Qorshahaaga Howlgabnimada Sugan

Way Fududahay in La Bilaabo

Ka qaybqaadashada Qorshaha Howlgabnimada Sugan way fududahay. Waxaad kaliya u baahan tahay inaad bilowdo inaad u shaqayso daryeel bixiye ahaan.

Ka dib 6 bilood oo aad u shaqayso daryeel bixiye ahaan, waxaad wax biirin ka heli doontaa loo-shaqeeyahaaga iyada oo ku salaysan tirada saacadaha aad shaqayso. Wax biirinta waa ootomaatig waana fa’iido dheeraad kuu ah adiga gebi ahaanba.

Inta lagu guda jiro bisha 7-aad ama 8-aad ee aad daryeel bixiye ahaan u shaqaynayso, waxaa warqada soo dhawaynta laguugu soo diri doonaa boostada ay la socdaan macluumaadka sida loo furto akoonkaaga hawlgabka oo loo doorto ka-faa’iideyste.

Sideed ku heli kartaa lacagtaada hawlgabka?

Sida aad ku helayso akoonkaaga hawlgabka waxay ku xiran tahay da’da aad jirto iyo haddii aad wali u shaqaynayso daryeel bixiye ahaan.

Ka yar da’da 65 jir walina u shaqaynaya daryeel bixiye ahaan Waxaad xaq u yeelan doontaa lacagaha hawlgabka markaad gaarto da’da 65 jir.
Ka yar da’da 65 jir oo aan u SHAQAYNIN daryeel bixiye ahaan
  • Haddii 2 sano (24 bilood) ay ka soo wareegtay OO haraagaaga uu yahay $2400 ama ka yar, waxaad heli kartaa lacag bixin hal mar ah.
  • Haddii aad hadana markale dib u bilowdo inaad daryeel bixiye ahaan ugu shaqayso loo-shaqeeya ka qaybqaata barnaamijka, akoonkaaga hawlgabka ayaa dib loo furi doonaa oo lacagaha laguu soo diro ayaa ku dhici doona akoonkaaga isla markaaba. Uma baahnid inaad sugto 6 bilood.
Ka wayn da’da 65 jir walina u shaqaynaya daryeel bixiye ahaan Markuu akoonkaaga gaaro $2,400, waxaad bilaabi kartaa inaad hesho lacagta ugu yar bishii oo dhan $100, iyada oo ku xidhan da’daada iyo baaqiga akoonkaaga*.
Ka wayn da’da 65 jir oo aan u SHAQAYNIN daryeel bixiye ahaan
  • Haddii akoonkaaga uu ka yar yahay $2000 waxaad heli kartaa lacag bixin halmar ah.
  • Haddii akoonkaaga uu ka badan yahay $2,400, waxaad heli kartaa lacagta ugu yar bishii oo dhan $100 ama ka badan iyada oo ku xidhan da’daada iyo baaqiga akoonkaaga.
  • Haddii aad si joogto ah uga fariisato shaqada, waxaad ku wareejin kartaa hadhaaga akoonkaaga IRA, iyadoon loo eegayn inta uu dhan yahay akoonkaaga.
Ka wayn da’da 72 jir oo aan u SHAQAYNIN daryeel bixiye ahaan
  • Waa inaad hesho Lacagta Ugu Yar ee Lagala Bixi Karo Akoonka Hawlgabka (RMD). Waxaa ku ogaysiin doona maamulaha Qorshaha (Milliman).
  • Fadlan xaqiijin in macluumaadkaaga xiriirka uu yahay kii ugu danbeeyay.

*Lacagtaada waxay ku salaysan tahay midki badan: $100, AMA hadhaaga akoonkaaga ee hadda oo loo qaybiyay qiimaha qiyaasta IRS ee inta sano ee la rajaynayo inaa noolaato. Tusaale ahaan, haddii aad 65 sano jirto oo hadhaagaagu yahay $30,000, lacagtaada bil’laha ah waxay noqon doontaa $119 (oo laga jaray 20% oo ah qasab in lagaa jaro).

Su’aalo miyaad qabtaa?

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Qorshaha Howlgabnimada Sugan ee SEIU 775, kala xidhiidh Milliman lambarka 1-800-726-8303, laga bilaabo 5 a.m. ilaa iyo 5 p.m. Pacific time, Isnin ilaa iyo Jimce. Caawinta waxaad ku heli kartaa luuqadaada.

Haddii ay dhacdo inay is qilaafaan macluumaadkan iyo dukumiintiga Qorshaha, dukumiintiga Qorshaha ayaa shaqayn doono.

Wakhtiga Ayaa Ah Saaxiibkaaga Ugu Wanaagsan ee Wax Kaydinta. Daawo Sida Ay Lacagtaada U Badato! 

Loo-shaqeeyeyaasha wax ku soo biiriyo sanduuqa hawlgabnimada: 

  • State of Washington (Individual Providers)
  • Addus HomeCare
  • Amicable HealthCare
  • Catholic Community Services
  • CDWA
  • Chesterfield Services
  • Concerned Citizens
  • First Choice In-Home Care
  • Full Life Care
  • Korean Women’s Association
  • Millennia
  • All Ways Caring