Health Benefits Trust: Bilaabista

Eeg U-qalmitaankaaga ee loogu talogalay Health Benefits

Waa in aad shaqeysid ugu yaraan 80 saacadood bil kasta seddax bilood oo isku xiga si aad ugu qalantid in aad codsatid dheefaha Health Benefits Trust. Uma baahnid in aad sugtid ilaa aad uga qalantid in aad codsatid, waxaad dhammeystiri kartaa foomka codsiga kadib marka lagu shaqaaleysiiyo.

Codso

  • Bixiyeyaasha Shakhsiga Gaarka ah: Waxaad codsan kartaa adiga oo galaya
    www.myseiubenefits.org kadibna buuxinaya foomka codsiga.
  • Bixiyeyaasha Hay’adda: Kala hadal loo shaqeeyahaaga wixii ku saabsan codsashada.

Raadso Kaarkaaga Aqoonsiga

Kadib marka aad codsatid, laguuna arko in aad u qalantid oo aadna bixisid lacagta joogtada ah ee caymiskaaga,
waa in aad ku heshid Kaar Aqoonsi boostada. Waxaad u baahanaysaa lambarka kaarka Aqoonsiga si aad u heshid dheefahaaga. Haddii aadan helin kaarka marka ay tahay 15ka ee bisha caynsanaantaada ay bilaabanayso, ka wac MRC 1-866-371-3200. Raadi kadibna waxaad qortaa Xurunta Daryeelka Degdega ah ee kuugu dhow waxaadna la haysaa kaarkaaga tixraac ahaan.

Dhammeystir Haybsashada Caafimaadkaaga

Dhammeystir Haybsashada Caafimaadka ee online-ka ah kadib marka aad online-ka iska diiwaangelisid www.MyGroupHealth.org ama www.KP.org.

Dhammeystir Booqashada Daryeelka Ka Hortaga

Ka adeegso tusiyaha bixiyaha online-ka ah www.ghc.
org ama www.kp.org si aad u xulatid bixiyaha daryeelka aasaasiga ah ee sida wanaagsan kuugu habboon. Kadibna samee ballanta daryeelka ka hortaga ama wac si aad waqti u qabsatid. Caafimaadka Kooxda 1-800-901-4636 ama
Kaiser Permanente 1-800-813-2000.

Dhammeystir Nadiifinta/Baarista Ilkaha

Caafimaadkaaga afka waa qayb muhiim ah oo kamid ah caafimaadkaaga guud. Xulo takhtarka ilkaha, dhammeystir nadiifin – dhoolla-cadday! Ilkaha Delta 1-800-554-1907 ama Ilkaha Willamette 1-800-359-6019.

Baro Meesha Ay Ku Taalo Xarunta Daryeelka Degdega ah ee Kuugu Dhow

Sida ugu dhaqsiyaha badan ee suurtagalka ah, waa in aad u aqoonsatid Xarunta Daryeelka Degdega ah ee kuugu dhow marka aad u baahan tahay Daaweynta Daryeel Degdeg ah. Waxaad ka heli kartaa Xarumaha Daryeelka Degdega ah online-ka www.ghc.org ama www.kp.org.

Maarey Rijeetooyinkaaga Daawada

Haddii aad haysatid rijeetooyin daawo oo hore u jiray, ha laguugu wareejiyo Caafimaadka Kooxda ama Kaiser Permanente. Kadibna, ka aasaas online-ka dib-u buuxinada rijeetada ee dalabka-boostada ah ama iyada oo loo marayo adeegga macmiilka si aad u badbaadisid lacag iyo waqti.

Dhammeystir Seddax Waxqabadyo oo Xiddigo Saaran kadina Hel $100!

Haddii aad

  1. Dhammeystirtay Haybsashada Caafimaadkaaga;
  2. Dhammeystirtay booqashada Daryeelka Ka Hortaga ah; ama
  3. Dhammeystirtay nadiifinta/baarista ilkaha, waxaad helaysaa jeeg ah $100.