Ku soo dhawoow Daryeel Bixinta!
Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng việt | አማርኛ | عربى
Ku soo dhawoow daryeel bixinta! Marka aad bilowdo safarkaaga daryeel bixinta, xaqiiji inaad isticmaasho dhammaan dheefaha ay helaan daryeel bixiyeyaasha, sida:
- Dheefaha waxbarashada iyo fursadaha kobcinta xirfada.
- Daryeel caafimaad tayo sare leh oo lagu helayo kaliya $25 bishiiba, oo loogu talagalay daryeel bixiyeyaasha xaq u leh.
- Qorshaha howlgabnimo oo loo-shaqeeyahaaga uu qayb ka bixiyo.
- Kabaha simbirixada reeba oo bilaash ah oo ay soo saareen shirkado caan ah sida Reebok.
- Agabyada is-daryeelka oo bilaash ah si loo yareeyo walbahaarka.
- Iyo wax kale oo badan.
Wax badan ka akhriso dheefahaaga waxbarashada, caafimaadka, hawlgabnimada iyo shaqa ku beegida ee hoose.
Waxbarashada
Waxaad heleysaa dheefo waxbarasho oo kaa caawin doona inaad daryeel tayo sare leh siiso macmiilkaaga ama xubnaha qoyskaaga.
Dheefahaaga waxbarashada waxay bilaabanayaan isla marka aad noqoto daryeel bixiye. Wax badan ka baro nooca tabbabarka aad u baahan tahay. Haddii aad qorsheeneyso in laguu aqoonsado inaad tahay Caawiyaha Daryeelka Guriga (HCA), waxaad wax ka baran kartaa talaabooyinka aad aqoonsiga ku heli lahayd.
Haddii aad caawin u baahan tahay, Waaniyeyaasha Asaagaa ayaa ah daryeel bixiyeyaal la aqoonsan yahay oo leh sanado badan oo khibrad ah, waxayna kaa caawin karaan safarkaaga waxbarashada, hannaanka aqoonsiga HCA iyo wax kale oo badan. Wax badan ka baro Waaniyeyaasha Asaagaa.
Wax badan ka baro dheefahaaga waxbarashada.
Caafimaadka
Ceymiska daryeelka caafimaadka ayay daryeel bixiyeyaasha xaqa u leh ku heli karaan $25 oo kaliya bishiiba! Waxaad heli kartaa daryeel caafimaad tayo sare leh markaad shaqeyso 80 saacadood bishiiba, 2 biloob oo isku xiga. Dheefaha waxaa ka mid ah dheefaha caafimaadka, ilkaha, daawada dhakhtarka uu qoro, caafimaadka dareenka, aragga, dhalmada iyo daaweynta toosinta ilkaha. Wax badan ka baro xaq u yeelashada oo codso maanta.
Marka laga soo tago ceymiska daryeelka caafimaadka, waxaad heli kartaa dheefo bilaash ah sida Qalabyada Calm, Resource Finder, app-ka taleefobka casriga ah ee Ginger, Caregiver Kicks (kabo loogu talagalay daryeelayaasha oo bilaash ah) iyo wax kale oo badan.
Wax badan ka baro dheefahaaga caafimaadka.
Hawlgabka
Qorshaha Howlgabnimada Sugan ee SEIU 775 waa midki ugu horeeyay noociisa oo kale wadanka oo dhan oo loogu talagalay daryeel bixiyeyaasha. Waxaa loo sameeyay inuu kaa caawiyo inuu ku siiyo sugnaan dhaqaale oo dheeraad ah markaad hawlgab noqoto.
Daryeel bixiyeyaasha ayaa si toos ah loogu diiwaangelin doonaa qorshaha ka dib markay buuxiyaan shuraada ka qaybqaadashada ee 6-da bilood ah. Markaad hawlgab noqoto, waxaad bilaabi kartaa inaad hesho dheefta hawlgabnimada.
Wax badan ka baro dheefahaaga hawlgabka.
Shaqa Ku Beegida
Ma u baahan tahay saacado shaqo oo dheerad ah? Ka raadso macmiilka kugu habboon Carina. Carina waa websaydh ku beega daryeel bixiyeyaasha macaamiisha iyada oo la adeegsanayo akoona onleen oo ammaan ah iyo fariimo. Carina waxay sidoo kale kaa caawin kartaa inaad daryeel kab ah ka hesho deegaankaaga.