Diiwaangelinta Baddelida Loo-shaqeeyaha

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng Việt | አማርኛ | عربى

Diiwaangelinta Baddelida Loo-shaqeeyaha 

Maadaama aad u wareegeyso inaad u shaqeyso Consumer Direct Care Network Washington (Shabakadda Daryeelka Tooska ah ee Macmiilka ee Washington), ama CDWA, waxaa jiri doona muddo diiwaangelin ah oo loogu talagalay ceymiska daryeelka caafimaadka (oo la mid ah muddada diiwaangelinta sanadlaha ah ee ceymiska caafimaadka) oo ka danbeysa baddelidaada loo-shaqeeyaha. 

Muddada diiwaangelinta waxaa la yiraahdaa “Diiwaangelinta Baddelida Loo-shaqeeyaha” (COEE), oo inta lagu jiro muddada diiwaangelinta, waxaad:

  • Ceymiska daryeelka caafimaadka ka codsan kartaa SEIU 775 Benefits Group (haddii aad xaq u leedahay).
  • Isbaddelo ikhtiyaari ah ku sameyni kartaa ceymiskaaga ilkaha (haddii aad diiwaangashan tahay).
  • Ku darsan kartaa qof kugu tiirsan* iyada oo ku kaceyso kharashka dhameystiran ee khidmada adeegga. 

Waxa aad u baahan tahay inaad ka ogaato Diiwaangelinta Baddelida Loo-shaqeeyaha (COEE): 

  • Muddadaada diiwaangelinta waxay ku xiran tahay taariikhada aad u wareegtay CDWA. 
  • Laga bilaabo Seteembar 1, 2021** gal bogga intarnetka CDWA ee DirectMyCare oo dhameystir dhammaan hawlahaaga shaqaaleysiinta. 
    • Tani waxaa sameyn karo oo kaliya daryeel bixiyeyaasha ay soo ogeysiiyeen midkood DSHS ama CDWA inay u wareegayaan inay u shaqeeyaan CDWA. 
    • Ku dhameystir hawlahaaga sida ugu dhakhsaha badan si aad u xaqiijiso in ceymiskaaga caafimaadka uusan hakad gelin (ama aad awood ugu yeelato inaad codsato, haddii aad xaq u leedahay).
  • Marka aad bogto u wareegidaada CDWA, waxaa iimayl laguugu soo diri doonaa xirmada Diiwaangelinta Baddelida Loo-shaqeeyaha. 
  • Xirmadaada waxay ku wargelin doontaa muddadaada 60-ka maalmood ee diiwaangelinta si aad ceymis iskuugu diiwaangeliso (haddii aad xaq u leedahay oo aad codsaneyso) ama aad isbaddelo ikhtiyaari ah u sameyso (haddii aad diiwaangashan tahay). 
    • Haddii aad horay iskuugu diiwaangelisay Dheefaha Caafimaadka, uma baahnid inaad codsi qorto haddii aad rabto inaad wax ka baddel sameyso ma ahane.
  • Inta aad u wareegeyso inaad u shaqeyso CDWA, xaqiiji inaad ku soo gudbiso saacadaha aad shaqeysay waqtiga saxda ah.

 

Waxa Aad Heleyso

Kaliya $25 oo aad bixiso bishiiba, ayaad ku heleysaa dheefaha daryeelka caafimaadka ee soo socda:

  • Caafimaadka
  • Booqoashooyinka Dhakhtarka Daryeelka Assaasiga ah oo bilaash ah
  • Ilkaha
  • Toosinta Ilkaha
  • Aragga
  • Maqalka
  • Dhalmada
  • Daawada Dhakhtarku Qoro
  • Taageero Niyadeed

 

Marki laga soo tago qorshayaasha caafimaadka iyo ilkaha oo tayo sare leh, waxaad heli kartaa dheefo caafimaad iyo badqab oo adiga laguugu talagalay:

  • Dheefaha is-daryeelka: Barnaamijyada caafimaadka shucuureed waxay gacan ka geystaan yareynta walbahaarka, niyad jabka, iyo walaaca. Hel barnaamijka is-daryeelka ee ku habboon baahiyahaaga. 
  • Caregiver Kicks: Hel kabo bilaash ah, raaxo leh oo simbirixada reeba oo leh in ka badan 70 nooc. Wax badan ka ogoow Caregiver Kicks.

 

Sida La Isku Diiwaangeliyo ama Wax Ka Baddel Loo Sameeyo

Haddii aad xaq u leedahay ama u diiwaangashan tahay, waxaad codan kartaa ceymis ama waxaad wax ka baddel ikhtiyaari ah ku sameyn kartaa inaad warqadda Codsiga Dheefaha Caafimaadka ku dirto fakis ama boosto. 

Waxaa iimayl laguugu soo diri doonaa xirmo ay ku jirto warqadda Codsiga Dheefaha Caafimaadka si aad u buuxiso oo aad boostada ugu dirto ka dib markaad bogto u wareegidaada CDWA. Khidmada boostada ayaa loo baahan yahay, balse celinta Codsigaaga Dheefaha Caafimaadka way fududahay. 

Booosto Fakis
SEIU 775 Benefits Group
PO Box 24811
Seattle, WA 98124
 

516-723-7395

Haddii aadan helin xirmada Diiwaangelinta Baddelida Loo-shaqeeyaha (oo wadata Codsiga Dheefaha Caafimaadka) oo aad u maleyso inaad u baahan tahay, ama haddii aadan iimayl ku helin warqadda xaqiijinta diiwaangelinta ama wax ka baddelida ceymiska 45 maalmood gudahooda ka dib markaad gudbiso Codsigaaga, ka wac Adeegga Macaamiisha ee SEIU 775 Benefits Group lambarka 1-877-606-6705.

Faahfaahin Dheeraad ah

Xaq u yeelashada: Si aad xaq ugu yeelato ceymiska, waa inaad ka shaqeyso 80 saacadood bil kasta ilaa iyo labo bilood oo xiriir ah oo aad joogteyso 80 saacadood bishiiba wixi ka danbeyo intaas si aad u hesho ceymis joogta ah.

Wax ka baddilda qorshaha ceymiska waa ikhtiyaari: Haddii aad horay u diiwaangashaneyd oo aad waxbo sameynin, waxaa kuu sii socon doona isla dheefihi muhiimka ahaa ee ceymiska caafimaadka inta aad sii wado inaad u shaqeyso oo aad saacadahaaga waqtiga saxda ah u gudbiso CDWA. 

Marka uu dhaqangelayo ceymiska: Haddii Codsigaaga Dheefaha Caafimaadka la helo marki la gaaro ama ka hor Noofeembar 15, 2021 ceymiskaaga cusub ama wax ka baddelka ceymiska wuxuu dhaqangelayaa Diseembar 1, 2021.

Haddii Codsigaaga la helo ka dib Noofeembar 15, 2021, warqad ayaa boostada laguugu soo diri doonaa oo ay ku qoran tahay taariikhda ceymiskaaga cusub ama wax ka baddelka ay ceymiskaaga uu dhaqangelayo.

*CUSUB! IP-yada u shaqeeya CDWA – Ku darsashada dadka kugu tiirsan: Waxaad hadda carruurta kugu tiirsan u diiwaangelin kartaa ceymiska caafimaadka iyo ilkaha haddii aad khidmada ceymiska oo dhameystiran ku bixisid lacag jarista mushaharka tooska ah. Khidmadaha ceymiska ee dhameystiran waxay u dhaxeeyaan $686-$766 bishiiba.

Si aad ugu darsato qof kugu tiisan (dad kugu tiirsan), waxaa qasab ah inaad buuxiso qaybta dadka kugu tiirsan ee Codsiga Dheefaha Caafimaadka kadibna aad la timaado caddeynta xiriirka kaala dhaxeeyo qofka kugu tiirsan (dadka kugu tiirsan) 60 maalmood gudahooda. Markaas ka dib waxaad kuu bilaaban doona inaad khidmada ceymiska ku bixiso lacag jarista mushaharka. Ceymiska wuxuu bilaaban doonaa Diseembar 1 ama ka gadaal. Wax badan ka baro ku darista qof kugu tiirsan.

 

Su’aalo miyaad qabtaa?

Ka wac Adeegga Macaamiisha ee ceymiska daryeelka caafimaadka lambarka 1-877-606-6705.