Get Help Now
Dhigaalada loogu talagalay fayo-qabkaaga dareen
Caawin bilaash ah haddadan | Caawin bilaash ah wakhti walbo | Caawin bilaash ah oo lagu helayo dheefaha caafimaadka ee SEIU 775 Benefits Group
Haddii aad u baahan tahay caawinta noolasha shaqsiyeed ama dhigaalada fayo-qabka dareenka isla haddadaan, waxaa jira noocyo badan oo bilaash ah oo aad heli karto.
Xusuusnow, inaadan keligaa ahayn! Ilaa iyo kala bar dhammaan daryeel bixiyeyaasha waxay la kulmaan walaac, sidoo kale 1 ka mid ah 5-ti daryeel bixiye ayaa la kulma niyad-jab heer dhexe ah ilaa iyo mid daran. In ka badan kala bar dhammaan dadka ku nool Mareykanka waxaa laga heli doonaa xaalad xaga fayo-qabka dareenka ah wakhti ka mid ah noloshooda.
Inaad daryeesho fayo-qabkaaga dareen waxay muhiim u tahay si la mid ah inaad daryeesho caafimaadkaaga jireed.[/vc_column_text][vc_column_text]
Get Help Now
Qof la hadal isla hadeertan oo hel caawin haddadan. Waa kuu bilaash inaad wacato adeegyadan 24 saacadood maalinti, maalin kasta toddobaadki.
Dhammaan adeegyada hoose waxaa lagu heli karaa Ingiriisi, Isbaanish, iyo kaalmo luqadeed in ka badan 150 luqadood.[/vc_column_text][vc_column_text]
Dareenka Niyad-jabka | |
988, ee 988 Suicide & Crisis Lifeline (988 Shabakadda Is-dilka & Masiibada), oo horay loo yaqiinay Shabakadda Ka hortaga Is-dilka ee Qaranka Khadkaan teleefanka wuxuu taageero bilaash ah oo qarsoodi ah siiyaa dadka leh dareenka niyad-jabka kaas oo laga helo la-taliyaal tabbabaran, iyo sidoo kale tilmaamo ku saabsan sida loo caawiyo dadka noloshaada qaybta ka ah ee dhibaataysan. |
|
Baahiyaha Aasaasiga ah |
|
211, ama 211.org Wac 211 si aad u hesho caawinta noolasha shaqsiyeed ee muhiimka ah, adeegyada sida cuntada, guryaha, tilmaamaha maaliyadeed, qabatinka, rabshadaha qoyska, waxbarashada ama shaqada, fayo-qabka dareenka iyo in ka badan. |
|
Xaaladaha Gurmadka Degdegga ah |
|
911
Wac 911 wixii gurmadka degdegga ah. |
|
Caafimaadka Dhimirka iyo Isticmaalka Maandooriyaha |
|
Washington Recovery Help Line (Khadka Taleefonka Soo Kabsashada ee Washington): 1-866-789-1511.
Wac si lagaaga caawiyo walaacyada caafimaadka dhimirka iyo isticmaalka maandooriyaha. |
|
Rabshadaha Guryaha |
|
National Domestic Violence Hotline (Qadka Taleefoonka Tooska ah ee Rabshadaha Guryaha ee Qaranka): 1-800-799-7233.
Wac haddii adiga ama qof aad taqaano uu la kulmay rabshadaha guryaha. Waxaad sidoo kale qoraalka “start” u diri kartaa 88788. |
Dhigaalada Khadka Internetka ee Bilaashka ah
Ginger* App-ka Taageerada Dareenka (Ingiriis iyo Isbaanish)
Ginger waa app bilaash ah oo laga heli karo taleefonkaaga casriga ah, kaas oo laga helo gacan qabashada gaarka ah ee qarsoodiga eh ee taageerada dareenka iyo hagidda noolaleed oo 24/7 ah.
Tools for Calm (Qalabka Maskax Dejinta)
Tools for Calm waxay bixiyaan qalab la taaban karo oo yareeya walbahaarka una raadiya xasilooni dheeraad ah noolashaada iyo shaqadaada iyada kuwaas oo lagu helayo 6-toddobaad, 6-saacadood oo ah koorsada aqoon kororsiga onleenka ee tooska ah. Tani waa dheef waxbarasho oo u furan dhammaan daryeel bixiyeyaasha. Daryeel bixiyeyaasha leh shuruuda Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE), inaad qaadataan Tools for Calm (Qalabka Maskax Dejinta) waxay idin siinaysaa 6 dhibcood oo CE ah.[/vc_column_text][/vc_column][/vc_row][vc_row][vc_column][vc_tta_tabs][vc_tta_section title=”Agabka Is-daryeellida” tab_id=”1671126946957-9c49f7a6-48a3″][vc_column_text]Find Your Words (Ingiriisi iyo Isbaanish)
Dhigaalo onleen ah oo kaa caawiya inaad si fiican u daryeesho naftaada, inaad caawiso dadka kale ee ku jira xaaladaha adag, inaad kaalmo dalbato iyo sida loogala hadlo carruurtaada fayo-qabkooda dareen.
Emotional Support Human
Dhigaalo lagu helo taageero oo lagu taageero dadka kale ee la kulmaya caqabadaha fayo-qabka dareenka.
American Red Cross Resources for Emotional Support and Grief Counseling (Dhigaalada Laanqayrta Cas ee Maraykanka ee Taageerada Dareenka iyo La-talinta Murugada) (Ingiriisi iyo Isbaanish)
Dhigaalada iyo kooxaha taageerada ee kuu dhaw ee bixiya taageerada iyo la-talinta dareenka ee murugada iyo tacsida.
A Self-care Guide for Professional Caregivers (Hagaha Is-daryeelidda ee Daryeel Bixiyeyaasha Xirfada Leh)
Talooyin iyo dhigaalo lagaga caawiyo daryeel bixiyeyaasha inay ku dhaqmaan is-daryeelidda.
National Institutes of Health Emotional Health Toolkit (Sanduuqa Caafimaadka Dareenka ee Machadyada Caafimaadka Qaranka) (Ingirisi iyo Isbaanish)
Maqaallo iyo talooyin aad ku daryeesho fayo-qabkaaga dareenka, oo ay ku jiraan walbahaarka, miyir-qabka, wax ka qabashada dareenka iyo la qabsashada tacsida.[/vc_column_text][/vc_tta_section][vc_tta_section title=”Dhigaalada Sharciga” tab_id=”1671126946983-858b8770-299e”][vc_column_text]Haddii aad ku nooshahay Degmada King, hel gudbin (adeegyada turjumaada ayaa la heli karaa):
- King County Bar Association Lawyer Referral Service (Adeegga Gudbinta Qareenka ee King County Bar Association): 1-206-267-7010.
Adeeg gudbin oo lagu helo taageero sharci oo bilaash ah ama qiimo-jaban.
Hel dhigaalo sharci oo bilaash ah oo gobalka oo dhan ah:
- Washington LawHelp.
Dhigaalo loogu talagalay taageero sharci oo bilaash ah. - Diiwaanka Washington State Bar Associations (Washington State Bar Associations Directory).
Diiwaanka ururada qareenada ee gobolka ee loo hagaajiyay degmo ahaan, kuwaas oo badankood leh adeegyada gudbinta qareenka oo bilaashka ah. - Northwest Justice Project.
Caawimada sharci ee bilaashka ah ee baahiyaha aadanaha sida guryaha, bad-qabka qoyska, amniga dakhliga, daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada.
Dhakhtarka Aqoonsiga leh, Resmaa Menakem, ayaa ka hadlaya sababta aan dhammaanteen ula il-darannahay dhaawaca jinsiyadeed (xitaa dadka cadaanka ah) iyo sida loo maareeyo.
Therapy for Black Girls: The Impact of Racial Trauma (Daawaynta Gabdhaha Madoow: Saamaynta uu Leeyahay Dhaawaca Jinsiyadeed). (Ingiriisi)
Dhakhtarka cilmi-nafsiga aqoonsiga leh ee Dr. Candice Nicole Hargons ayaa ka hadlaysa shaqadii ay qabatay iyo mida ay hadda sii waddo in ay ku awood siiso dadka Madowga ah agab ay kaga hortagaan dhaawaca jinsiyadeed.
Project Lotus (Ingiriisi)
Bulsho onleenka ka dhisan oo awoodsiisa Aasiyaanka Ameerikaanka ah si ay wax uga qabtaan oo ay uga hadlaan fayo-qabkooda dareenka iyada oo aysan jirin dhaleeceyn.
Black Emotional and Mental Health Collective (Ingiriisi)
Hay’ad qaran oo la dagaallanta caqabadaha jinsiyadda ee daryeelka caafimaadka dareenka iyada oo adeegsanaysa tababaro iyo barnaamijyo waxbarasho.[/vc_column_text][/vc_tta_section][/vc_tta_tabs][/vc_column][/vc_row][vc_row][vc_column][vc_column_text]
Resource Finder
Haddii aad rabto in lagaa caawiyo helidda nooca kugu habboon, isticmaal Resource Finder si aad u hesho adeegyada caawinta noolosha shakhsiyadeed ee saxda ah, oo ay ku jiraan taageerada caafimaadka dareenka, dhigaalada daryeelka ilmaha, caawinta sharciga ah, hagida deynta iyo kuwo ka badan.
Dhigaalada loogu talagalay daryeel bixiyeyaasha dheefaha caafimaadka ka hela SEIU 775 Benefits Group
Dhigaalada fayo-qabka dareenka ee laga helo ceymiskaaga caafimaadka daryeelka ayaa la heli karaa haddii aad caymis ka haysato SEIU 775 Benefits Group.**
Qorshahaaga caafimaadka waxaa go’aamiya gobolka aad ku nooshahay. Haddii aadan hubin qorshaha aad leedahay, isticmaal khariidadan si aad u ogaato.