Kula Kulan Dhakhtarkaaga Bilaash

Balan lacag la'aan ka samayso dhakhtarkaaga guud maanta. Way sahlan tahay!

Ver en español | 查看中文 | 한국어로 보기 | Посмотреть на русском | Xem bằng tiếng Việt | አማርኛ | عربى | Soomaali

Waxaad ka helaysaa SEIU 775 Benefits Group caymis la awoodi karo, taya sarena leh. Hadda oo aad leedahay gunnooyin caafimaad, way fududahay in la isticmaalo! 
Ku joogtee caafimaadkaaga inaad ula kulanto dhakhtarkaaga daryeelka guud si joogta ah. Waxaad dooran kartaa dhakhtarkaaga daryeelka assaasiga ah waqti walbo, ballamahana waa bilaash.

Daryeelka Caafimaad oo Lagu Helo Meel Walbo 

Ceymiskaaga, waxaad ku heleysaa daryeelka caafimaadka oo habboon, bilaash ah, oo qiimo jaban meel walbo. Waad ku raaxaysan kartaa:

  • Daryeel tayo sare leh, oo loo diyaariyay baahiyahaaga.
  • Booqashooyin bad-qab leh, oo habboon oo ka dhaca gurigaaga. 
  • Xulashada noocyada sugan ee daryeelka onleenka ama taleefanka ah, si aad u adeegsato nooc kasta tiknoolajiyadda aad jeceshahay:
    • Telefoon.
    • Iimayl.
    • Fariinta qoraalka ah.
    • Booqashooyinka muuqaalka ah.
    • App-ka taleefonka casriga ah.

Daryeelka onleenka kuma habboona dhammaan walaacyada caafimaadka mararka qaarkoodna habka ugu wanaagsan waa inaad daryeelka u hesho shaqsi ahaan adiga oo u xaadira. Waxaad sidoo kale u baahan kartaa inaad daryeel ka hesho isla markaaba*, xarunta daryeelka degdegga ah ee kuugu dhaw. 

*Daryeelka degdegga ah lamid ma ahan daryeelka gurmadka degdegga ah. Haddii aad la dhibaatooneyso xaalad naf-gooyo ah, sida wadna istaaga ama qabsinka, waa inaad aado qolka gurmadka degdegga ah.

Ka qaado ballan bilaash ah dhakhtarkaaga daryeelka assaasiga ah maanta.

Miyaad leedahay Kaiser Permanente of Washington* (KPWA)?

*Daryeel-bixiyeyaasha ku nool degmo kasta oo ka tirsan gobolka Washington oo Kaiser laga heli karo.

Miyaad leedahay Kaiser Permanente Northwest* (KPNW)?

*Daryeel-bixiyeyaasha ku nool gobollada Cowlitz ama Clark (Koonfur-galbeedka Washington).

Ma leedahay Aetna?

 

Qorshe noocee ah ayaan haystaa?

Qorshahaaga daryeelka caafimaadka waxaa go’aamiya gobolka aad ku nooshahay. Haddii aadan hubin qorshaha aad leedahay, isticmaal khariidadan si aad u ogaato.

Khariidada Caymiska Qorshaha Caafimaadka

Su'aalo miyaad qabtaa?

Kasoo wac Adeega Macmiisha SEIU 775 Benefits Group 1-877-606-6705, 8 a.m. ilaa iyo 6 p.m. Pacific time, Isniin-Jimce.