Ku soo dhawoow Qorshaha Howlgabnimada Sugan

Waxaan Kuugu Hambalyaynaynaa Akoonkaaga Cusub ee Howlgabka!

Wax Soo Biirintaada Waa Daryeel Bixin

Waxaad haysataa saaxiib cusub oo kaa caawiyo inaad wax u kaydsato howlgabnimada — Qorshaha Howlgabnimada Sugan ee SEIU 775 (SRP)!

Waxaad ku mashquulsan tahay inaad daryeesho macaamiishaada iyo dadka kale ee noolashaada qaybta ka ah. Taasi waa sababta ay ku biirista qorshaha u tahay mid walwal la’aan ah.

Wax Biirinta Loo-Shaqeeyaha…Waxaad Helaysaa Kaydka

Ka dib 6 bilood oo aad u shaqayso daryeel bixiye ahaan, waxaad wax biirin ka heli doontaa loo-shaqeeyahaaga iyada oo ku salaysan tirada saacadaha aad shaqayso. Wax biirinta waa ootomaatig waana fa’iido dheeraad kuu ah adiga gebi ahaanba. Inta lagu guda jiro bisha 7-aad ama 8-aad ee aad daryeel bixiye ahaan u shaqaynayso, waxaa warqada soo dhawaynta laguugu soo diri doonaa boostada ay la socdaan macluumaadka sida loo furto akoonkaaga hawlgabka oo loo doorto ka-faa’iideyste.

Lacagta akoonkaaga ku jirta had iyo jeer adigaa iska leh, inta badan, waxay diyaar kuu noqon doontaa iyada oo lacag bille ah si aad hawlgab uga noqoto marka aad gaadho 65 jir.

Si aad u aragto wax biirintaada oo aad u marayso ka-faa’iideystayaashaada, si toos ah uga gal akoonkaaga Retirement: My Plan.

Ha ilaawin inaad u samaysato waxaad ku gasho akooonkaaga barta Retirement: My Plan!

Akoonkaaga hawlgabka waxaa lagu heli karaa onleen ahaan, xilli walbo. Akoonka Retirement: My Plan waxaad:

  • Ka dooran kartaa kaa-faa’iidayste ama kaa-fa’iidaystayaal.
    • Ka-faa’iidaystaha waa qofka (dadka) heli doona dheeftaada dhimashada haddii ay wax kugu dhacaan.
  • Ka arki kartaa hadhaagaaga iyo wax biirinta bil’laha ah.
  • Ka akhrin kartaa dukumiintiyada Qorshaha muhiimka ah iyo bayaanada akoonka
Sababo amni aawadood, waxaa laguu sheegi doonaa inaad codsato PIN-ka Isdiiwaangelinta, kaas oo boostada ay kuugu soo diri doonto Milliman. Milliman waa Buug Hayaha  Qorshaha Howlgabnimada Sugan. Ka dib markaad hesho oo aad geliso PIN-ka Isdiiwaangelinta ee boostada laguugu soo diray, waxaad sii wadi kartaa hannaanka diiwaangelinta akoonka ee onleenka ah.

Ku Saabsan Qorshaha Howlgabnimada Sugan

Qorshaha Howlgabnimada Sugan (SRP) waa midki ugu horeeyay noociisa oo kale oo laga hirgaliyo wadanka oo loogu talagalay shaqaalaha daryeelka guriga. Waxaa loo sameeyay in laguugu siiyo il dakhli oo kale markaad hawgab noqoto, iyada oo dheeri ku noqonaysa ilahaaga kale ee dakhliga hawlgabka sida IRA ama Sooshiyaal Sekuuritiga.

 

Bayaanada iyo Macluumaadka

Dhammaan dukumiintiyada loo baahan yahay iyo macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan akoonkaaga waxaa lagugu soo diri doona iimaylka. Tan waxa ka mid ah ogaysiisyada, shaacinta iyo bayaannada saddexdi biloodba mar ah. Waxaad heli doontaa iimayl marka dukumiintiyo cusub la soo geliyo Retirement: My Plan. Mar kasta oo dukumeenti loo baahan yahay la soo geliyo, waxa onlayn ahaan lagu heli doonaa muddo 1 sano ah ama taariikhda nooc cusub uu soo baxo, hadba kii soo dib mara. Waxaad had iyo jeer codsan kartaa nuqul warad ah adiga oo la xidhiidhaya Milliman, Buug Hayaha Qorshaha.

Su’aalo miyaad qabtaa?

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Qorshaha Howlgabnimada Sugan ee SEIU 775, kala xidhiidh Milliman lambarka 1-800-726-8303, laga bilaabo 5 a.m. ilaa iyo 5 p.m. Pacific time, Isnin ilaa iyo Jimce. Caawinta waxaad ku heli kartaa luuqadaada.

Macluumaad dheeraad ah ayaa sidoo kale laga heli karaa Soo Koobidaada Faahfaahinta Qorshaha.

Wakhtiga Ayaa Ah Saaxiibkaaga Ugu Wanaagsan ee Wax Kaydinta. Daawo Sida Ay Lacagtaada U Badato! 

Loo-shaqeeyeyaasha wax ku soo biiriyo sanduuqa hawlgabnimada: 

  • State of Washington (Individual Providers)
  • Addus HomeCare
  • Amicable HealthCare
  • Catholic Community Services
  • CDWA
  • Chesterfield Services
  • Concerned Citizens
  • First Choice In-Home Care
  • Full Life Care
  • Korean Women’s Association
  • Millennia
  • All Ways Caring