Retirement: My Plan

Tilmaamaha Gelitaanka

Iyada oo la isticmaalayo barta Retirement: My Plan, ee la cusboonaysiiyay xitaa way fududahay inaad aragto faahfaahintaada hawlgabka. Wixii caawin ah, wac 1-800-726-8303 (5 a.m. ilaa iyo 6 p.m. Pacific time, Isniin-Jimce).

Samayso Akoon My Plan

Haddii aadan waligaa akoon samaysanin ama haddii aadan galin laga soo bilaabo Juun 2020, way sahlan tahay inaad furato. Sababo amni aawadood, waxaa jira dhowr tallaabo oo lagu xaqiijinayo aqoonsigaaga si loo hagaajiyo akoonkaaga. Tallaabooyinkan waxay gacan ka gaystaan in laga hortago dadka kale inay helaan lacagta ku jirta akoonkaaga.

Furo

  • Tag Retirement: My Plan (oo uu marti-geliyo maamulaha dheefaha hawlgabka, Milliman).
  • Guji “Create an account” (“Akoon samee”) oo raac fariimaha shaashada soo koraya si aad u bilowdo hannaanka diiwaangelinta.
  • Waxaad u baahan doontaa PIN-ka (Lambarka Aqoonsiga Shaqsiga) Diiwaangelinta si aad u sii wado hannaanka gelitaanka.
    • PIN-ka waxaa laguugu soo diri doonaa cinwaanka iimayl ee kuugu fayl garaysan markaad furato Retirement: My Plan. Haddii aadan cinwaan iimayl lahayn, websaydhka ayaa kuu sheegi doona inaad codsato PIN-ka Diiwaangleinta kaas oo laguugu soo diri doono cinwaanka boostada ee kuu fayl faraysan.
    • Markaad hesho, gali PIN-ka si aad u sii wado hannaanka diiwaangelinta.
  • Hagaajiso magacaaga adeegsadaha, lambar sireedkaaga, su’aashaada ammaanka iyo macluumaadka xiriirka ee aad jeceshahay.
  • Gal! 

Waxaad boostada ku heli doontaa warqad xaqiijinaysa diiwaangelintaada guusha leh.*

*Iyada oo qayb ka ah diiwaangelintaada, nidaamka ayaa si otomaatig ah u xiri doona akoonkaaga si looga ilaaliyo lacag kala bixida aan la oggolayn. Waxaan kugula talinaynaa in akoonkaaga uu kuu sii xirnaado ilaa aad diyaar uga noqoto/xaq u yeelato inaad bilowdo qaadashada qaybinta. Si aad u furto akoonkaaga, waxaad u baahan doontaa koodhka ku qoran warqada xaqiijinta diiwaangelintaada. Ku kaydso warqadan meel ammaan ah si aad u hesho markaad u baahato inaad akoonkaaga furato. Haddii kale, waxaad la kulmi doontaa dib u dhac inta aad sugayso in koodh cusub boostada laguugu soo diro.

My Plan

Horay miyaad akoon u lahayd? Tag Retirement: My Plan.

Qorshaha Howlgabnimada Sugan ee SEIU 775 (SRP) waxaa loo sameeyay inuu kaa caawiyo inuu ku siiyo sugnaan dhaqaale oo dheeraad ah markaad hawlgab noqoto.

Markaad leedahay akoonka onleenka ah ee Retirement: My Plan , waxaad eegi kartaa macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan akoonkaaga hawlgabka:

  • Arag hadhaagaaga, oo daawo lacagtaada oo badanayso.
  • Cusbooneysii macluumaadkaaga xiriirka.
  • Magacaaw ka-faa’iidayste kaas oo heli doono lacagahaaga haddii aad dhimato.

Magacaaw ka-faa'iidayste

Ka-faa’iidaystaha waa qofka(dadka) heli doona lacagta ku jirta akoonkaaga haddii aad dhimato.

Si aad u magacaawdo ka-faa’iidayste:

  • Gal Retirement: My Plan.
  • Ka dib markaad gasho akoonkaaga, guji sawir calaamadeedka Cinwaanka ee jira dhinaca midig ee kore oo dooro Beneficiaries (Kafaa’iidaystayaal).
  • Waxaad u baahan doontaa lambarada Sooshiyaal Sekuuritiga iyo taariikhaha dhalashada ee qof walbo oo aad go’aansato inaad doorato.