Tababar: Sida Looga Helo Faa’Iidada Ugu Badan Tababarkaaga

Fahan shuruudaha Shahaado Qaadashada DOH

Haddii lagaa doonayo in aad qaadatid shahaado, haka daahin – waxaad u bilaawdaa hanaanka sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah. Wac Xarunta Macluumaadka Xubinka si aad ugala hadasho wakiil wixii ku saabsan shuruudahaaga.

Isugu diiwaangeli Xili Hore Tababarka

Haddii aad u baahantahay Tababar Aasaasi ah, waxaan kugu dhiirigelinay- naa in aad isku diiwaangelisid fasaladaada labada toddobaad ee ugu horreeya ee shaqaalaynta saad u heshid doorashooyinka ugu fiican ee ikhtiyaaraadka fasalka. Haddii aad doonaysid in aad qaadatid fasallo Wax- barasho Sii-wadasho ee Macalinka-Horkaca (CE) , isku diiwaangeli xili hore ee suurtagalka ah si aad u heshid doorashada ugu fiican ee ikhtiyaaraadka fasalka kahor wakhtiga kama dambayska (maalintaada dhalashada).

Qaado Barashada Online-ka ee loogu talogalay Darajooy- inka Aqoon Qaadashada ee Waxbarasho Sii-wadasho

Koorsooyinka Waxbarasho Sii-wadashada ee Online-ka ah waa hab fudud oo sahal ah ee lagu helayo Saacadaha Waxbarasho Sii-wadasho (CE) ee aad ugu baahantahay sida Kaaliye Daryeel Guri ahaan. Waxaad ka eegi kartaa koorsooyinka la heli karo, ka qaadan kartaa fasallo kana eegi kartaa darajooyinkaaga dhammaan kumbuyuutarkaaga – 24 saacadood maalintii, toddobo maalmood toddobaadkii.

Ka raadso Online-ka Adeeg iyo Taageero Kugu Habboon

Cinwaanka mareegtada www.myseiubenefits.org waa macluumaadkaaga dhammeystiran ee fasallada la heli karo, xaalkaaga tababarka ee hadda la joogo, u-qalmitaanka dheefaha iyo wax badan. Soo gal mareegtada marka hore si aad u heshid jawaabaha aad u baahan tahay.

Cusboonaysii Macluumaadkaaga Xiriirka

Hubso in aad helaysid macluumaadka hadda la jooga ugu dambeeya ee ku saabsan tababarkaaga adiga oo ka cusboonaysiinaya macluumaad- kaaga xiriirka cidda aad u shaqeysid.

Ma u Baahan Tahay Taageero Luuqadeed ee Loogu Talogalay Tababar ama Dheefo Caafimaad (Health Benefits)?

a Wac Xarunta Macluumaadka Xubinka 1-866-371-3200 ama iimeyn ugu dir Training and Benefits Support waxaana su’aalahaaga kaaga jawaabaya wakiil ku hadlaya luuqadaada.

Contact Us

Waxaa intaa siidheer, in ardayda ay waci karaan MRC si ay turjumaan ugu helaan Luuqadaha ku saleysan imaanshaha-koowaad.