Dhibcaha Tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah
Si aad xaq ugu yeelato dhibcaha 12-ka saacadood ee Tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah waxaad u baahan tahay inaad daryeel bixiye ahaan u shaqaysay inta u dhaxaysay Maarso 1, 2022 iyo Febraayo 28, 2021 oo aad leedahay shuruudaha CE ee 2020 ama 2021 oo wali taagan.
Dhibcahaaga waxaa loo adeegsan doonaa si ootomaatiga ah; uma baahnid inaad wax talaabo ah qaado.
Eeg haddii aad xaq u leedahay dhibcaha Tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah. [/vc_column_text][/vc_column][/vc_row][vc_row][vc_column][vc_custom_heading text=”Miyaan heli doonaa Dhibcaha Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE) ee Tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah?” google_fonts=”font_family:Lato%3A100%2C100italic%2C300%2C300italic%2Cregular%2Citalic%2C700%2C700italic%2C900%2C900italic|font_style:700%20bold%20regular%3A700%3Anormal”][gravityform id=”52″ title=”false” description=”false” ajax=”false”][/vc_column][/vc_row]
Su'aalaha Inta Badan La Isweeydiiyo
Guji calaamada “+” ee su’aal kasta si aad waxbadan uga ogaato.
Waa maxay Tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah?
Tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah waxaa la qabtaa adiga oo haysta shaqadaada caadiga ah daryeel bixiye ahaan.
Tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah wuxuu ku siin karaa ilaa iyo 12 dhibcood oo ah Waxbarashadda Dadka Wawayn (CE), iyada oo ku xiran wakhtiga kama danbayska ah ee CE ee 2020 iyo haddii aad shaqaysay inta lagu jiray muddada dhan ee (u (dhaxaysay Maarso1, 2020 iyo Febraayo 28, 2021).
Maxay taraan dhibcaha Tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah?
Tilmaamo gaar ah ayaa la bixiyay inta lagu guda jiray sanadka koowaad ee safmarka COVID-19 ee gobalka Washington oo lagu bixiyay deegaanada daryeelka muddada dheer (oo ay ku jiraan daryeelka guriga dhexdiisa ah) waxayna ku saabsanaayeen mowduucyo tabbabar oo kala duwan oo la xiriira safmarka. Tilmaamahan ayaa hadda loo tixgeliyaa Tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah.
Miyaan wax lacag ah ku helayaa Tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah sida aan uga helo markaan bogo koorsooyinka CE?
Maya. Wax lacag ah kuma halaysid 12-ka dhibcood ee tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah sababta oo ah dhibcaha waxaad bogtay iyaga oo qayb ka ah shaqadaada maalinlaha caadiga ah. Haddii aad jeclaan lahayd inaad hesho lacagaha tabbabarka CE oo aad xaq u leedahay, waxaad samayn kartaa fasalada onleenka ah ama shaqsi ahaanta loo xaadiro.
Miyaan u baahanahay inaan wax sameeyo si dhibcahayga CE ee tabbabarka shaqada dhexdeeda ah uga muuqdaan warqadayda natiijooyinka?
Maya.
Dhibcaha tabbabarka Shaqada Dhexdeeda ah waxaa la siin doonaa dhammaan daryeel bixiyeyaasha shaqeeyay ee u baahnaa dhibcaha CE inta lagu guda jiray Maarso 1, 2020 iyo Febraayo 28, 2021.
Loo-shaqeeyahaaga waxaa loo diri doonaa warbixino bil kasta oo ku saabsan wixii shuruudaha CE ah ee la bogay.
Waxaan qabaa su’aalo ku saabsan dhibcahayga CE ee wali taagan.
Adeeg Bixiyeyaasha Shaqsiyadeed (IP-yada) ayaa ka wici kara Xarunta Macluumaadka Xubnaha lambarka 1-866-371-3200 si loo caawiyo. Waxaa la heli karaa laga bilaabo 8 a.m. ilaa iyo 4:30 p.m., Isniin ilaa iyo Jimce. Adeeg Bixiyeyaasha Hay’ada (AP-yada) ayaa la xiriiri kara loo-shaqeeyahooda.
Maxaa dhacaya haddii aanan ku bogin dhibcahayga CE wakhtiga kama danbayska ah ee la kordhiyay?
Waa inaad ku bogto shuruudahaaga CE sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah. Haddii aadan ku bogin shuruudaada wakhtiga saxda ah, ma awoodi doontid inaad u shaqayso daryeel bixiye mushahar qaato ahaan.
Sidee ayaan iskuugu diiwaangeliyaa CE-yada?
Waxaa jira fursado CE oo badan oo aad ku heli karto qaabab kala duwan. Waxaad ku bogi kartaa shuruudaada gebi ahaanba onleen ahaan, inaad xaadirto ama aqoon kororsiga onleenka ah.
Baro sida la iskuugu diiwaangeliyo CE: