ah.
  • Faahfaahinta koorsada:
    • Wax ka baro fikradda wax-cunidda loo fikiro iyo sida maan ku fikirka u saameeyo wax cunida. Waxaad ku tijaabin doontaa gaajada adiga goo adeegsanaya fikradaha wax-cunnida loo fikiro waxaadna adeegsan doontaa dhaqamada ugu wanaagsan ee wax-cunnida loo fikiro.

Daryeelida Macaamiisha leh Cudurka Niyad Jabka Maskaxda

  • Dhibcaha CE:
    • 2 saacadood.
  • Qaabka koorsada:
    • Aqoon kororsiga onleenka ah iyo xaadirida qof ahaanta ah.
  • Faahfaahinta koorsada:
    • Baro sida loo soo wargeliyo calaamadaha iyo astaamaha cudurka niyad jabka maskaxda, sida loo soo wargeliyo isbeddelada aasaaska ah, iyo sida loo adeegsado tillaabooyinka habboon ee lagu taageerayo macmiilka qaba cudurka niyad jabka Maskaxda. Waxaad wax ka baran doontaa sida loo isticmaalo tillaabooyinka habboon ee lagu caawiyo in loogu gargaaro ka hortagga isdilka waxaana laguu siin doonaa agabyo kaa caawin kara cudurka niyad jabka maskaxda.

Dhaqamada ugu Wanaagsan ee Bixiyaha Daryeelka: Isculeysiin Xad-dhaafa ah

  • Dhibcaha CE:
    • 2 saacadood.
  • Qaabka koorsada:
    • Xaadirida qof ahaanta ah kaliya.
  • Faahfaahinta koorsada:
    • Wax ka baro sida loo qeexo isculeysiiinta xad-dhaafka ah, sida loo soo koobo muhiimadda ka hortagga isculeysiiinta xad-dhaafka ah, iyo sida loo aqoonsado calaamadaha isculeysiiinta xad-dhaafka ah. Waxaad qaabeen doontaa dhaqamada ugu wanaagsan ee looga hortago dhaawacyada isculeysiinta xad-dhaafka ah, sida loo maareeyo howlaha ay ka midka yihiin aaladaha caawimaadda iyo sida loo dhaqaajiyo oo booska loogu badelo macmiil ama shey si amaan ah.

Farsamooyinka Xasilinta Hadalka ah

  • Dhibcaha CE:
    • 6 saacadood.
  • Qaabka koorsada:
    • Xaadirida qof ahaanta ah kaliya.
  • Faahfaahinta koorsada:
    • Wax ka baro dabeecada carrada leh iyo sida hadal ahaan loogu xasiliyo xaaladaha ku lug leh macmiilka careesan. Mowduucyada koorsada waxaa kamid ah shuruucda xasilinta hadalka ah iyo sida loogu adeegsado xaalada macmiilka careesan; sida loogu adeegsado hannanka LOWLIINE xaalada kacsan ee macmiilka; sida loo aqoonsado oo si habboon looga jawaabo saddex nooc oo ah dabeecadaha carrada leh; iyo dhaqamada is-milicsiga shaqsiyadeed xaalad adag kadib.

Tabbabarka Kooxda Taageerada Caafimaadka

  • Dhibcaha CE:
    • 3 saacadood.
  • Qaabka koorsada:
    • Aqoon kororsiga onleenka ah kaliya
  • Faahfaahinta koorsada:
    • Wax ka baro sida looga caawiyo naftaada iyo macmiilkaaga ka soo kabsashada walbahaarka. Waxay kaa caawin doontaa inaad yeelato adkeysi adiga oo siinaya macluumaad nafsaani iyo mid waxbarasho oo ah qaabka tababarka caafimaadka dabeecadda ee dadka musiibada la kulmay.

Students with Disabilities

Students with disabilities have the right to request and receive reasonable accommodation so they can take full advantage of the Training Partnership’s programs and activities. Learn more about our reasonable accommodation policy.

Learn More