Dhigaalada Tallaalka Hargabka

Waa Xilliga Qaboobaha iyo Hargabka

Caafimaad-qab lahow xilligaan adiga oo qaadanaya tallaalka hargabka. Waa hab waxtar leh uguna wanaagsan si aad uga ilaaliso naftaada iyo bulshadaada hargabka.

Hel Tallaalkaaga Hargabka ee Bilaashka ah

Kaiser Permanente

Tallaalada hargabka waxaa laga heli karaa xarun kasta oo caafimaad oo Kaiser Permanente leedahay inta lagu jiro saacadaha shaqada (8 a.m. ilaa iyo 5 p.m. Pacific time). Kaiser ayaa qaaday talaabooyin ay kaga dhigayso mid badqab ah, fudud, oo habboon inaad qaadato tallaalkaaga hargabka.

Inaad ballanta tallaalkaaga hargabka ka qabsato Kaiser Permanente way fududahay wayna sahlan tahay:

Haddii aad tallaalka ka qaadato xarun aan ahayn mida Kaiser Permanente oo adeeg bixiyaha uu kaa dalbado inaad lacagta horumaris u bixiso, waxaad u baahan doontaa inaad bixiso kadibna aad soo dirsato codsiga in laguu magdhawo.

*Tallaalada hargabka ayaa looga dabaraa dhammaan xubnaha Kaiser Permanente sida adeegyada laga helo adeeg bixiyeyaasha ku jira shirkadda.

Aetna 

Aetna ayaa ku bixiso tallaalada hargabka pharmashiga CVS iyo gooba cayiman oo la xushay. Waxaad ballan kaga qabsan kartaa onleen ahaan farmashiga CVS ama waad iska tagi kartaa si aad u qaadato tallaalkaaga hargabka.

Waxaad u baahan tahay inaad tusiso kaarkaaga Sav-Rx markaad soo qaadanayso tallaalkaaga hargabka. Haddii aadan haysanin kaarkaaga, ka wac Sav-Rx lambarka (800) 228-3108.

Gal akoonkaaga onleenka ah ee Aetna si aad u hesho farmashi deegaanka ku yaala oo shirkadda ka tirsan ama dhakhtar si bilaasha ah.

Ma u baahan tahay Tallaal Xoojiyaha COVID-19?

Sida tallaalka hargabka, inaad qaadato tallaalka ama tallaal xoojiyeha COVID-19 waxay muhiim u tahay inaad cafimaad qab ahaato xilligaan. Hel dhaqamada ugu wanaagsan iyo talooyinka caafimaad qab lagu yeesho, kadibna baro sida aad ku heli karto tallaalkaaga COVID-19, iyada oo ku salaysan caymiskaaga caafimaad:

Kaiser Permanente

Waxaad qabsan kartaa ballanta tallaalka COVID-19 ama tallaal xoojiyeha, waxaad heli kartaa warbixinada ugu danbeeyay iyo wax kale oo badan.

Aetna

Waxaad heli kartaa goobta tallaalka Farmashiga CVS ee kuu dhawo, waxaad heli kartaa warbixinada ugu danbeeyay iyo wax kale oo badan.