Qorshahaaga Caafimaadka ee KPWA

Balan lacag la'aan ka samayso dhakhtarkaaga guud.

Loogada KPWA

Balan lacag la’aan ka samayso dhakhtarkaaga daryeelka guud.

Iyada la isticmaalayo caymiskaaga Kaiser Permanente of Washington, waxaad ku raaxaysan kartaa ballamo lacag la’aanta ah oo laga samaysto dhakhtarkaaga daryeelka guud qof ahaan, taleefan ama onlayn. Waxaad dooran kartaa dhakhtarkaaga wakhti kasta si aad u hesho daryeel habboon, oo tayo sare leh.

Daryeelka Caafimaad oo Lagu Helo Meel Walbo

Daryeelka caafimaadkaadka bilaashka ah iyo midka qiimaha hooseeya ayaad ka helaysaa meel walba, waad ku raaxaysan kartaa:

  • Daryeel tayo sare leh, oo loo diyaariyay baahiyahaaga.
  • Booqashooyin bad-qab leh, oo habboon oo ka dhaca gurigaaga.
  • Xulashada noocyada sugan ee daryeelka onleenka ama taleefanka ah, si aad u adeegsato nooc kasta tiknoolajiyadda aad jeceshahay:
    • Telefoon.
    • Iimayl.
    • Fariinta qoraalka ah.
    • Booqashooyinka muuqaalka ah.
    • App-ka taleefonka casriga ah.

Ka baro wax badan oo ku saabsan xulashooyinka laga heli karo qorshahaaga.

Samayso Akoon Onleen ah

Akoonka onleenka ayaa waqtiga dhawra iyadoo u sahlaysa helitaanka dhakhtar, maareynta kharashyada ama tijaabinta barnaamij caafimaad. 

  • Booqo websaydhka the Kaiser Permanente of Washington.
  • Guji badhanka “Sign In” ee ku yaala geeska mid ee qaybta kore. 
  • Guji “Register Now”. 
  • Geli macluumaadka diiwaangelinta xubinnimadaada:
    • Magaca kowaad iyo kan danbe
    • Taariikhdaada dhalashada
    • Lambarkaaga Aqoonsiga Xubinnimada
    • Afrta lambar ee u danbeeya Soshiyaal Sekuyuuritigaada (SSN)
  • Sax sanduuqa ku raacida Shuruudaha Adeegsiga oo guji “Next” si aad u sameysato akoon. 

Haddii aad hore u samaysatay akoon oo aad lumisay baasweerkaaga ama aad ku dhibtootay inaad isticmaasho, fadlan kala xiriir Adeegyada Xubnaha loogu talagalay ee Kaiser Permanente Washington lambarka 888-901-4636

Qorshahaaga Caafimaadka 2021-2022

Isticmaal gunnooynikaaga lacag la’aanta ah iyo kuwa qiimaha hooseeyo! Caymiskaada waxaa ka mid ah xulashooyinka caafimaadka dareemaha iyo ilkaha, faa’iidooyinka maqalka iyo aragga.

Ka baro wax badan oo ku saabsan qorshahaaga caafimaadka 2020-2021. [LINK]

 

Su'aalo miyaad qabtaa?

Kasoo wac adeega macmiisha 1–877–606–6705, 8 a.m. ilaa iyo 6 p.m. Pacific time, Isniin-Jimce.