Baaritaanada Guriga La Iskaga Qaado ee COVID-19 ee Bilaashka ah
Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng Việt | አማርኛ | عربى
Dawlada federaalka ah waxay hadda faraysaa in caymisyada caafimaadka ay dabaraan kharashka baaritaanada COVID-19 ee dukaanka laga iibsado, guriga la iskaga qaado, ee midkood xafiiska dhakhtarkaaga ama magdhawga dhan ilaa iyo $12 halki baaritaan*.
Haddii aad ceymiska daryeelka caafimaadka ka haysato SEIU 775 Benefits Group, caymiskaaga wuxuu dabari doonaa ilaa iyo 8 baaritaan oo ah baaritaanada COVID-19 ee guriga lagu qaado ee adiga iyo ilma kasta oo ku tiirsan caymiskaaga, haddii ay jiraan, bil kasta.
Iyada oo ay ugu wacan tahay sahayda baaritaanada oo gabaabsi ah wakhti xaadirkan, magdhawyada ma lahaan doonaan wax qiimo oo go’an. Inta ay sahayda sii badanayso, sharciga cusub ayaa dhaqangelin doona qiimaha go’an ee $12. Waxaa laguu soo diri doonaa warbixin isla marka la dhaqangeliyo qiimaha go’an ee $12 ah.
Halka Laga Heli Karo Baaritaanada
Riix calaamada “+” ee ku xigta qorshahaaga caymis ee hoose si aad u ogaato halka aad heli karto baaritaanada COVID-19 ee bilaashka ah iyo sida loo helo magdhawga, haddii loo baahdo.
Aetna (via Sav-Rx)
Waxaad baaritaano ka iibsan kartaa goob tafaariiq, kadibna waxaad u gudbin kartaa in laguu magdhawo.
KPNW
Waxaad baaritaano bilaash ah kaga heli kartaa xafiiska caafimaad ee Kaiser inaad ballan qabsato oo kaliya, ama waxaad baaritaano ka iibsan kartaa goob tafaariiq kadibna waxaad u gudbin kartaa in laguu magdhawo.
- OGOW: Waxaad heli kartaa 2 baaritaan halki ballan iyo waxaan ka badnayn 2 baaritaan halki toddobaad, ama guud ahaan 8 baaritaan hashi bil.
KPWA POS
Waxaad baaritaano bilaash ah ka heli kartaa goob Kaiser ama goobaha farmashiyeyaasha tafaariiqda, ama waxaad baaritaano ka iibsan kartaa goob tafaariiq kadibna waxaad u gudbin kartaa in laguu magdhawo.
KPWA HMO
Waxaad baaritaano bilaash ah ka heli kartaa goob Kaiser ama goobaha farmashiyeyaasha tafaariiqda, ama waxaad baaritaano ka iibsan kartaa goob tafaariiq kadibna waxaad u gudbin kartaa in laguu magdhawo.
Qofka igu tiirsan sidoo kale wuu diiwaangashan yahay. Miyuu sidoo kale xaq u leeyahay baaritaano?
Haa. Caymisyada waa inay dabaraan 8 baaritaano oo gaar u ah halki ka qaybgale (oo ay ku jiraan ilmaha kugu tiirsan), hashi bil.
Tusaale: Daryeel bixiye leh 3 ilmood oo ku tiirsan ayaa heli karaa ilaa iyo 32 baaritaano hashi bil.
Hel Magdhaw
Isticmaal jadwalkan si aad u barato sida loo helo magdhawga baaritaanada aad ka iibsatay goobaha tafaariiqda.
Caymiska | Bogga Intarnetka | Foomka Magdhowga | Dukumiintiga Aad U Baahan Tahay |
KPWA | Baaritaanka COVID-19: Ku Qabso Baaritaan Onleen ahaan | Kaiser Permanente | Foomka Magdhowga Xubinta ee Baritaanada COVID-19 ee Tukaanka Laga Iibsado |
|
KPNW | Baaritaanka COVID-19: Ku Qabso Baaritaan Onleen ahaan | Kaiser Permanente | Foomka Magdhowga Xubinta ee Baritaanada COVID-19 ee Tukaanka Laga Iibsado |
|
Sav-Rx (Aetna) | SAV-RX – CovidForm (savrx.com) | SAV-RX – CovidForm (savrx.com)
Waxaad u baahan doontaa Lambarka Kooxda ee kaarkaaga Aqoonsiga. |
|
Su'aalaha Inta Badan La Isweeydiiyo
Riix calaamada “+” ee ku xigta su’aasha aad rabto inaad jawaabteeda ogaato.
Mudo intee leeg ayay qaadan doontaa inaan helo magdhawgayga?
Caymisyada caafimaad waxaa lagu dhiirigeliyaa inay magdhaw degdeg ah siiyaan sheegashooyinka baaritaanada guriga lagu sameeyay. Si aad wax badan uga ogaado hannaanka sheegashooyinka wac:
- Adeegyada Xubnaha ee KPWA lambarka 1-888-901-4636.
- Adeegyada Xubnaha ee KPNW lambarka 1-888-813-2000.
- Adeegyada Xubnaha ee Aetna lambarka 1-855-736-9469.
Miyaan magdhaw u heli karaa baaritaanada aan kolhore soo iibsaday?
Caymisyada iyo caymis bixiyeyaasha waxaa laga rabaa inay dabaraan baaritaanada la iibsaday markay ahayd ama ka dib Janaayo 15, 2022. Baaritaanada la iibsaday ka hor taariikhdan waxaa laga yaabaa inaan la magdhawin; sikastaba ha ahaatee, fadlan ka hubi khadka adeegyada xubnaha ee caymiskaaga caafimaad si aad u xaqiijiso. Waan kuu wareejin karaa hadda.
Xageen ka heli karaa goob leh baritaanada COVID-19 ee tukaanka lagu iibiyo ee guriga la iskaga qaado?
Baaritaanada guriga lagu qaato waxaa laga heli karaa farmashiyasha ama tafaariiqlayaasha, oo ay ku jiraan tafaariiqlayaasha onleenka wax ku gada, adiga oo baaritaano bilaash ah ka codsanaya barta www.covidtests.gov ama goobta xarun ee caymiskaaga caafimaad:
- Waxaad sidoo kale baaritaan guriga la iskaga qaado ka heli kartaa xarumaha caafimaad ee bulshada ee goobtaada. Eeg liiska goobo baaritaan oo bulshada ku salaysan.
- KPWA HMO – Waxaad baaritaano ka heli kartaa goob Kaiser ama goobaha farmashiyeyaasha tafaariiqda, ama waxaad baaritaano ka iibsan kartaa goob tafaariiq kadibna waxaad u gudbin kartaa in laguu magdhawo.
- KPWA POS – Waxaad baaritaano ka heli kartaa goob Kaiser ama goobaha farmashiyeyaasha tafaariiqda, ama waxaad baaritaano ka iibsan kartaa goob tafaariiq kadibna waxaad u gudbin kartaa in laguu magdhawo.
- KPNW – Waxaad baaritaano kaga heli kartaa xafiiska caafimaad ee Kaiser inaad ballan qabsato oo kaliya, ama waxaad baaritaano ka iibsan kartaa goob tafaariiq kadibna waxaad u gudbin kartaa in laguu magdhawo.
- OGOW: Waxaad heli kartaa 2 baaritaan halki ballan iyo waxaan ka badnayn 2 baaritaan halki toddobaad, ama guud ahaan 8 baaritaan hashi bil.
- Aetna (via SavRx) – Waxaad baaritaano ka iibsan kartaa goob tafaariiq, kadibna waxaad u gudbin kartaa in laguu magdhawo.
Ka waran haddii aan awoodin inaan iibsado baaritaanada COVID-19?
Waxaad waydiin kartaa khadka adeegyada xubnaha ee caymiskaaga haddii ay leeyihiin farmashi shirkada ka shaqeeya ama tafaariiqle ka qaybqaata oo bixiya baaritaano dukaanka lagu qaado oo bilaash ah. Eeg liiska goobo baaritaan oo bulshada ku salaysan.
Waxaad sidoo kale baaritaan bilaash ah ka heli kartaa xarumaha caafimaad ee bulshada ee goobtaada.
Haddii aan jaabkayga ka bixiyo, meeqo ayaa la ii magdhawayaa?
Si laguugu magdhawo, waa inaad u hoggaansato qaynuunka magdhawga ee shirkadaada caymiska. Waxaad ku heli kartaa tilmaamahan onleen ahaan ama inaad wacdo Adeegyada Xubnaha wiixii tilmaamo dheeraad ah.
OGOW: Haddii aad jeclaan lahayd inaad qof kala hadasho hannaanka magdhawga ee caymiskaaga, kala xiriir shirkada caymiskaaga caafimaad wixii kaalmo ah:
- Adeegyada Xubnaha ee KPWA lambarka 1-888-901-4636.
- Adeegyada Xubnaha ee KPNW lambarka 1-888-813-2000.
- Adeegyada Xubnaha ee Aetna lambarka 1-855-736-9469.
Lacag meeqo dhan ayaa la iigu magdhawayaa baaritaanada?
Caymis kasta waxaa looga baahan yahay inuu madhawo ilaa iyo $12 halki baaritaan. Iyada oo ay ugu wacan tahay sahayda dalka oo dhan oo gabaabsi ah, magdhawga ayaa hadda la bixiyaa iyada oo aan jirin wax qiimo oo go’an. Fadlan maskaxda ku hay qiimaha go’an ee $12 ah ayaa shaqayn kara mustaqbalka marka sahayda ay ku soo laabato heerarka habboon.
Inta ay sahayda baaritaanada sii badanayso, qiimaha go’an ee $12 halki baaritaan ayaa la sii dhaqangelin doonaa. Waxaa laguu soo diri doonaa warbixin isla marka la dhaqangeliyo qiimaha go’an ee $12 ah.
Immisa baaritaan ayaa la ii magdhawi karaa?
Caymisyada caafimaad waa inay ka dabaraan 8 baaritaan oo ah baaritaanada COVID-19 ee guriga la iskaga qaado halki qof ee ka diiwaangashan caymiska, hashi bil. Xirmooyinka qaar ee halka xirmo ah waxay wadan karaa baaritaano badan.
Tusaale: Haddii adiga iyo ilmahaaga kugu tiirsan aad labadiinaba ka diiwaangashan tihiin caymiskaaga, labadiinaba mid kasta wuxuu heli karaa 8 baaritaano hashi bil, ilaa iyo guud ahaan 16 baaritaano.
Su'aalo miyaad qabtaa?
Haddii aad su’aalo qabto ama aad u baahan tahay in lagaa caawiyo inaad magdhaw hesho, ka wac Adeegga Macaamiisha lambarka 877-606-6705.