Tabbabarka Aasaasiga ah 9
Dhammaan 9-ka saacadood ee tabbabarka waxaa lagu bogi karaa onleen ahaan. Halkan hoose ka baro sida la iskuugu diiwaangeliyo iyo sida loo dhamaystiro tababarkaaga.
Dhammaan daryeel bixiyeyaasha u baahan inay dhamaystiraan Tababarka Aasaasiga ah 9 waxaa la filayaa inay heleen iimayl wata macluumaad ku saabsan tirada saacadaha ay u baahan yihiin inay qaataan iyo taariikhdooda kama danbayska ah. Haddii aadan helin iimaylkan oo aad u baahan tahay inaad bogto tabbabarkaaga, fadlan ka wac Xarunta Macluumaadka Xubnaha (MRC) lambarka 1-866-371-3200 ama iimayl ugu dir mrc@myseiubenefits.org. Waxaa la heli karaa laga bilaabo 8 a.m. ilaa iyo 4:30 p.m., Isniin ilaa iyo Jimce.
Wakhtiga Kama Danbayska ah ee Tabbabarkaaga
Gobalka Washington ayaa kordhiyay wakhtiga kama danbayska ah ee shuruudaha tabbabarka daryeel bixiyaha iyada oo ay ugu wacan tahay saamaynta COVID-19. Waaxda Adeegyada Bulshada iyo Caafimaadka (DSHS) ayaa dejisay wakhti cusub oo kama danbays ah iyada oo ku salaysan taariikhda lagu shaqaaleysiiyay.
Haddii aadan ku bogin tabbabarka lagaaga baahan yahay wakhtigaaga kama danbayska ah, ma awoodi doontid inaad u sii shaqayso daryeel bixiye mushahar qaato ahaan
Taariikhda lagu shaqaaleysiiyay ama dib laguu shaqaaleysiiyay | Waa inaad dhammaystirtaa Tababarka Aasaasiga ah |
8/17/2019 ilaa iyo 9/30/2020 | 10/31/2022 |
10/1/2020 ilaa iyo 4/30/2021 | 1/31/2023 |
5/1/2021 ilaa iyo 3/31/2022 | 4/30/2023 |
4/1/2022 ilaa iyo 9/30/2022 | 8/31/2023 |
Sida Loo Isticmaalo Akoonkaaga Onleenka ah
- Gal myseiu.be/online22. Uma baahnid inaad akoon furato.
- Marka koowaad ee aad gasho, isticmaal macluumaadkan:
- Iimaylkaaga ahaan, isticmaal cinwaanka iimayl ee aad gudbisay marki lagu soo shaqaalaysiiyay.
- Lambar sireed ahaan, qor Summer2022.
- Isla markaad gasho, waxaad baddeli doontaa lambar sireedkaaga waxaadna xaqiijin doontaa macluumaadka meesha lagaala soo xiriirayo.
- Ka dib markaad gasho, tag Daliil-hayaha si aad wax uga doorato koorsooyinka la heli karo.
Haddii aad caawin u baahan tahay, ka eeg hagaha Tababarka Aasaasiga ah 9 wixii faahfaahin dheeraad ah.[/vc_column_text][/vc_tta_section][vc_tta_section title=”Dhamaystirka Tababarkaaga” tab_id=”1658515685386-a46f8dad-e88a”][vc_column_text]Waxaad u baahan tahay inaad samayso 9 saacadood oo koorsooyin onleen ah si aad u dhamaystirto tababarkaaga. Waxaad ka dooran kartaa koorsooyinkan bogga Daliil-hayaha.
Koorsooyinka aad qaadan karto waxaa ka mid ah:
- Muhiimada Ugu Kowaad – Is-daryeelidda (2 saacadood)
- Xirfadaha Adeegga Macmiilka (1 saac)
- Dib Ugu Noqoshada Asaaska Nafaqada (3 saacadood)
- Caawinta Macmiil La Nool Xanuun Daba Dheeraada (2 saacadood)
- Dhicitaanka iyo Ka hortaga Dhicitaanka (1 saac)
- Farqiga u Dhaxeeya Qabsinka Dhinaca Midig iyo Kan Dhina Bidix (3 saacadood)
- Sida loo noqdo Xubin Koox oo Wanaagsan (1 saac)
- Helidda Hurdo Kugu Filan – Muhiimada Hurdada (1 saac)
- Kalsooni Kasbashada Lagu Helo La Xidhiidhida Dadka Waayeelka ah (2 saacadood)
- Isticmaalka iyo Qabatinka Maandooriyaha ee Macmiilka Waayeelka ah (2 saacadood)
- Aqoonsashada Niyad-jabka Macmiilkaaga Waayeelka ah (2 saacadood)
- Daryeelidda Qofka Geerida Ku Dhaw (4 saacadood)
Koorsadan waxaa haddadaan lagu bixiyaa Ingiriis oo kaliya. Haddii aad rabi lahayd in lagaa caawiyo inaad kaga qaybqaadato luuqad kale, waxaad isticmaali kartaa turjumaanka bulshada.
Turjumaanka bulshada waa saaxiib ama qaraabo ka wayn da’da 18 oo aanan ahayn macmiilkaaga.
[/vc_column_text][/vc_tta_section][vc_tta_section title=”Su’aalo miyaad qabtaa?” tab_id=”1658515845399-e4968ea6-000c”][vc_column_text]Su’aalo miyaad qabtaa?
Haddii aad u baahan in lagaa caawiyo inaad isku diiwaangeliso oo aad dhamaystirto tabbabarkaaga, eeg hagaha Tababarka Aasaasiga ah 9.
Wixii taageero dheeraad ah, la xidhiidh Xarunta Macluumaadka Xubnaha (MRC).
- Taleefonka: 1-866-371-3200, Isniin–Jimce, 8 a.m.–4:30 p.m.
- Iimayl: mrc@myseiubenefits.org
- Haddii luuqadaada koowaad aysan Ingiriis ahayn, wakiilada MRC ayaa kugula hadli karaan luqadaada.